Soomaalidu maxay ka reebtay dadka abaalka daran. Waxaa jira dhaqan gobeed soo jireen ah oo ku tiirsan jiritaanka bulshonimo. Waxaa jira wax yaabo dadka ka dhexeeya oon marnaba lagu xadgudbi karin, sida;
–Marti-soorka
-Xididka
-Kaalinta
-Mulki iyo maashiga
-Gaadiid celinta
-isla waraabinta
-Isla raridda
-Isla furidda
-Kala qoodhsiga awrta, dibida iyo orgida iwm.
Arrimahaasi markii uu ruux ku xadgudbo ama ka soo bixi wooyo, ayay soomaalidu u aragtaa wax liita.
Gabayo goosgoos ah.
–Bowdada markii aan ka jabay iyo boqonka taagiisa
-Habeenkiiba way bidhan lahaa bahalki cawlaaye
-Ragii buurta dheer igala baxay beerka ka ogsoone
-Bah Cilaamo goortay dhamaan igu dul booyeysay
-Bah Sadhaysan baga inay i tidhi beerka ka ogsoone
-Ragii Burunji inuu igu cuno ii bariidinayay
-Ee aan barkale ii tarayn beerka ka ogsoone
Salaan Carrabey
–Ifka intaynu xayi nahay hadaan xiiso kala wayno
-Aakhiro rabbaa ina xukumi Xaqa inoo yaale
-Iminkaan nabsiga kuu xaddilan xaynka kuu sudhaye
-Xaggaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye.
Maxamed Nuur Fadal
–Haddii aanan luunkaba ka rogin lur ima gaadheene
-In kastoy ladaadyada baruur laqanyo daacayso
-Lag ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede.
Sayidka
Cayuun jalalowlayn iyo raggaan jeer fardaha siiyey
Jaamuus lo’aad iyo raggaan jimir adhaw dhiibay
Ammaan lacag jidhiidhaa furoon jeebka uga buuxshey
Waxaan gool jinaad weyn qaloon joome uga gooyey
Xeedhyaha jidhiidha leh waxaan jaari ugu qaaday
Waxaan ramag jimiimici markaha uga juf siinaayey
Waxaan ila-xidh jeexya leh aroos jalalamlaw hooyey
Jirjir malaba iyo foon waxaan jil uga yeelaayey
Waxaan jaawiduu shiday intaan jalamadaw shaahshey
Nimankaan jalbeebtooda gole jurux ka dhawraayey
Inay jaxar abaal iiga dhigi laabtu jirin mayne
Jasadayda
Eebbaan ka heli talaba waa jeere.
W/Q; Maxamed sheekh shaafici (Af-guun)