ARAARE DAGAAL

Jimce Mubaarak

Barnaamijkii Jimcaha ee Suugaanta waxaan ku soo qaadanaynaa; Gabayo goosgoos ah oo muujinaya faa’ido darrada colaadaha.

Laba qoloo reer Guuleed Alle magan ah oo isku dhaw oo reer Isaac wada ah oo is xigta Oo bah dhulbahante iyo bah basguul la kala yidhaahdo. oo isku dab guranaya inay is dagaalaana wali uun billaabanin. Ayuu Allaha u naxariistee Raage ugaas dhex orday, oo kala araareeyay xoogaa, sidii uu u dhex ordayay ee tolla ahayeyda u hayay, ayuu dagaalkii billawday. Markaasuu labada jifo geed u dhexeeyay fuulay. Kolkii la isku madhay oo dagaalki joogsaday ayuu soo dagay. Maydkii buu is dhextaagay, Wuxuu arkay niman daqiiqada ka hor la doodayay isaga oo nabadda diidanaa iyo kuwo Allahood Alle ahaa oo nabadda iska rabay la wada laayay. wuxuu arkay hebel oo geesi lagu dhaarto ahaan jiray oo qallafay daqiiqado ka horna noolaa. Nin uu magac dhabi doono oo aad u qiimo badnaa iyo rag kaloo aan laga soo kabanaynin buu arkay oo mayd ah wuu soo kor istaagay, Markaa suu gabaygan ku guuraabaasay;

Wuxu yidhi:

Kolkii dhawayd raggii aan ogaa kaamilnimadiisa
Soo kaca kursiga aakharaa kaalay la lahaaye
Kolmaw ina shanfool buu ahaa kaahinkii dhimaye
Kablaluxuba aw Muxumed salal waw kabaal jabaye
Haddii kaligi labixii la dilay kadan ogaadeene…

Ismaaciil Mire oo markay daraawiish burburtay dan iyo caal uga baxay dagaal oo dhan, isagoo waayo aragnimo dheeraad ah u leh, ayaa wuxuu dadka ogaysiinayay inaan faa’ido laga dheefaynin kibir iyo isla wayni. Wuxuu deedtana xusayaa dad kibirkooda eersaday oo naftooda ku waayay. Gabaygiisi dheeraa ee (Ragaw kibirka waa lagu kufaa), aan tusaale dhawr tuduc ka soo qaadanno.

Wuxuu yidhi:

Anaa dunida kaligay leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma galin wiilal baa kaabka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufiye kaa ha la ogaadho…

Cumar Aadan Gaydh nin la odhan jiray oo maalin maalmaha ka mid ah faraskiisii meel daaqle ku sii yara daayay, oo geed hadhsanaya ayaa si kadis ah ku arkay col fardooley ah oo ku soo aaddan, kadib, wuu gartay oo colkii waxay noqdeen qolo dhiig laga qabay oo waa hore nin laga dilay. Cumar intuu booday buu is yidhi faraska ku duul, markaas intuu xagga kale uga dhacay ayuu bawdada ka jabay. Colkii intay u yimaadeen ayay war mihii ku boobeen, markaas ayay maydnimo uga tageen.
Galabtaa roob yar baa ku da’ay meeshii Cumar lagaga tagay, isagoo wali naftu ka sii gurmayso ayay qoladiisii oo soo birmatay u yimaaddeen. Markaas ayuu meeshii ku naf baxay.

Nin baa marka gabyay oo yidhi;

Cirkan da’aya cumarow rag baan calaf u laabnayne
Malahay ciddaba waa la rogi cidhib tirkeediiye
Oo caarad waran baa idlayn nimanka ciideede
Carradaada jiif duul umbaa kuu ciyoon imane…

Faarax Nuur.

Waxaa la yidhi nin inala yaal ah oo reerka uu ka xilaqabay korkiisa geed loogu waabay, ayaa geedkii waxaa ugu soo galay Biciid dhaawac ah, oo ka soo baxsaday nin Gabooye ah, oo isna reeraha la degganaa. Ninkii inala yaalka ahaa Biciidkii geedka ugu soo galay intuu qabtay ayuu halkii ku qalay. Ninkii Gabooyaha ahaa oo raadkii Biciidka daba jooga ayaa yimid biciidkii oo qalan. Wuxuu yidhi; “Biciidkan anigaa ganay, waana daba joogay oo wuu iga soo caray ee hilibkiisa ha la i siiyo”. Ninkii inala yaalka ahaa ayaa ugu jawaabay “Hilib geedkan ka qaadi mayside orad dantaada qabso”. Ninkii ugaadhsadaha ahaa wuu iska tagay wuxuuna u tagay ninkii uu la dagganaa ee reerka ugu waynaa oo ninka inalayaalka ah ay isku qolo yihiin, wuxuuna u sheegay arrintan.
Ninkii odhayga reeraha ka ahaa inta faraskiisii soo fuulay ayuu u yimid ninkii inalayaalka ahaa, barkaasuu Ul ku billaabay. Reerkii uu la yaallay ninkan inalayaalkaa ee la garaacay, iyaguna way duuleen oo waxbaan dilaynaa bay dheheen. Xagga iyo xaggaba waa la isku soo gurtay hubkii. Intuusan dagaalku billaabanin, ayaa Faarax Nuur oo labadan qolee is dagaalaysa ka dhashay oo xaaladda maqlay Faraskiisi soo fuulay labadii qol ayuu is dhex taagay, wuxuuna tiriyay gabaygan: Aan ka soo qaadano tuducyo.

Wuxuu yidhi:

Isku madhanay miidhii Cabdiyo Midhihi Daa’uude
Iyagana magoolkii ka dhimay magaca waynaaye
Annaguna mankii naga idlaa miigganaan jiraye
Wax yaroo la maarayn karaa madhiyay Iiddoore
Nin mataanta law jaban ah oo meel ka kici waayay
Magligii afaysnaa markuu kor u mildhaabaayo
Naftu way macaantahay intaan lays mahoobbiyine
Waad magan galaysaan hadaad xaraf ka meertaane
Allow yaa rag waxa loo maldahay maanta garan siiya…

Walaalayaal colaaddu inaysan dheeflahayn awowyadeen ka tixraaca.

Diyaarintii Maxamed sheekh Shaafici (Af-guun)