Waxbarasho lagama waynaado!

character sitting on the top of book's heap

Maanta oo Isniin ah Barnaamijkeenu waa waxbarasho.

Waxay ahayd 2005-tii, dagaallo foolfoolxun oo qabaa’il ayaa ka bilbillaabanayay deegaanki aan ku noolaa. Waxaan ahaa geeljire, balse hammiga nolashaydu waxay ahayd mid iska deggan. Farxadda nolashaydu agagaarkayga kama aysan fogayn, sababtoo ah, markaan geela la joogo waxaa ii muuqanayay halihii la igu anqariyay een adduunka ugu jeclaa.

Waxyaabihi ay markaa dhallinyaradii ila faca ahayd ku hammiyaysay, sida (Guurka, Hantida iyo barashada diinta) anna iga ma madhnayn, oo xagga guurka haddii la yidhaahdo, waxaan is jeclayn reer aan islaba degganayn gabadh tooda ah, cidnana nama ogayn.

Xagga hantida haddii la yidhaahdana, aadbaan ugu hammiyi jiray, oo hashaannadu maalintii ritigu abaahiyo shintiriskii aan ka billaabo anigoon ka gadmanin ayay ku dhali jirtay, iyadoo nabada.

Xagga diintana markaan maqlo sheekh caan ah magicii waxaan dhawr bari u hawaawiyi jiray inaan xertiisa ka mid noqdo.

Balse wax kale oo intaa ka baxsan ku maanan hammiyi jirin. Haddaba sideen magaalo ku imid, oon waxbarasho ku helay!

Isku soo duduuboo, seddexdaa wax een kor ku soo sheegay ayay dhallintii barigaas ku foognayd. Waxaase anigu si kadis ah iila soo daristay wax ka duwan waxa ay da’yartii ila ekayd haabka ku ahaynin, oo muxuu yahay?

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaan geel soo raacay. Geelu wuxuu ka soo foofay reer. waxay ahayd gu’ barwaaqo ah gamashigii. Laagta loo yaqaano (Dallo) ciirigeeda ayaan geeli ugu imid anigoo subixii ka soo daba tagay. Waxaan ahay kaligay, waxaan wataa ul aan rabo inaan geela ku kexeeyo, Gudin aan u wato inaan geela dawga kaga ilaaliyo iyo Dhiil aan rabo inaan geela caano kaga maalo.

Waxaan soo kor istaagay laagtii uu geelu daaqayay gabigeeda dheer. Markaasaan arkay geelii oo hoostayda ku xasilloon, oo aashacadkii iyo majabihii saa u sarriigaya. Markaas ayaan isha sidaa u mariyay, waxaan arkay halihii ugu dhibka badnaa oo muuqda, markaas ayaan fishay inuu geelu idilyahay. “Alxamdullillaah” Intaan hoosta ka idhi, ayaan alaabtii dhulka dhigtay, go’ii qarqarka ii saarraa intaan soo wareejiyay oon dhulka isagoo duduuban dhigtay ayaan ku fadhiistay.

Xoogaa markaan geelii afkiisi daawanayay, walina malko aan ka dhaadhaco aanan daydayanin, ayaa waxaa i qabtay oo dhagahayga ku soo laba dhacay Xiin diyaaradeed. Diyaaraddii ayaan kor u eegay waxaan arkay iyadii oo cirka meel aan dhawayn ka dhalaalaysa. Markaas ayaa waxaa iga gadmaday oo iga qasmay jawigii qurxoonaa een sida filinka u daawanayay.

Diyaaraddii baan cabbaar intay ka libdhaysay fiirinayay, show intaa qorraxduna indhahay iga haysay oo isma garanaynin. Markii aan diyaaraddii bidhaanteeda waayay ayaan hoos iyo geeli fiiriyay, qoortaydu aadbay ii xanuunaysay indhahana wax fiican waan ka arki waayay, show diyaaraddaan ku indha tagay.

Laagtii ayaa mugdi mugdi ila noqotay, “Aagah!” indhahaan cabbaar isku qabtay, waan kala qaaday way ii yara fiicnaadeen, balse dooggii quruxda badnaa sidi hore ma aha, waa bacad bacad, geeliina sidi hore ma aha oo qaarbaa faddadii shishe ka bax baxay, halihii dhibka badnaa oo waxaan arkay durbadiiba meel fog ka sii muuqda.

Dhulkii intaan jeexid ula jeestay, ayaan dood dheer anigo naftaydii gallay, waxaan is idhi, waxaad la joogtaa waa geel, waxa meeshaa marayana waa diyaarad, adduunow dadkaas iyo aniga maanta maxaan iska ognahay. Sidaan uga fikirayay ayaan mardambe haddana hoostaydii iyo laagti fiiriyay, waxaaban ku arkaa hala maqalleey ah oo markii hore meel aan dhawayn daaqayay iyo geeli rimay waynta ahaa oon hal ka joogin. Shoobeey waxaan galay xoogaa fikir dheer ah oo ay diyaaraddu igu dhalisay. Waxaan dareemay qorrax iyo kulayl show hooskii baaba iga tagay intaan diyaaradda ka fikirayay.

Wixi maalintaa ka dambaysay waxaa igu dhalatay inaan wax barto, kadib markay waxyaabo badan ii sii xoojiyeen inaan waxbarto, toddobaadba ka soo wareegin ambabaxaygii aan ku imid magaalada.

W/Q: Maxamed Sheekh Shaafici (Af-guun).