Jacaylkii soo rafaaday Q4aad

 

Sheekadii Toddobaatameeyadii dhacday ee Jacaylkii Soo Rafaaday(Buux iyo Cambaro)
Taxanihii Arbaca kasta eed kala socoteen bogga iyo bahda Dhugasho.
“Waxay inoo joogtay iyadoo lagu heshiiyay in gabadha tareenka Jabuuti la soo saaro, waxaana arrinkaas lagula dardaarmay wiilkii la odhan jiray Qummane”
Qummane waa wiil dalyaqaana oo ka tirsan dhallinyaro ka shaqaysa jaadka koontarabaanka ah ee ka gudba xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya. Dhallinyaradaa oo loo yaqaanay Yaacaay. Waa niman sida haadka ugu duula ugana dega tareenka goob kasta oo uu socdaba.
Habeenkii ballanta ayaa la joogaa, Xasna waxay u xil sarantahay inay mar uun tareenka agtiisa Cambaro keento. Cambaro waa diyaar oo haba yaraatee dhulka waxba kama yaallo. Xasna qof shaki ka qaba inay shirqool waddo haba yaraatee ma jiro. Si aan loo dareemin habeenkaa Xasna hal marna may agmarin guriga qoyska Cambaro, waayo Cambaro waxay kula ballantay toddobada fiidnimo goob aan ka fogayn gurigooda.
Cambaro oo iska dhigaysa gabadh dukaanka ka soo adeeganaysa ayaa Xasna ugu tagtay goobtii ballanku ahaa. Cabbaar markay ku sheekaysteen meel mugdi ah oo u dhaw halkii laga raacayey tareenka, waxa durba soo muuqday iftiinkii tareenka. Dhinaca midig Qummane ayaa soo istaagey. Cambaro wadnaha ayaa boodaya, si uu xaal noqon ayey ka welwelaysaa, dharka intaa korkeeda saaran mooyeen wax kale ma sidato alaabo kalena hadalkeeda daa. Dhawr goor oo ay Dirri dhaba u socdaashay mooyee weligeed Cambaro mayn dhoofin. Qummane oo xariif ku ah maridda jidkan adag ayaa durba Cambaro go’weyn oo ay hab isku siiso si naxariis leh ugu dhiibay oo ka codsaday inay isku duubto, waanay yeeshay. Faalitoogii baa durba  soo joogsaday. Qummane oo khabiir ku ah meelaha ugu wanaagsan ee laga fadhiisto Faalitooga ayaa meel sallaxay, garabka midig intuu qabtay ayuu Cambaro saaray iyadoo go’iina hab isku siisay. Inta hawshu socotay oo dhan Xasna ayaa garab taagan oo niyadda u dhisaysa. Daqiiqado ka dib tareenkii baa dhaqaaqay.
Xasna markay Cambaro ku hubsatay Faalitooga dushiisa markiiba aqalkoodii intay tagtay ayey isduuduubtay si marka Cambaro la waayo loo shakiyin.
Goobta ay Cambaro fadhido waa gaadhi kuwa adhiga lagu guro ah dushana ka bannaan oo madhan.Tareenkii wuu dhaqaaqay, cabbaar markii la socday Qummane ayaa Cabbaro u keenay laba buste oo mid weyn yahay si ay u goglato, midka labaadna waa mid yar oo ah nooca loo yaqaan buste-xumadeedka si ay uga huwato dabaylaha iyo dhaxanta. Gaadhigan midka ku daba xidhan waa kuwa xamuulka qaada ee qafilan. Gaadhigaa dhakadiisa sare ayuu Qummane fuulay si uu halkaa uga bidhaansado Cambaro. Intaan la gaadhin Cali Sabiix tareenku dhawr goobood buu ku sii hakadaa, kuwaas oo kala ah Laas-xadhaadh, Ayshaca, Dawanle iyo Galiile. Hal saac hadday Cambaro sii maqan tahay ayey hooyadeed tawday, wiilkii qoyska u weynaa bay u yeedhay iyadoo dareen galay, Cambaro tan iyo haddeer ishaydu ma qaban ee xaggay qabatay? Wiilkii baa raacdo galay oo ka soo hubiyey dukaanka iyo guryaha jaarka qaarkood. Wiilkii oo quusi ka muuqato ayaa hooyadii ku noqday, gabadhii mahayo hooyo cid sheegaysana ma arag. Xilligu wuu isguray, durba laba saacadood baa ka soo wareegtay socdkii dhuumashada ee Cambaro. Islaantii Cambaro hooyadeed qaylo ayey miciin moodday oo jaarkii iyo qaraabadii ayaa muddo yar dabadeed ardaaga soo buux dhaafshay. Qaar ka tirsan dadkii soo gurmaday ayaa yidhi, aqalkii Xasna ma laga soo fiiriyey, gabadh firfircoon oo islaantu habaryar u tahay baa orod is qaadday oo soo hubisay, waxay soo ogaatay in Xasna fiid hore seexatay. Saacaddu gooray tobankii habeennimo tahay ayaa odaygii qoyska, islaantii, wiilashii iyo dhammaan qaraabadii ogaadeen in gabadhu aanay magaalada joogin. Wax la goobaba u dambayn qoyskii waxay is dareensiiyeen in gabadhoodii Cambaro ay Buux raacday.
Waagii markuu dillaacay odaygii oo ay ka go’an tahay inantiisa la boojiyey inuu soo dhacsado ayaa ku kallahay siligga, waxa uu la xidhiidhay qaraabadii kala joogtay Jabuuti, Dawanle iyo Cali Sabiix isagoo war buuxa siiyey sidii ay arrini u dhacday. Waxa uu xoogga saaray qaraabada Cali Sabiix oo uu ka codsaday in aanay gabadhu halkaa dhaafin, haddii aan tol nahay maanta ii gurmada ayuu hadalka ku soo xidhay. Warkii baa la is wada gaadhsiiyey, xammaasad baa arrintii la geliyey. Go’aanka la gaadhay waa in Cambaro aanay Cali Sabiix dhaafin oo gacanta lagu soo dhigo.
Cambaro waxay socodkii dhibta badnaa ku jirtaba 12kii habeennimo ayuu tareenkii ku soo dhawaaday Dawanle oo ku taal xadka kala qaybiya Jabuuti iyo Itoobiya.
Sidaan kor ku soo sheegay xilligan waa billowgii toddobaataneeyadii, dalka Itoobiya waxa ka arrimin jirey boqorkii Xayle Salaase oo isagu dadka Soomaalida si xun oo gumaysi ah ula dhaqmi jirey, sidaa daraaddeed xuduudaha ay ka tallaabaan dadka Soomaaliyeed si adag baa loo ilaalin jiray. Dawanle berigaa waxa la keeni jiray askar lagu soo ballamiyey in aanay wax naxariis ah haba yaraatee u gelin dadka ka gudbaya xadka. Askartaa had iyo jeer waxa la soo sooci jiray qaar aan nixin oo wajiyadooda iyo hadalladooda ay ka muuqdaan naxariis darro. Dhinaca Jabuutina gumaysigii Fransiiska ayaa ka amar ku taaglayn jirey berigaa. Askarta xadka ilaalisa ee Faransiisku waxay ahaayeen kuwa loo yaqaan leejooneer (Askar Shisheeye).
(Askar Shisheeye) Waa askar ay dawladda Faransiisku ka qorato dalal shisheeye ah. Waa niman ay naxariistu ka guurtay, ku darsoo weliba waxa ku jira qaar hooyooyinkood iyo aabbayaashood soo dilay. Waa askarta haddii Faransiisku dagaal galayo uu iska horreysiiyo.
Labada geesba waxa ilaaliya waa askartaa aan soo sheegay. Cambaro wax sharciya oo ay xadka ku marto haba yaraatee ma hayso. Allow jid u bixi!.
Qummane sidaan kor ku soo sheegay waxa uu ka tirsan yahay koox dhallinyaro ah oo la yidhaa Yaacaay oo jaadka koontarabaanka ah geysa Cali Sabiix. Waa niman dalyaqaana ah oo sida haadka ugu duula ugana dega tareenka, hawshooda markaad u kuur shid ayaad ogaanaysaa inay tahay mid noloshu ku dirqiday.
Haddeed waa Dawanle goobta lagu soo dhaw yahay, waa goobta nimanka Yaacaaydu sida haadka intay tareenka uga degaan ay duleedka uga maraan Dawanle si ay uga nabad galaan askarta xadka ilaaliya. Markan Qummane dan uu leeyahay uma socdo, waa Cambaro cidda uu jid marinayaa isagoo weliba qaba dardaarankii ahaa qofna yaanu ogaan Cambaro meel kasta oo ay marayso. Hadduu tareenka sida haadka uga degi lahaa Cambaro waa gabadh oo ma karto. Farsamo kale ayuu adeegsaday, oo tolow waa mid caynkeeya?
Tareenka waxa jiida oo kexeeya mashiin. Mashiinku waxa uu sameeyaa naqas. Nakhaskaasi waxa uu raacaa qasabad ka samaysan tuubbo adag, gaadhi walba naqasku wuu sii dhex maraa oo midba midka kale ayuu ku xidhaa. Qasabaddaa oo loo yaqaan Baayoo.
Haddaba Qummane oo farsamadaa tareenku ku shaqeeyo aad u yaqaannay ayaa Baayooga gooyey[4] si uu tareenka dhanba u joojiyo. Way diyaar garoobeen isaga iyo Cambaro.Tareenkii wuu istaagey dhulkuna waa madow gudcura, intaan ilaaladii Faalitoogu soo degin ayuu intuu Cambaro garabka qabtay ka soo dejiyey, waa dalyaqaan guuraha ku dheereeya oo weligiiba dhulkan lug ku mari jirey. Dhinaca bari ayuu abbaaray si ay xoogaa uga fogaadaan wax ilaalo ah oo ka hortimaata. Ciidammada Xabashidu waa sida digaagga oo habeenkii dhufaysyada kama baxaan oo way cabsoon ayuu Cambaro niyadda ugu dhisay. Cabbaar markay socdeen ayey haddana dhinaca woqooyi abbaareen oo Dawanle ayey dhinaca bari ka mareen. Dhulku waa buuraley waa dhulka loo yaqaan Casajoog. Qorshaha uu Qummane wado waa inuu lug ku geeyo Cali Sabiix. Dawanle iyo Cali Sabiix socotada caadiga ah saddex saacadood bay ku qaadataa hasayeeshee Cambaro oo ah gabadh aan weligeed socotoonin saacado badan bay ku qaadanaysaa. Xadkii bay ka tallaabeen. Galiila oo ay joogaan ciidammadii Faransiiskuna dhinaca bari ayey ka mareen, waxase u muuqday laydhkii tuulada ka baxayey. Allow nabad geli! Cambaro daalkii iyo caatadii ku dhacaysay marna Qummane kama dareemin oo waxa u hillaacayey Jacaylkeedii Buux. Intii ay socodka ku jireen oo dhan Qummane oo nin bulshaawi ah ayaa sheekooyin xiisaleh ku maaweelinayey si ay u illawdo jidka rafaadka iyo naxdinta badan
Waxay sii socdaanba xilli ku beegan salaaddii subax ayey Cali-sabiix soo galeen. Weli dadku way hurdaan, dad kooban oo salaadda u socda umbaa waddooyinka maraya, waa milay u wanaagsan oo ay Cambaro ku faraxsan tahay. Aqal uu leeyahay wiil ay isku jilib yihiin Buux oo Qummane garanayey ayey tageen. Wiilkan magaciisu waa Cali. Way garaaceen, haweenaydii Cali oo salaadda u kacday ayaa ka furtay. Waa la is bariidiyey, islaantu way garatay Qummane gabadhase mayn garan, waxayse u qaadatay inay wiilka qaraabo yihiin. Sidii dhaqanka martidu dhigayey baa loo soo dhaweeyey, durbadiiba biyo ay ku maydhaan baa loo diirshay, shaah iyo laxoox ama biddeeno nimba siduu u yaqaano ayaa loo soo dhigay si ay ugu qureecdaan. Ninkan Buux ina adeerkiiya ee Cali toddobada ayuu shaqa tegayaa, kowda duhurnimana wuu soo rawaxayaa sidaa daraaddeed Qummane ayaa intuu gooni u la baxay durba warkii oo dhan farta ka saaray.
Buux isagu Jabuuti ayuu joogaa hasayeeshee dhegta ayaa u taagan. Magaalada Cali-sabiix isgaadhsiinteedu way ka wanaagsan tahay tii Hadhagaala.Telefonka laynka toos baa Jabuuti loogala xidhiidhaa. Cali markuu galay xafiiskii shaqada bilawgiiba telefonka ayuu qaatay si uu dhakhso ugu war geliyo Buux.
Waxa uu kala xidhiidhay goobtii shaqada, hasayeeshee, Buux wuu  maqnaa, gurigiisuna telefon ma leh. Sidaa kuma uu dayn Cali oo dedaal badan buu u galay si uu Buux u helo, dad badan oo qaraabo iyo asxaabba leh ayuu la xidhiidhay, nasiibdarro wuu waayey.
Dhinaca kale, Cambaro qaraabadeeda intii magaalada joogtay iyagoon u kala hadhin rag iyo dumar ayaa gaaf wareegaya, weliba ku darsoo gantaalihii qabyaaladda ayaa la isku guubaabiyey. Tareenkii soo gala iyo ka baxayaba waa la hoostaagan yahay, basaskana sidaa si la mida ayaa loo kor taagan yahay. Ujeeddadu waa maruun Cambaro gacanta ha lagu dhigo.
Cali maalintii oo idil sidii buu Buux telefonka ugu raadinayaa, qaraabadii iyo asxaab tii Jabuuti intii uu heli karay wuu la xidhiidhay isagoo faraya in Buux la soo helo. Waxay arrini sidaa ahaataba, wax kolba qof la weydiiyaba, wax cabsida iyo welwelku bataba, siddeeddii fiidnimo ayaa Buux telefonka lagu helay. Warkii iyo xaal halka uu marayo oo tifaftiran baa dhegta loo saaray. Buux oo awal horeba yaabbanaa ayaa welwelkii ku sii kordhay, hasayeeshee, kol haddii Cambaro Cali-sabiix timid oo weliba gacanta qaraabadiisa ku jirto  dhinac bay farxadi ka soo gashay laabtiisa.
Xilligu waa habeen, bas iyo tareen aroorta ka hor baxayaa ma jiro.
Tagsi buu raadsaday, inkastoo kiradu aad qaali u tahay haddana mid walba aroorta ka hor bixi maayo ayuu hadal ku soo xidhay.
Buux wareer baa u sii kordhay, fadhi uma yaal hurdana hadalkeed daa. Aqalka uu deggan yahay oo ku yaal xaafadda lixaad (Quartier6) hortiisa ayuu kursi dhigtay, waddada weyn ee hormarta ee la yidhaa Jamaal Cabdinaasir ayuu u sii jeedsaday. Hal saac markuu fadhiyey ee talo gees walba kaga soo xidhantay ayaa waxa soo maray wiil ka tirsan asxaabta oo la yidhaa Geeddi qudhiisuna reer Hadhagaala ahaa.
Waa la is bariidiyey. Geeddi cabbaar markuu fadhiyey ayuu dheehday welwelka caawa ka muuqda saaxiibkii Buux. (Uur iyo ilko midna lama qarin karo, ayey Soomaalidu tidhaa. Alleylehe jacaylna lama qarin karo) Waar Buuxow caawa maxaa kugu soo kordhay? Inkastoo arrintani Buux sir u ahayd oo aanu cidba la socodsiin haddana gun iyo baar halka xaal marayo ayuu saaxiibkii Geeddi farta ka saaray, waayo caawa oo kale waa markii talo iyo gargaar la isku lahaa.(Kol hadday fooli timid guda qarsiimo hadhay)Geeddi si uu saaxiibkii uga yareeyo welwelka ereyo niyad dhis ah ayuu bilaabay. Kol hadday gacanteenna ku jirto ha cabsan waad guulaysane baa ka mida hadalladii Geeddi.
Way tashadeen, dhawr talo oo Geeddi keenay way u cuntami weyday saaxiibkii, u dambayn Buux baa talo keenay oo yidhi.

Qaybaha kale iyo siday wax noqdaan Allaha inagu simo.