Abwaan Daahir Cali nuur

Abwaan Daahir Cali nuur
Barnaamij Suugaaneedkeenna maanta oo Jimce ah, waxaan ku soo qaadanaynaa gabayadii geela ee daahir cali nuur midkood.
Allaha u raxmee, Daahir Cali Nuur wuxuu ahaa nin gabayga ku caan baxay, oo geela aad u jecel. Siyaad Barre Alle ha u raxmee, ayaa yidhi ninkaas ha yimaado magaalada waa loo baahan yahaye. Markaasaa farriin loo soo faray in madaxwaynuhu sidaa yidhi. Isna gabaygan ayuu ku jawaabay.

. Daahirow magaalada tagoo kaalay lacag miiso,
• Adigoo mardaadiyi hayaa maal laguu shubida,
• Micnahaan ku diidiyo caqliga yayna maqashiine,
• Markabkii awawyaday anoo muruhi qaadaaya,
• Ma majiirmi karo haatanoon milaygi joogaaye,
• Haddii lacagta maanshaa Alliyo murugyo laysiiyo,
• Oon macamilkeedii u galo maysi way tahaye,
• Waxaan dhuunta ii mari karayn maanku qaban maayo.

• Masaggada haddaan qaato oon meelo badan xaadho
• Masaar lagu garaaciyo haddaan yaanbo midigaysto,
• Oon macamilkeedii u galo maysi way tahaye,
• Murqahaan ka wada daaliyoo maanku qaban maayo.

• Haddaan adhi mareegaha u xidhoo maqashu roonaato
• Oon maydhan raacsado waxaad man iyo caws mooddo,
• Oon macamilkiisii u galo maysi wuu yahaye,
• Waxay naago soo malax liseen maanku qaban maayo.

• Haddaan magas lo’aad iyo xeryaha giir ka malabeeyo
• Meeqaan hadday yeelatoo dibigu mawleeyo
• Oon macamilkeedii u galo maysi way tahaye
• Yaxnigoo ku meegaaran bay maqasha diiddaaye
• Waxaan maalmo ii qadi karayn maanku qaban maayo.

• Waxa malasku ii saaran yahay sidigta may liige
• Iyadaan majiiraha dambiyo maali laba jeere
• Iyadaan maliidnayn markay maqashu nuugtaaye
• Iyadaa marguuf ii dhashiyo magasyo waawayne
• Iyadaa maroodiga sidiis maalmo ii qadiye
• Iyadaa ninkuu mawdku maro lagu marreeyaaye
• Iyadaa mud wayn laga cunaa miidda kuruskaaye
• Maygaagga goortay cuntiyo midhaha laalkiisa
• Iyadaan maloogay ogayn murug abaaraade
• Iyadaan makaankiyo ilmaha meel xun ii marine
• Inay madhato mooyeen intuu aadamuhu maali
• Wallee anu qalbiga meelo kale uma madduuseeyo.