Asxaabey waa barnaamijkii aad nooga barateen Maalin kasta oo Arbaca ah waana qaybtii labaad sheekadii taxanaha ahayd ee (Waan kuu xiisay).
Waa Jacaylkii Yaabka lahaa ee qabsaday Warsame Cumar Xuseen (Warsame Shiidley)
Laydh qabow ayaa ciddiyaha lugahayga hoostooda salaaxaysay. Kuwaaga mooji. Biyaha ayaa aad dhex gashay. Waa aad luumbatay. Cabbaar ayaa aad maqnayd. Waa aan naxay. Waa aan salalay. Dhidid ayaa korkayga qooyay. Shaydaanka xunka ah ayaa aan iska naaray. Ma shaydaan baa halkaa ina geeyay mise jacayl? Waa jacayl. Isaga ma iska naaraa? Maya. Jacaylka waa aan jeclahay. Dadka xataa isaga jecel waa aan jeclahay. Sawirkaagii darbiga ku tiirsanaa ayaa aan dib u eegay. Weli wuu i eegayaa. Masaajidka ayaa laga addimay. Diiq ayaa ka daba qayliyay. Waa aan istaagay. Musqusha xaggeeda ayaa aan aaday. Qaddar yar dabadeed ayaa aan kasoo baxay. Waa aan waysaystay. Salaaddii casar ayaa aan u luuday. Waa aan soo tukaday. Galab dheer ayaa ii bilaabantay.
Galabta jawigu waa meel dhexaad. Hoos galbeed ka dhashay darbiga guriga ayaa aan harsanaynaa. Waa aniga, adiga, hooyo iyo walaalkaa. Shaah ayaa la cabbayaa. Adiga ayaa kariyay. Alla macaanaa. Waa aad isoo hor fariisatay. Waa aan ku eegi waayay. Waa aad i eegi wayday. Sheekaa bilaabantay. Qaybtaydii waa aan ka qaadan waayay. Horta ma adiga ayaa afka igu dhagay? Mooji. Jacayl baa afka igu dhagay! Qorraxdii ayaa gadaashaada ka wareegtay. Way guduudatay. Way ku cawartay. Waad isku soo baxdeen. Way sii daciiftay. Godkeedii ayaa ay afka saartay. Masaajid ayaa laga addimay. Meeshii ayaa aan ka huleelnay. Salaaddii makhrib ayaa loo dareeray. Waa aan aaday. Soo tukaday. Soo noqday. Qolka galay. Ku nagaaday. Cishaa’i la eedaan. Aaday.
Markii aan ka soo laabtay salaadda cishe, barxadda kore ee guriga ayaa aan qabanqaabo ka dareemay. Waa 7:57pm. Laba daqiiqo ayaa ballanti ka dhiman. Wadnahu maxaa uu u boodboodayaa? Ma ogi. Malaha waa cabsi. Giriir ka soo yeeray taleefanka ayaa cabsidii garaaca wadnaha uga sii dartay. “Waa lagu sugayaa hee” ayaa aad si qosol leh u tiri. “Maxaa aad ii sugaysaa” ayaa aan damcay in aan ku iraahdo. Iska daayay. Lugo aan sidi karin culayskayga ayaa aan kor kusoo fuulay. Maxaa xigay?
Kursigu asal ahaan waa uu caddaa balse waxaa midabdoorriyay marada dusha laga saaray oo malahayga aad la eegatay shumaca guduudan ee hareeraha ka shidnaa. Markii adiga laguu gu daro waxaa soo baxay midab aanan qoraalkan ku sawiri karin. Laba koob oo aad u qurxan ayaa labada gees ka kala saarnaa miiska warreega ah. Cabitaan qare la shiiday ah ayaa ka dhaansanaa. Si deggan ayaa aan u fariistay kursi ku qumman wajigaada oo aad ii sii dhigtay. Dhidid ayaa ay luguhu ila qoyan yihiin. Waa aan baqayaa. Waa labadeenna kaliya. Waa labadeenna is jecel oo kali ah. Si aqoomeysan ayaa aan uga wada hadalnay arrinkii aad fadhigaa u diyaarisay. Arrinkii ahaa gundhigga jacaylka adduunkeenna iyo mustaqbalkiisa. Aad baa aan ugu farxay in ay is lahaayeen muuqaalkaada iyo mugga oraahdaadu.
Toddobaad ayaa hamaynkaa laga joogaa. Safarkaygii Boorame ahaa ayaa la saadaalinayaa. Berri waa in aan suuqa aadaa. Waa in aan si kama danbays ah u soo adeegtaa. Adigu waa in aad i raacdaa. Suuqa Bakaaraha waa in aan tagnaa. Waa in aad catarada iyo maryaha midabbadooda ii dookhdaa. Sidan ayaa aan ku ballansannahay. Sidii ay ballantu ahayd ayaa ay u dhacday. Horta dookhaagu wanaagsanaa? Dookh-digaag ma tihid. Waa aad soo saartay maryihii isoo saari lahaa. Waxa aan maqli jiray: Quruxdaada indhaha ku jecel oo qudha ayaa arka.
Qeybti Labaad.
Waa subax axad ah oo maalmaha kale iiga duwan. Awoodda ugu badan ee nafsaddaydu dareemayso hadalkaada ayaa aan ka helay. Dardaarankaada ayaa i geyeysiiyay xooggan saa’idka ah. Geesi ayaa aan ahaa subaxan aan u baxayo Boorame. Ujeeddada safarkayga si wacan ayaa aad u og tahay. “Bishan tan xigta 13-keeda ayaa aan laabanayaa” baa aad igu tiri. “Oo maxaad u noqonaysaa?” ayaa iga soo fakan gaartay. “Alle ha ku nabad celiyo” ayaanse samir taagwaa ah ku iri. Qolka fadhiga ayaa aan fadhinay. Dhinacaaga midige ayaa aan fadhiyay.Farahaaga ayaa aan ku ciyaarayay. Waqtigii aan tegi lahaa ayaa la gaaray. Sidan ma jeclayn. Subaxaas way degdegaysay saacaddu. Waa aad i dhunkatay. Waxa aan u maleeyaa goor waliba in uu dhabankeyga ku sawiranyahay midabkii bishimahaaga. Weli ma illaawin shumiskaadi. Indha naxariis leh ayaa aad igu eegeysay kolki aan albaaka ka sii baxayay. “Marka aan Ingiriiska ku laabto ayaa aan taleefan qaadanayaa. Lambarkaaga dusha ayaa aan ka qabtay intii aan wada joognay. Aniga ayaa kusoo wacaya gacaliye” hadalkaagi subaxaas intii u dambeysay ayaa ahaa sidaas. Mar aan dib kuu soo jalleecay indhaha baalashooda ayaa aad isu yara gaysay. Horta maxaad ka wadday? Ma xishood ayaa ay kaa ahayd mise xarrago? Mooji!
13ki Janaayo ayaa aad iga soo wacday garoonka Aadan Cadde. “Xabiibi waa aan baxayaa. Aniga ayaa ku soo siin doono lamabarkayga” ayaa aad igu tiri, hadal meel buuq badan laga dhex yiri. “waa yahay” ayaa aan ku iri. Dhabankayga ayaa aan qoyaan ka dareemay. Ma garan karo sababta ay illintu ii soo dhaaftay. Ma waxa aan ka xumaa in aad masaafo dheer iga fogaato? Ma waxa ay naftaydu sii ogeyd bilihii qaraaraa ee ka dambeeyay subaxdaas? Moojiye wallaahi waa aad i cidleysay.
Maalinkaas wixi ka dambeeyay waxa ii bilowday saddex bilood oo aad u qaraar. Qaraarka waxaa ka dhigay la’aantaada. Hadalkaagii ayaa aan waayay. Ballankii ayaa aad iiga baxday. Ima aadan soo wicin, imana aadan soo raadin. Lambarkaagi ima aadan soo siin. Waxaa caado ii noqotay in aan kali ahaado. Waa aan ugaaroobay. Dadki ayaa aan ka dhex baxay. Wehelka kaliya ee aan haystay waxa uu ahaa sawirkaada. Sawirkii aan kugu gaaday subaxii isugu kaaya danbeeyay. Labada suul ayaa aan taleefanka muraayaddiisa isugu geyn jiray si aan u soo dhaweysto. Indho ay illini buuxisay ayaa aan ku eegi jiray maalmaha qaar. Maalin waliba buuggayga feegaarka ayaa aan ku sawiri jiray. Qalin qoriga iyo buuggu waa ayba is dul yaalli jireen.
Buuraha magaalada Boorame ayaa guri ii ahaa. Halkaa ayaa aan ku nafisi jiray. Ma rumeysan karaysid in aannu ey daris isu wanaagsan noqonnay. Jacaylkaaga ayaa i baray in eygu uu saaxiib wanaagsan yahay haddii laga keensado. Tani waa faa’iidada ugu yar ee aan barashadaada iyo jacaylkaaga ka dheefay. Marka aan dayaxa daawanayo waxa uu iga waardiyayn jiray dhurwaayada. Si kasta waa aan kuu baafiyay. Wakhti badan ayaa aan kaa welwelay. Jeero badan ayaa aan codkaaga naawilay. Heeso ayaa ugu badnaa qalabkii aan kugu baafiyay.
Waa hamayn roobaad. Cirku aniga iima uu danayn. Roobakan ma rabo. Hoygaygii ayaa uu iga horjoogsaday in aan joogo. Buurtii ayaa uu igu helay. Wuu i qooyay oo i qaboojiyay. Waa aan iska soo luuday. Timihii ayaa garbahayga ku soo degay qoyaan dartii. Xaafaddaydii ayaa aan soo gaaray. Waa meel aan nebcahay oo buuq badan oo dhallinyaro badan. Waa in aan is maaweeliyaa. Waa in aan baafintii sii wadaa. Waa in aan qolyihii baafintii hore iga qaaday canaantaa. Waa in aan noloshaada shaki galiyaa. Maxay farriimahaygu kuu soo gaari waayeen? Malaha ma noolid! Dadka aakharo farriin ma loo diri karaa? Mooyi. Intan ayaa ka mid ahayd hees aan qoray hamaynkaa.
Inta samada duushiyo,
Suxufiga wax qorayee,
Saadaasha cimilada,
Saynisyahan, dhammaantood,
Akhbaartaada siiyee,
Inaan wali silcaayoo,
I surmeeyay caashaqu,
Maan salawgu kuu iman,
Sidaan ahay laguu tabin,
Mise wey ku seejeenoo,
Dunidaadba saarneyn?
Habeenkan aan curinayo heeskaa, ayaa aad i soo wacday. Ma aqaan cidda kuu sheegtay in aan kuu heesayo oo horay kuugu sheegi wayday. Hamaynka xilligiisii danbe ayaa aad isoo garaacday. Garabdaar ayaa ila shaqeeyay habenkaa. Xaqiiq. Cidda farriinta kuu keentay cid kale ma ahayn. Waa isaga. Waa garabdaar jin iyo insi waxa uu yahay aanan aqoon. Taleefankaygu markii uu soo dhacay, waa aan dareemay in ay qeyb jirkeyga ka mid ah isoo tilifoonisay. Lambarka ayaa aan garan waayay. Waa Ingiriiska. Waa aan qabtay. Cabbaar ayaa aad iga aamusneyd. Anna waan iska aamusnaa. “Dear” ayaa aad igu tiri. Indho ay ilmo buux dhaafisay ayaa aan mar kale ku eegay taleefankayga.
Kolkaa ayaa aan fahmay in aad adigii tahay. Kolkaa ayaa aan ogaaday in ay tahay nolosheyda cidda ila hadlaysa. Kolkaa ayaa aan ogaaday in aan helay qeybtii jirkeyga ka maqneyd. Waxa aad isku dayday in aad i aamusiiso, wax kastana aad i illowsiiso. Indhahaygu xiisa uma aysan qabin in ay ooyaan, laakiin illinti murugada mid ka duwan ayaa ay caawa qubayaan. Waa illin farxadeed! Wax badan iyo waayo badan ayaa aan iska waraysannay. Sababta aad ii goysay ayaa aan ku wayddiiyay. Cududaarro tiro badan oo tayo yar ayaa aad iska soo jartay. Habeynkaas oogga ayaa isugu keen dillaacay. Anigu sidaydii ayaa aan ku baxay oo jaamacadda ku aaday. Adigase wakhti yar ayaa kuu harsanaa oo saacado ayaa waaberiga kaa xigay. Malaha waa aad yara seexatay. Subaxaasi, jaamacadda iyo dadka joogaba waa ay qurux badnaayeen. Maxaa ay u quruxbadnaayeen subaxdaas, subaxyada kalena u foolxun yihiin? Mooji! Ummuuro jacayl u malee. Eygi aannu saaxiibka ahayn ayaa aan u sheegay in aan dib kuu helay. Itaalka ka farxi ayaa aan is lahaa.
Uma malaynayo se, in uu luuqaddayda fahmayay. Sidaa waxa aan u yeelayay uun, saaxiibkaagi murugada kula qeybsan jiray la wadaag farxaddaada! Waxa ay howshani ahayd waajib aan gudanayay. Maalinkaa wixii ka dambeeyay nolol macaan, oo jacayl iyo naxariis miiran ah ayaa aad ii furtay. Dhan kasta oo nolosha ka mid ah ayaa aan ka wada sheekeysannay. Is fahamnay. Waa tii aan Qur’aanka kuu billaabay oo kuu dhammeeyay. Maskax furan oo fiican ayaa aad leedahay. Waa tii aan ku baray nolosha akhriska iyo la saaxiibidda buugga. Mucaashaqiin, kala fog niyaddana is kala nool ayaa aannu ahayn wakhti dheer.
Alla maxaan isku faraxsaneyn. Inta ay qorraxdu soo jeeddo iyo inta ay huruddo, ugu yaraan 5 saacadood ayaa aan sheekeysan jirnay oo wax is bari jirnay. Innaga oo wali isku oomman ayaa aan kala seexan jirnay. “Taleefanka dhig” iyo “adigu dhig” ayaa aan isku qabsan jirnay.
La soco…