Faa’iido darrada Colaadaha.

Bari baa si kas ah oon kamma ahayn nin nin ku dilay, kaddibna qoladii ninka laga dilay candhuuftay dib u laqeen oo way samreen, waxayna dheheen; “Annagu colaad ma rabnee, ninka dhiiggiisi uun ha nala siiyo”. Haddii hadalkaas la yeeli lahaa nabad baa dhalan lahayd. Qoladii dhiigga qabtay waa ogalaadeen, oo magtii ayay soo uruuriyeen, balse waxaa diiday inuu magti wax ka bixiyo Odaygii dhalay ninka ninka dilay. Markii tolki nin walbaa hashiisi soo taagay, ayuu odaygii ninki ninka dilay aabbihii ahaa, si badheedh ah ku yidhi; “Geelayga hal lagu daro mooyeene, hal laga bixiyo ma qabato”. Kaddibana tolkii nin walba hashiisi wuu la noqday. Odaygi wiilkiisi baa yidhi; “Aabbow hasha bixi, ninka anigaa gacantayda ku dilay, haddii dhiigga la bixin waayo, anigaa la i aanaysan, oo dhiman”. Odaygii, wuxuu wiilkiisi ugu jawaabay; “War naga aamus Alla ku dooriye, muxuu la cabsan, adduunyada laguma ciiline ma uurka hooyadii baa lagu ciilay”. Sidi baa lagu kala dareeray.

Kaddib geeddi geeddi iyo baqe colaadeed baa la galay, markii la kala durkay, ayuu wareentaysigii u horreeyay billawday. Qoladii ninka laga dilay ee haddana magtii loo diiday, waxay go’aansadeen inay aarsadaan. Maalin maalmaha ka mid ah, ayay cidla ka heleen miilkii ninka gacantiisa ku dilay, oo isna halkii bay ku dileen. Markay halkaa kala joogto, ayay ergo soo direen qoladii kolkii hore magta diidday ee hadda laga aargutay. Waa la wada hadlay. Qoladii aar gudatay si fiican bay u hadleen, haddii la qaadan lahaana nabad baa dhalan lahayd. Waxay dheheen; “Waxaan idin siinaynaa 120 halaad oo mag ah boqolkii labaatan baan idiin dheeraysiinaynaa, ninkaanagii horena waan iska duudsiyaynaa, oo wax mag ah idin waydiin mayno, ee halkaas aan colaadda ku qaboojinno”.

Nimankii ergada ahaa way qaateen, oo way ku qanceen taladaas, waxayna ku soo laabteen reerihii ninka dambe laga dilay. way isku soo shiriyeen waxayna u soo jeediyeen taladii qolada kale soo jeediyay. Markii bay dheheen mabay soo noolaysiinayaan wiilkaanagi, waa maya, waxba 120 halaad kama rabno ee waa noo dagaal, odaygii kolkii hore diiday inuu magta wax ka bixiyo, ee haddana wiilkiisii la dilay, isna wuxuu ku raacay intii khaldanayd ee dagaal oogayaasha ahayd.

Nabaddii baa haddana laalantay, qoladii kalee nabadda rabtay warkii wuu gaadhay oo waxay maqleen in magtii la diiday. iyaguna dagaalbay isku diyaariyeen. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa odaygii dhibka badnaa ee wiilka ee ninka ninka loogu aaray dhalay, oo col hor wada wuxuu qabtay afar wiil oo walaalo ah, oo ay hal hooya ah dhashay. Odaygii oo raba in uu afarta wiilba kurka ka wada jaro, ayay nimankii la socday ku dheheen; “Waar hooyadood yaysan gablamine, mid u reeb, oo ka ugu wayn ama ka ku xiga u reeb”. Markaa suu odaygii yidhi; “War mid koodna reebi mahayee, ka ugu yar iga sii daaya, isagay ugu jeceshahay kollabee”. Sidii baana wiilkii yaraa lagu sii daayay, wiilkii yaraa isagoo sii dhawraya walaalladii oo galgalanaya, ayuu dhaqaajiyay.

Mar kale ayay haddana labadii reer shir iskugu yimaaddeen. Waxaa la soo jeediyay wixi dhacayba dhacye in la heshiiyo. Wiilkii yaraa ee maalintii walaalihiis la laynayay la sii daayay ayaa shirkii yimid, wuxuuna arkay ninkii odayga ahaa ee wiilasha gawrgaracayay oo faraxsan. Markaasuu inta bishinta qaniinay shirkii ka tegay, labadii qolo ee shiraysayna shirkii uu u socon waayay oo khilaafyaa billodday waana lagu kala dareeray. ka dib wiilkii yaraa wuxuu aaday bari, wuxuuna raadsaday faras uu ku dagaallamo, muddo dheer ayuu faras ku maqnaa, wxuu kolba habeen reer ku dheelmado oo farsab waydiiyaba, markii dambe waxaa meel fog loogu tilmaamay faras inkaaran oo qaali ah. wuxuu u yimid ninkii faraska iska lahaa wuxuuna ku yidhi; “Adeerow faraskaada, inuu kaa dhinto iyo nin lagaa dhaco mooyeene maxaad kaga samri lahayd”. Ninkii baa wiilkii yaraa ku yidhi; “Geeliinnu waa meeqa?” Wiilkii baa ku jawaabay; “Waa 25 foof”. Ninkii baa ku jawaabay “Labaatan iyo shantaa foof oon labatan iyo shan qaalmood ka soo kala xusho umbaan faraskaan kaga samri karaa”. Wiilkii baa yidhi; “Ina kici faraskana soo eri”. Wayna isa soo raaceen.

Sidii ballantu ahayd markii reerkii la yimid, ayuu ninkii faraska lahaa wuxuu midba qaalin kala soo baxay shan iyo labaatankii foof ee xaraysnaa. markuu qaalintii ugu dambaysay la soo baxayay, ayuu isha la raacay hal qiima badan oo taagan, markaa suu yidhi; “taana ii soo raaci”. Wiilkii baa yidhi; “War hashaa hooyaday baa geela ugu jecele iska daa”. Ninkii baa diiday oo yidhi; “Faraskaaban la noqon”. Wiilkii isagoon raalli ka ahayn buu yidhi; “iskaga soo darso”. Markii xoolihii lala kla wareegay, ayuu wiilkii yidhi; “Faraska cilladihiisa ii sheeg hadda”. Ninkii faraska hoaray u lahaa ayaa yidhi; “Markaad ku dagaallamayso, haddii uu wayraxo, kaana xoog badnaado, colkuu kula dhex gali, haddii aad bawdada ka taabatana wuu iska kaa tuurayaa, labadaas cilladood kaliyuu leeyahay”.

Maalintii dambaa la isa soo weeraray, wiilkii faraskiisii buu ku duulay, qodii dhibka badnayd ee nabadda diidanayd, way ka war qabeen in wiilkii walaalladii lagu horlaayay uu faras aan caadi ahayn geel badan ka baxshay, haddana isla maalintaa waxay ku dhex arkeen wiilkii oo faraskiisii ku leeddaysan oo dhaarsan. Markaasay dheheen yaa ku aadaya. Odaygii wiilashi wiilkua la dhashay gawrgawracay, ayaa yidhi; “Maalintii baad bilaash iiga sii dayseene, anaa maanta walaaladiis ka daba gaynaya.

Dagaalkii baa billaabmay, wiilkii iyo odaygii waa isku soo beegmeen, dhawr jeer ayay is mari waayeen. Markii dambe odaygii baa arkay tolkii oo intii la laayay mooyeene intii kale oo la bursanayo. Si kadis ah ayuu odaygii faraskiisii hoosta uga gujiyay, jarihiina korbuu ugu dhuftay, wuuna isla jimbacay oo baxsuu is yidhi.

Wiilkii isna wuu ka sii daba daayay. Booddadii horaba wuu la gaadhay, odaygiii iyo faraskii siiba. Odaygii wuu qaadan waayay faraskiisa sida loo soo gadhgaadhay, dib jalleecdii uu is yidhi, ayuu la kulmay waran kallida ka wareemay oo ta kale ka sii baxay.
Odaygii oo dhulka ku soo dhacay ayuu wiilkii faraskiisi ka soo dagay, wuu soo kor istaagay, sifiican buuna yeelay oo waran dambe kumuusan celin. Wiilkii wuu iskaga tagay odaygii oo wali naftu ku jirto.

Odaygii tolkiisii baa u yimid isagoo wali naftu ku jirto, Markaasaa la waydiisay, Su’aashan, “Bal iska warran”. Markaasuu odaygii ku jawaabay, hadal markii dambe, murtida soomaliyeed ku soo biiray, uuse isagu xaaladdiisa xumideeda ula jeeday, hadalkaas oo ahaa; “Adduun i qatal, Maalintaan taagta lahaa talo ma haynini, maanta oon tala hayana taag baanan haynin. Micne ahaan “Nin jeclaysi iyo xoolo jeclaysi aan hadda waxba iigu fillayn baan ku dhintay”. waana wax tusaale inoo noqon kara hadalkaas.

W/Q: Maxamed sheekh shaafici (Af-guun)