Faa’iidada Ciyaaraha

Markaan halkaan cayaaro ku leenahay uma jeedno kuwa iyagoo la fadhiyo lagu madadaasho, sida turubka, dubladda, iwm., ee waxaan u dan leennahay cayaaraha jimicsiga, sida: kubbadda, orodka, bootinta, teeniska, dabaasha iwm.
Waxaa isweydiin leh sidee bay cayaaruhu qofka wax ugu taraan. Cayaaruhu qofka caafimaadkiisa jirka ah iyo waxgarashadiisaba wax bay u taraan. Waxaa la wada ogsoon yahay sida qofka cayaaraa uu uga nashaad badan yahay kan aan cayaarin, haddii la eego jidhkiisana laga garanayo inuu yahay jidh Fayow. Waxaa intaas raaca in qofku cayaaraha ku barto bulshaynimada. Marka, haddaan dib ugu noqonno sida oogada qofku cayaaraha uga faa’iidaysto waxaa xusid u baahan in inta cayaartu socoto oo dhan wadnaha shaqadiisu siyaado oo sidaas daraaddeed dhiigga wareeggiisu ka badan yahay intii hore. Taas micneheedu waxaa weeye in qofka jidhkiisu ka helayo dheef iyo oksijiinba qiyaas ka badan intuu heli lahaa haddii uusan cayaarin. Isla mar ahaantaas waxaa kordhaya dhiigga iska saariddiisa wixii doorsoon ahaa oo ku soo darriyey intuu oogada ku wareegayey.
Maskaxdu waa xubinta koowaad oo dhiigga ugu baahi weyn, taasoo na garansiinaysa sida ay uga faa’idaysanayso dhiigga wareeggiisa kordhaya markii la cayaaro iyo sida arrintaasi u kaalmaynayso qofka waxgarashadiisa, dhugtiisa, iyo bulshaynimadiisaba. Awal baa horay loo yidhi: Jidh fayow baa maskax fayow leh.