Oday xagga hore fadhiyey oo buuri canka uga buuxo ayaa buurigii tufay, wuxu yidhi,
Annagu markaan dhallinta ahayn afkayaga gabadh baan jeclahay ma soo marin jirin. Gabadha gaarida ah ama lagu maleeyo fariidnimo iyo karti umbaa loo geed fadhiisanayey. Dhaqankii wanaagsanaa nimanka dabaqalaalka ah ayaa ku galgashay, gabadhaa waan jecelahay markuu afka ku kala waaxayo miyaani xishoonayn?
Gabdhihii baa ka sii daray raggii, wiilkaa waan ka helaa intay duhur cad tidhaa bay iska raacaysaa sida tanoo kale nin hadhow bacad dhigi doona, Ilaahow dhallinta soo hadee!
Cambaro iyo Buux iyagoo foorara oo dhididku qooyey xishood dartii ayaa ereyadaa oo dhami dhegahooda ku dhacayeen.
Hadal uma bannaana hoostase waxay ka lahaayeen, waddadu dheeraa goormay dhammaan, miyaanay ahayn tii 100km ahayd.
Rakaabkii baska la socday waxay u ahayd dood macaan oo ay jidkii ku gaabiyeen, Cambaro iyo Buuxna ugama duwanayn dad galay god abeeso. Markii Jabuuti loo soo dhawaaday ee Balbala oo biligbiligta agteeda la marayo ayuu Buux dhawaaqay, noo jooji baabuurka, waa la joojiyey. Intii ay baska ka degeyeen iyagaa lawada eegayey, naxdin darteed markay Cambaro gaadhiga ka dageysay way fuftay, Buux oo dhulka uga horreeyey ayaa gacanta qabtay. Islaantii Afyar Hoorri ayaa hadallo ka soo daba tuurtay, waxay tidhi:-
Aabbahaa iyo hooyadaa ka soo baxsataye waa halkuu ku dhigo ninkaa madoobi!Hooyadaana farriin baan u diri doonaa.
Dheg jalaq umay siin kol hadday baskii uga degeen.
Goobtan ay ku dhaadheceen waa taag uu ka dhisan yahay dhisme dheer. Dhismaha dushiisa sare tiriig (laambad) weyn oo sida kubadda u malaasan baa ku rakiban.Tiriiggaasi habeenkii buu shidmaa oo biligbilig buu yidhaah, marna wuu shidmaa marna wuu demaa. Waa iftiin ay soo bidhaansadaan maraakiibta ku soo jeedda dekedda Jabuuti. Waa tiriigga ay xaafaddani kula baxday Balbala.
Balbala waxay aasaasantay sannadkii 1967kii. Waa berigii gumaysiga Faransiisku magaalada ku xeeray siligga korontada leh. Laba irdood oo laga galo oo midi Balbala ku yaal buu u sameeyey. Askarta ilaalisaa waa kuwo afartii biloodba mar la beddelo si aanay dadka isku baran. Cambaro maalintii u horreysay ee ay Balbala timid waxay ku soo beegantay askar cusub oo maalintaa la keenay. Maalintaa Balbala waxa la isla dhex marayey. Maanta kuwii sambabka u ekaa baa kidinka magaalada jooga. Buux sharci buu leeyahay, Cambarose waraaqo ma leh oo ma geli karto magaalada.
Guri aan ka fogayn biligbiligta oo uu lahaa nin jaadle ah oo ay isku barteen shaqada ayuu Cambaro geeyey oo uu ku ballamiyey, waxa uu yidhi, taniyo berri intaan sharci u raadinayo gabadhaasi halkaa ha ii fadhido daranyadana iiga dhawr. Islaantii odaygu qabay Jabuuti bay raashin u doonatay oo ay ku maqnayd hasayeeshee markay timid ayuu odaygu ka dhaadhiciyey in Cambaro uu qabo nin ay saaxiib yihiin. Reer Balbala berigaa martidu way ku badnayd, dadka magaalada laga soo masaafuriyo iyo kuwa doonaya inay galaanba way marti galin jireen. Buux magaaladii buu tegay oo fadhi uma yaal, habeennimadiiba dad badan buu la xidhiidhay oo uu waraystay sidii uu ku heli lahaa warqad ay Cambaro ku soo gasho Jabuuti.
Dhinaca kale, warkii baa gaadhay Hadhagaala in Cambaro ninkii ka kaxaystay Cali Sabiix. Xilligaa dabadeed raacdadii iyo soo qabtaaydii baa hoos u dhacday. Waxa jira dhaqan Soomaali ah, oo kol hadday gabadhu u badheedho oo ay raacdo nin loo diiddanaa, waa inaa loo meheriyaa intaan ceeb kale ka iman, sidaa daraaddeed Cambaro aabbeheed xiiso uma qabo in la soo qabto xilligan dabadeed.
Intii uu Buux sharci raadinta ku maqnaa waxa gurigii uu Cambaro geeyey habeennimadii yimid nin ka tirsan ragga abboolo (Apollo) la yidhaa. Waa niman caan ka ah Balbala oo dadka doonaya inay magaalada galaan siligga ka gudbiya. Waa rag si qaab daran oo halis badan ku shaqaysta oo weliba lacag ka qaata dadka. Ninka Cambaro guriga ugu yimid odayga aqalkan leh ayey qaraabo dhaw yihiin. Markuu soo galayba meel boodh badan leh buu fadhiistay, jaad uu sitay buu durba afka ku guray. Ninkan magaciisa Kaariye ayaa la yidhaa, waa nin gaaban oo xoog leh, wajigiisa dhawr dakhar oo waaweyn baa ka muuqda. Da’diisu intay tahay marka laba loo qaybiyo meel buu ku dhammaystay xabsi. Islaantii odaygu qabay oo Cambaro dhinaceeda fadhida ayaa la hadashay ninkii, waar Kaariye halkeed ka timid caawa?
Kuye, gabadhani miyaanay u baahnayn in la geeyo magaaladii? Cambaro oo marka horeba suuraddiisa ka yaabbanayd baa tidhi, oo sidee baad ii geyn magaalada?
Ninkii Kaariye oo haliilaya ayaa bilaabay inuu sharraxo qaabka ay isaga iyo saaxiibbadii dadka u dhaafiyaan xadhig xayirka ku meersan magaalada. Wuxu yidhi:-
Annagu habeen mooyee dharaar ma shaqayno. Waxa jira goobo aan ka bannaynay xadhig xayirka oo aan dadka ka huluulinno habeenkii oo weliba xilliyada gudcurka ah, sida caawa oo kale. Qofka aan gelinayno magaalada waa inuu ahaado ruux calool adag oo aan biqin. Bogga ayaa xoogaa lagu socdaa iyadoo la iska eegayo siligga korontada leh een sida xirfadaysan u goynay. Intaa marka la dhaafo waxa jira bambooyin dhulka ku aasan oo haddaad taabato qarxaya. Bambooyinku waa laba nooc, midi markay qaraxdo dadkay dishaa, midda labaad hadday kugu qaraxdo waxa ka soo baxa laydh amma tiriig aad u iftiin badan oo hawada sare u booda dabadeedna sida baarashuudka ayuu aayar soo degaa isagoo goobtaa oo dhan ka dhiga dharaar cad, isla markaana waxa ku haya jiib iyo jaandaaran ordaya. Annagu abbooloyaasha haddaan nahay dadka aan wadno markay si wanaagsan noo daba galaan ee ay baydhbaydhka iska ilaaliyaan way nabad galaan. Dumarku markaan dhexda marayno umbay qaylo kaga kacaan oo way na kashifaan. Beryahan dambe dumarka afkaan maro kaga xidhnaa, laba habeen ka hor baan lix gabdhood sidaa ku dhaafiyey.
Xeelad kale ayaa jirta, habeenkii markay baddu caarido baan dadka lugaysiinnaa oo xadhig xayirka xaggiisa hore ee uu badda kaga jiro ayaan ka soo wareejinnaa,sidaa baan ku soo gelinaa. Dhinaca badda beryahan dambe dadku way ka cabsadaan oo way na diidaan sababta oo ah Muddo haatan laga joogo saddex bilood baan aniga iyo saaxiibbaday kaxaynay lix nin oo badawa kana soo safray Galawi iyo Kaaha oo weligood bad arag. Lixdii nin bay baddu naga liqday. Xilligaa kadib bay dadka cabsi gashay, laakiin waa goob dhib badan lahayn. Adiguna labadaa meelood middaad rabto dooro meel kale oo kuu furan ha eegin gabadhaay. Imikadan dad baa i sugaya oo aan kaxaynayaaye tan iyo berri soo tasho.
Intaa markuu yidhiba wuu baxay. Cambaro madaxa ayey qabsatay, Subxaanallaah erey ahayn oo afkeeda ka soo baxdana waa la waayey. Ayar intay kacday bay qolkii gashay, way is duuduubtay, hasayeeshee habeenkii oo dhan hurdo mayn ladin.
Dhinaca kale, Buux habeenkii oo dhan kolba cid wuxu waraystaba, wax hadba xeelad loo sheegaba, u dambayn war buu helay odhanaya. Haddii Balbala qof ku xanuunsanayo, warqad uu ku soo gali karo magaalada waa loo sameeyaa. Intaa markuu ogaaday buu hurdo u xamaan qaatay. Welwel daraaddii habeenkii oo dhan laba indhood ismu saarin.
Lixdii aroornimo ayuu ku kallahay goobtii, xafiiskii iyo ciddii uu la kaashan lahaa soo helidda warqadda ay Cambaro ku soo geli lahayd magaalada. Kowdii duhurnimo ayuu gacanta ku dhigay warqad sheegeysa ruux xanuunsanaya oo Balbala laga soo qaadayo. Buux nasasho iyo cunno midna uma dhadhamayaan. Intaanu Balbala iyo Cambaro u dhaqaaqin waa inu helo goob uu dejiyo jacaylkiisa.
Xaafadda toddobaad (Burcakibir) guri ku yaal ayuu sii maray, waa guri ay degganaayeen saddex hablood oo ay macaruuf ahaayeen. Aqalkii oo xidhan gabdhihiina shaqo ku maqan yihiin buu isa soo taagay.
Cabbaar buu sugay, hal saac dabadeed mid ka tirsan hablii oo magaceeda la yidhaa Laqanyo ayaa timid, waa la is bariidiyey, aqalkii bay furtay, soo dhaaf bay tidhi, uu soo galay, “Buux fadhiiso” bay tidhi, “fadhi iima yaal” buu yidhi, “maxaa dhacay?” tidhi, isagoo waxba qarsan warkii oo dhan buu Laqanyo farta ka saaray. Laqanyo oo naxariis iyo gaarinimoba u dhalatay baa tidhi, “Buuxow gurigan meel aan ahayn oo aad geysaa ma jirto, ee horta sidaa ogow, maanta oo kale waa la isu abaal dhgtaa, halkan keen hablaha kalena waan ka wargelin doonaa haddii Alla yidhaah” bay hadalkii ku soo xidhay.
Buux oo xoogaa farxad ahi laabtiisa gashay baa aqalkii ka baxay isagoo u sii jeeda Balbala. Shantii galabnimo ayuu aqalkii Cambaro joogtay yimid. Cambaro oo daaradda fadhida hoosna u foorarta ayuu dalaq soo yidhi. “Cambaro iska warran” buu ku bariidiyey, “Waa nabad” bay tidhi. Markay indheheedu qabteen daalka, diifta iyo dhididka wajigiisa qariyey ayaa indhaheeda ilmo ku soo joogsatay. “Fadhiiso bay tidhi’ “fadhi inooma yaal” buu yidhi. Warqaddii aad magaalada ku geli lahayd baan kuu sidaa ayuu raaciyey. Intay ilmadii iska tirtay bay qolkii gashay, islaantii bay ka war gelisay in Buux yimid oo ay dhakhso u soconayaan, waa la isa salaamadiyey. Buux oo marka horeba dibadda u baxay ayey Cambarana ka daba baxday. Bas yar oo ah nuuca loo yaqaan Fogisfaagen ayey raaceen. Goobtii baabuurta iyo dadka lagu baadhayey bay soo gaadheen, baabuurtii baa laga wada degay. Intii baadhistu socotay Cambaro wadnahaa boodayey, mar bay ku sigatay inay dhulka ku dhacdo. Markay ka soo gudbeen ee ay soo dhaafeen kidinkii bay Cambaro tidhi, Allaylehe kuwani waa kuwii sambabka u ekaa ee reer Balbala sheegayeen. Intii ay gaadhiga ku soo jireen ayuu Buux uga warramay Cambaro dhibtii uu u soo maray soo helidda warqadda iyo goobta uu dejinayo, hablaha gurigaa deggan iyo sababta uu ugu dooray aqalkaa. Cambarona waxay ka warrantay ninkii Abboolaha ahaa iyo wararkiisii naxdinta badnaa.
Lixdii iyo badhkii fiidnimo bay ka degeen baabuurkii. 300m bay u lugeeyeen aqalkii. Buux baa garaacay, durba Laqanyo oo raagsatay baa ka furtay, soo dhaafa walaalayaal. Markay soo galeen ayaa saddexdii habloodba u istaageen soo dhaweyntooda, qolkii loogu talo galay baa la geeyey, sharaab qabow baa loo keenay Cambaro iyo Buux. Buux baa is baray hablihii iyo Cambaro. Cabbaar markii la sheekaystay ee la wada qoslay ayaa Buux gooni ula baxay Laqanyo. Walaal Laqanyo, gabadha daranyada iiga dhawr intaan hawlaha soo dhammaysanayo, cidna yaanay ogaan inay Cambaro gurigan joogto. Cambaro intii ay gurigan joogtay way nasatay wax habayaraatee qalo ah may dareemin.
Buux illaa iyo muddo dhawr sano ah, habeenkaa baa ugu horeysay hurdo uu seexdo welwel la’aan.
Hadda hawsha keliya ee u taal waa inuu dhakhso u helo cid u meherisa Cambaro.
Halkaa markay arrimuhu marayaan ee la ogaaday in Cambaro gacanta Buux ku jirto, diidmadii adkayd ee ka imanaysay qoyska gabadhu hoos bay kolba u sii dhacaysay. Dhinaca kale, Buux aabbihii waxa uu ahaa oday aad u adag oo qallafsan arrin uu diiday weligii lama soo marin. Waa oday meesha uu qabsado iyadoo loo gooyo maahee aan dhayal ku sii dayn. Buux kol haddii jacaylkiisii gacmaha ugu jirto, sidii loogu meharin lahaa ayuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay. Odayo adeerradiisa oo ka dheragsan hawlihiisa ayuu u tegey. Wuxu yidhi, adeerrayaal war idiin laaban ma jiro, gabadhii gacantayda ayey ku jirtaa, aabbahay iyo aabbeheed la isma tuso oo waad ogtihiin. Midda kale aabbahay idinka warrami maayo, kol hadduu horey ii diiday iminkana ima aqbalayo, waxa keliya een maanta idinka raabaa inaad i horkacdaan oo gabadha ii meherisaan. Mid ka tirsan adeerradiis oo la yidhaa Xirsi baa hadlay, wuxu yidhi, Buuxow maxaa dhibta iyo kadeedkaa oo dhan kugu xambaaray? Maad iska guursatid gabadh kale oo cidina kuu diidin, bal eeg naftaadiina waad dhibtay annagiina waad na kallifaysaa adeer.
Buux cid u qiraysa jacaylka haya ma jirto. Isaguna af labadii kuma odhan karo adeerradii. Adeerrayaal gabadha waan jeclahay. Waa dhib jirta! Buux isagoo baryootamaya ayuu mar labaad yidhi, adeerrayaal kaalaya oo gabadha ii meheriya. Si caga jiida bay ku yidhaahdeen, saadambe ha innoo ahaato. Maalintii dambe ayaa Xirsi oo Buux adeerki ahi u tegay oday si guud aqooni uga dhaxaysay oo Cambaro adeer guud u ah magaciisana la yidhaa Buraale. Markii la isbariidiyey ayuu Xirsi hadlay, wuxu yidhi, Buraalow wixii dhacay dhece, caano daatayba dabadood la qabay, wixii rag u socday baan u socdaa maanta. Waar gabadhii Cambaro ahayd ee aad warkeeda haysay noo meheriya. Si kaftana ayuu Buraale u yidhi, ma gabadhii aad boojiseen baa? Waar Buraalow haddaan boojiyo kuuma imaaddeene saw dadkan yaryari dhaqankii iyo xeerkii god kumayn ridin. U dambayn Buraale ayaa yidhi, waar Xirsiyow aabbeheed baan siligga kula hadliye iga war sug intii laba maalmood gudahooda. Cambaro aabbeheed markii laga wargeliyey wuxu yidhi, Buraalow waad ogayd oo Cambaro horey bay iiga dhimataye arrini siday kula noqoto ka yeel. Dhinaca kale, Buux aabbihii waa la soo marsiin waayey in gabadha loo meheriyo Buux.
U dambayn, waxay arrini socotaba waxa xilkii qaatay oo labadii is jeclayd isku meheriyey Buraale iyo Xirsi. Cambaro iyo Buux sidaa bay ku aqal galeen iyagoo loo sameeyey aroos bilic iyo haybadi u dhan tahay oo ay ka soo qayb galeen dhammaan asxaabtii gacanta weyn u fidisay. Sidaa buu guul ugu dhammaaday jacaylkii dhibta iyo rafaadka soo maray ee ay u soo samreen.
Buux iyo Cambaro guurkii iyo noloshii waxay ku wadaageen farxad, qosol iyo istix-gelin heer sare ah oo dad badani u qushuuceen, hasayeeshee waxa ku soo kordhay arrin aan markaa haabkaba lagu hayn, oo maxay tahay arrintu? Cambaro ayaa uuraysatay, siddeed bilood markay ahayd ayaa ilmihii ka soo dhacay. Toddoba sannadood ayaa markay siddeed biilood noqotaba ilmuhu ka soo dhacaa. Waa ammuur naxdin leh. Buux markay Cambaro uur qaaddaba dhakhtarka ayuu kula dedaali jirey si loo badbaadiyo ilmaha uurka ku jira kumase guulaysan. Buux iyo Cambaro samirka ayey badiyeen. Waxay ogaadeen in arrinta dhakhtar waxba ka qaban karayn ee ay meesha ka maqan tahay ducadii waalidku. Waxa kale oo ay qalbiyada gashadeen in arrin kasta sidii Eebbe qadaray u dhacayso. Cambaro aabbeheed arooskii ka dib ayuu u soo duceeyey gabadhiisa. Dadaal dheer ka dib Buux waxa uu ku guulaystay in aabbihii oo ay weheliyaan adeerradii uu aqalkiisa keeno, waanay u duceeyeen in Ilaahay siiyo carruur caafimaad qabta. Sannad dabadeed Cambaro gabadh bay dhashay dhawr carruura oo kalena way ku xigsiisay. Jacaylkii Cambaro iyo Buux guushaas buu ku waaray.
Xg; Cabdalle Xaaji Cismaan.