Sheekadan taxanaha ah waxaan ku soo qaadanaynaa barnaamijkii jacaylka ee Arbaca kastaa ka baxayay bogga golshada Dhugasho.
Waa Sheeko Jacayl oo dhab ah Waayihiisi nolaleed la soo kaltantay Warsame Cumar Xuseen (Shiidley)
Qaybta 1aad
Waa aan kuu xiisay. Si xad dhaaf ah ayaa aan kuu jantay. Waligey isma oran waa aad is waayaysaan. Wayse dhacday! Waa aan is kaa siiyay. Wax kasta oo aan lahaa ama ahaa ayaa aan kugu aamminay. Ma xusuustaa is barashadeenni layaabka lahayd? Haa dheh! Sidee u iloobi kartaa? Jamallada waaweyn ee xeebta Liido ayaa aan ku akhrinayay buugga “Ayaan daran.” Galab laydh qaboobi jirto ayaa ay ahayd. Kolki aad ka soo muuqatay dhanka gabbaldhaca, ayaa uu i galay dareenkii ugu horreeyay. Dareen sees u noqday waayo jacayl ah. Waligayba waa aan ku aqaannay malaha. Maya’e dookheyga ayaa ku yaqaannay! Inti aan soo qaangaarayba sawirkaaga ayaa aan laabta ku sitay. Rumayso ama ha rumaysan! Waa sidaa xaalku.
Qofka kaliya ee aan la nolaashiyihiisa xiiseyn jiray isla markaana aanan aqoon ayaa aad ahayd. Marki aad xaggayga usoo laafyoonaysay, aad ayaa aan kuu dhowrayay balse ma aan moodayn in aan mar kaliya ku soo jalleecay. Hir biya ah ayaa aad ka boodday si aysan kabahu kaaga qoyin. Muuqaalkii ugu horreeyay ee i dhaawacay kolkan ayuu dhashay. Maxaa aan arkay horta? Kub cad oo murqa leh ayaa aan arkay. Fallaaraha cadceedda oo ku dhacay nuurka dhabankaada oo aan ka dhex daawanayay buugga xaashiyihiisa cadcad ayaa aan arkay. Murugadi Asli ee aan akhrinay, ayaa ay nuur iiga dhigeen. Alla qurux badnaayaa foolkaagu. Midabkaagi dahabiga ahaa, sanqaroorkaadi taagnaa iyo sunniyahaaga dhicanyada is ku hayay waxa aan hubaa in ay ahaayeen abuur Eebbe oo aad dheertahay hablo badan. Noocaaga oo kale reer miyigu “malaa’ig duureed” ayaa ay dhahaan, qolyaha suugaanta daneeyaayina “suleekha” ayay ugu heesaan, jannadana “xuurul-cayn” baa laga yiraahaa. Kolki aad fariisaneysay dhuxunka igu xigay, dhowr jeer ayaa aan dhex iska celiyay aniga oo doonayay in aan maro kaa xijiyo qoyaanka jamalka! Qoyaanka ay hirarka biyaha ahi jamalka saareen. Boorsadi aad sidatay sidii ayaa aan u xusuustaa! Midabkeedi cowlnaa sidii ayaa aan xiska ugu hayaa. In kasta oo marka aan gabar kale ku arko aan dhagixii dul fariisto, haddana ma hilmaamo.
Buugga aad kala soo baxday boorsada ma u maleysaa in uu aniga iga hadlayay –“Someone To Love Me.” Xaqiiq qofka hadda ku jecel waa aniga. Ka hor falkii quruxda badnaa ee wax badanna sababta u noqday inta aadan sameyn, halkii saac ee aan meesha fadhiyay ma rumeysaneysaa in aan hal bog oo buuggii aan sitay ahaa akhrin? Layaab ayaa aad u qaadan doontaa! Laakiin halkaa saac waxa aan akhrinayay wajigaada. Alla maxaa naxariis ka muuqatay. Sida oogta waaberi ayaa uu u ifayay. Sunno ayaa ka muuqatay. Hal mar ah ayaa aad igu qabatay aniga oo ilqooreedda kugu xadaya. Waa kolkii labaad ee aan dhaawacmay. Alla madow badnaayaa afkii aad iigu dhoolla cadeysay. Oo maxaa aad iigu dhoollacadaysay? Maxaad iga dhibaysay? Jacaylku waa dhib! Ilkaha aan kala-dheerada lahayn ee sida qurxoon ugu safan faruuryahaaga hoostooda ayaa cajiib kale ahaa!
Haddii aanad i soo dul istaagi lahayn run ahaan halkaa ayaa uu gabbalka iigu dhici lahaa. Ma illaawin hadalkaadi koobaad ee dhagahayga ku soo dhacay ee ahaa “Dear sawir ma kula geli karaa”? sabab kale sidaa uma aadan oran oo waa aan hubaa, ee timahayga weyn ayaa si sixir ah kuu soo jiitay. Tamahaygoow Ilaahay wax idin bidiya iyo bidaarba idanka dhowr. Sababta aad sidan u yeeshay waxa ay ahayd sheeko aad ku maqli jirtay darteed. Soomaalidii hore waa ay timoweynaan jireen ayaa aad dadka ka maqashay. Aad ayaa aan ugu farxay kolki aad sidaa i tiri –“dear sawir ma kula galaa”. Waxa aan aamminay in aan ku helay. Isma ogeyn markii aan is taagayay biyaha dhexdooda laakiin waxa aan is gartay marki aad igu tiri “Sorry kabihii ayaa kaa qoyay.” Jawaabteyda waa aad sii garaneysay in ay noqon doonto “Dhib malahan”. Madaxa ayaa aad ruxday. Taasina waxa aan u fahmay in aad jawaabteyda ku qanacday.
Daqiiqadahaa wax cinwaan ah kuma weyddiin, maxaa yeelay awood aan kugu weyddiiyo ma lahayn goortaa. Sowma xusuusatid kolki aan sawirka galnay in aan ku iri “waa aan sii baxayaa?” Nafteyda miskiinta ah waa aad caawimeysay galabtaa. Waxa aad igu tiri “anigaba waa aan sii baxayaa.” Xaggii aan u dhaqaaqay ayaad adna u dhaqaaqday. Waa aan yaabay, balse kuma aan waydiin sababta. Alla isku qurux badneynaa kolki aan is garab soconnay! Mar kale ayaa aan yaabay. Isku gaariga kolkii aan sii noqonay ayaa aan sii fajacay. Kolkii aan kursiga gaariga kuwada fariisannay, dhanka daaqadda waa adigii xigay. Geesta aad xigtay ayaa aan aad u eegayay. Dhowr jeer oo aad isoo eegtay waxa aan ku iri “qorraxdu marka ay sii dhacayso aad ayaa ay u qurux badan tahay.” “Sowma aha” ayaa aad iigu war celisay. Alla jeclaan lahaayaa in aad falaqeyn u gasho qorraxda si aan u dhagaysto codkaada bilaa xabeebta ah!
Isgoyska Benaadir ayaa aan mareynay kolkii aad gaariga gargaraacday si uu u istaago. Anigu ma ogeyn in aan halkaa mareynno. Adduun kale ayaa aan joogay. Farxad ayaa aan la muusooday kolki aan yaqiinsaday in aan isku meel ku dagaynno. Hadalkaadi koobaad ayaa ahaa “halkan ayaa aan ku harayaa.” Wax kale oo aad ku dari lahaydba waa anigii kaa soo dhex-galay; kuna iri “anigaba halkan ayaa aan ku ekahay”. Cod farxadi soo tuurtay ayaa aad ku tiri “ Oh’ my god wallaahi”. Horta maxaa aad u faraxday marki aan sidaa ku iri? Malaga yaabaa in aannu isku dareen ahayn, balse wax isku sheegashadu uu nagu adkaa? Haddaan la is yeelyeelayn jawaabtu waa haa.
Berigii dambe oo jacaylkeennu malabka ahaa ayaa aad habeyn iiga sheekeysay sababtaas iyo tii sawirkaba. Habeenkaas ma xusuustaa? Waxa uu ahaa habaynki aad ka carootay safarkaygii Hargaysa. Waa aad maseyrtay berigaa. Waxa aad ka masayrtay sawir. Sawir aan la galay gabdho. Waxa ay ahayd kolkii ugu horreysay ee la i duro. Kuuma sheegin weli arrinkaas. In aan safarkayga kaa dhaadhiciyo wakhti ayaa ay igu qaadatay habaynkaa. Dhulku aad ayaa uu qaboobaa waliba xilliga dambe ee uu fooraha soo dhaco ayaa uu ahaa. Derbi ah bannanka kore ee guriga ayaa aan ku tiirsanaa si aan loo maqal hinraaggayga iyo hiqda illinta iga qubaneysay. Kolkaa ayaa uu qabow i galay. Habaynka oo ay ka dhimmantahay laba saacadood oo kali ah ayaa aad i fasaxday igu na tiri “waa aan ku cafiyay.” Kolkiiba neefta ayaa igu dhegtay. Haddii aan kuu sheego in aad walwashaan ka baqayay. Xanuun baa aan dareemay aniga oo isla dhaxantii taagan. Waa la igu soo badanayay wixii intaa ka danbeeyay. Saaxiibkay Waddani ayaa isbitaal i geeyay subixii. Waa irbaddii ugu horreysay ee la igu muday inti aan noolaa. Waxa aan ula baxay “Durniinkii jacaylka”. Intaa wixi ka dambeyay waa uuba igu soo badanayay. Jacaylku waa uu igu soo siyaadayay.
Dib aan kuugu celiyo sheekada. Gaariga waa tii aan ka degnay. Waxa aan isku qabannay lacagtii la siin lahaa “kirishboyga” cidda bixinaysa. Ugu dambeyn waa aad ku madax-adaygtay waa aadna bixisay. Kuuma ogolaan lahayn in aad bixiso balse waa aad iga hor dhaaratay. Farxad ayaa uu wadnaha ila garaacmay marki aannu isku jid sii noqonnay haddana. Waa aan rumeysan waayay. Adduukan isjecel ee la isla goobgoobayo ayaan ka fajacay. Wax kasta isla doonasha Alle ayaa ay ku socdaan galabta. Daliil uma baahna in ay isla doonasho Alle yihiin.
Haddii aysan ahayn maxaa aan isku guri u noqonnay? Maxaa isku gaariga nasoo saaray? Maxaa aan isku meesha ugu degnay? Bal sheeg adigu? Albaabka gurigii aan u wada soconnay marki uu wajahaaddeena kasoo muuqday ayaa aan mar qura isla niri waa kan gurigayagu! Kee, kee ayaa aannu isku la soo boodnnay haddana! Waxa xigay ma hebalkii la ii sheegayaybaa tahay iyo ma hebla ayaa tahay? Hab isma aynan siin laakiin si wacan ayaa aan isu salaannay. Albaabka ayaa aad garaacday. Hooyo Muraayad ayaa innaga furtay. Hadalkeedii ugu horreeyay ayaa ahaa, “halkee ayaa aad iska soo hesheen?” Jannada ayaa aan damcay in aan iraaho balse waa aan ka joogsaday. Horta jannadu soo meel qurxoon ma aha? Meel qurxoon ayaa aan iska soo heln
Imaatinkaagii guriga waa aan ka maqnaa. Af-gooye ayaa aan dalxiis ugu maqnaa. In aad imaanayso waa aan ogaa oo warkaaga waa aan hayay, balse aqoon magacaaga dhaafsan kuuma aan lahayn. In aad sidan Malaa’ig duureed u tahay ma aan ogayn. Af-gooye ma aadeene roog cas ayaa aan hoos dhigi lahaa diyaaraddii Ingiriiska kaa keentay. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
Waxba ku dheeraan maayo sheekooyinkeennii hore. Waa aan ogahay haddii aan sii wado in aan ilmeynayo, mana rabo sidaas. Kobta aan joogo waa buur cidla ah oo ka korreysa magaalada. Magaalada quruxda badan ee Boorame. Waxa kaliye ee ii muuqda kolka laga yimaado dhulka, cirka iyo dhagaxaan badan oo kala nooc ah waa geed sogsog ah. Sida aan u cidloonayo ayaa uu u cidloonayaa. Geed kale kuma ag yaallo. Xasuuso ayaa aan dhex dabaalanayaa. Saddex sanno ka hor ayaa ay ahayd marki aad ii keentay kartoon dusha laga xar-dhay “kaadoor” oo ay gudaha ugu sii jiraan ubax guduudan iyo warqad yar. Warqadda waxa ku qornaa “ Waan kaa helay”. Hillaadda (Taariikhda) habeynkaana hoos ayaa ay kaga qorneyd.
Waa aan ka xumahay in aanan galabta hayn ubixii, balse waxa aan hayaa warqaddii yarayd. Alla far qurxanidaa! Habaynkaasi gees waa aan ka faraxsanaa dhanna waa aan ka xishoonayay, oo waxa aan ka qajilayay in ay xaafaddu ina ogaato. In jacaylkeennu caadyaal noqdo. Aroortii inta aadan soo kicin waa anigi kallahay. Qolkeyga ayaa aad garaacday waa aadna iga weyday. Adiga ayaa ii sheegay sidaas. Aniga oo niyadda kugu haya ayaa aad isoo wacday. “Halkeed u kallahday” ayaa aad igu tiri? “Shahaado ayaa aan dalladda ka doontay” ayaa aan kugu iri. “waa yahay” ayaa aad igu macasalaamaysay. Iga raalli noqo. Waxa ay ahayd maalinka kaliya ee weligay aan been kuu sheegay. Waxa aan ka quraacanayay hotel Safaari. Quraacda xaafadda ayaa aan ka xishoonayay. Waa sababtaa ta aan u kallahay. Waa isla sababtaa ta igu kalliftay in aan kuu sheego beenta.
Duhurkii, aniga oo aad u baqaya ayaa aan xaafadda ku soo laabtay. Waxa kaliya ee aan ka fakarayay waxa ay ahayd cidda albaabka iga furi doonta. Adiga ayaa ay ciddaasi noqotay. Go’ karis ah iyo diric baac weyna ah oo midabkaada soo saaray ayaa aad xirneyd. “Sheydaanku kaa naaran ciyaalkeyga hooyadoodeey” ayaa aan hoos u iri. “Waa aad soo kululaatay” ayaa aad ku xijisay salaan neef weyn la socotay oo aad iga qaadday. Qolkeygii ayaa aan usii gudbay. Alla udgoon badanaa. Sow kan iskaabulannimadi xalay uu ku seexday ka baxay ma aha! Dharki ayaa aan iska beddalay. Si degdeg ah weliba. Gal sawiraan oo aan Fahiima yar ka qaaday xalay ayaa aan koomadiinka kala soo baxay. Sawir aad adigu leedahay kala sii baxay. Sariirta ayaa aan dhabar daallan ku kala bixiyay. Indho aan toos kuugu eegi waayay adiga oo nool ayaa aan sawirki ku daawaday. Warqad ayaa barkinta ku hoos jirta. Oo yaa galiyay? Si loo arko gees yar ayaa laga banneeyay. Qofka sidan yeelay siyaasisanaa! Kor ayaa aan usoo qaaday. Waxa ku qoran “Caawa aan is aragno”. Farta ayaa aan ka gartay cidda soo qortay. Waa adiga. “Halkee” ayaa aan iri sidii oo aad i maqlayso. Dhambaal ayaa taleefanka la iigu soo qoray. Wuu gariiray. Gariir gaaban oo farriin wada ayuu isla ruxay. Kanna aduu kaa yimi. “Guriga ayaa aan ku kulmeynaa wixi ka dambeeye 8:00 fiidnnimo” ayaa isna ku qoran. “waa yahay” ayaa aan iri mar labaad sidii oo aad I maqlayso.
Duhurkani waa uu igu kulul yahay. Hurdo ayaa i haysa. Barkinta ayaa aan madax timoweyn leh saaray. Dhanka darbiga ayaa indhaha u jeediyay. Sawirkaaga ayaa aan darbiga ku tiiriyay. Waan eegay. Wuu i eegay. Indhahaan isku qabtay. Waan kala qaaday. Wali wuu i eegayaa. Hurdaan damcay. Waan soo saari waayay. Naftaan khasbay. Daal i hayay baa i caawiyay. Hurdadii baa timid. Waan seexday. Sawirkaagu ma seexan. Aniga ayaa uu i daawanayay. Waan riyooday. Adiga ayaa aan kugu riyooday. Xeebtii baa aan joognay. Xeebtii aan isku barannay ayaan fadhinaa. Biyaha ayaa aan daawanaynay. Layr qaboow ayaa ciddiyaha lugahayga.
Sheekadan xiisaha badan gunteeda iyo gabagabadeeda Alle ha ina solansiiyo. Waa inoo qaybaha xiga.