Barnaamijkii Arbacada iyo ubixii jacaylka.
Sii akhriso intii ka hadhay sheekadii “Waan kuu xiisay”. ee la soo kaltamay waayihiisi nolaleed ee Warsame shiidley.
Alla maxaan isku faraxsaneyn. Inta ay qorraxdu soo jeeddo iyo inta ay huruddo, ugu yaraan 5 saacadood ayaa aan sheekeysan jirnay oo wax is bari jirnay. Innaga oo wali isku oomman ayaa aan kala seexan jirnay. “Taleefanka dhig” iyo “adigu dhig” ayaa aan isku qabsan jirnay…
Muuqaal ayaa aad jecleyd in aan ku wada sheekaysanno. Skype ayaa aan ka wada xiriiri jirnay. Waa halkaa meesha aan Quraanka kaaga dhigi jiray. “Dugsiga muuqaalka” ayaa aan Skype ku naanaysi jirnay.
Qoraalkan ma sii wadi karo. Waa aan ku qasbanahay in aan joojiyo. Ma rabo in aan ilmeeyo. Caawa waa 17 Oktoobar. Dhan marka laga eego, waa habeyn qiimi badan, dhan kalena marka laga fiiriyo waa hamayn aad gabi ahaanba ku duushay nolosheyda. Dagaal gaadmo ah ayaa aad ku qaadday qalbi dhowr jeer naxash la saaray. Hubka qalbiyada lagu gumaado ee mamnuuca ah ayaa aad ii adeegsatay. Dhan waa habeyn qiimi badan, oo waa habeynkii aan is barannay saddex sanno ka hor. Dhanna farxaddeydii ayaa aad burburisay oo waa hamaynkii arooskaaga saddex sanno kadib isbarashadeennii. Rajadeydii nolosha ayaa aad jar ka tuurtay. Waxba yaan ku eedeyn. Nasiibkaa kolkol sidaa dhala!
Inta aan hamaynkaan naxdinta leh la soo gaarin ayaa ay wax badani khaldameen. Sidii aan u joogay ayaa aan juuqdaa waayay. Baryo dhan ayaa aan cinwaannadaada farriin iyo fiirfiirin la dul joogay. Jawaab iska daaye “Online”ka ayaa aan kaa waayay. Mar kale ayaa aan noloshaada shaki galiyay. Intaa iguma aadan dayne xannibaad ayaa aad i saartay. Caku iyo “Block”! Yaa hindisay? Haba la hindisee maxaa aan ku galabsaday oo madaxa la iiga saarayaa? Mooji! Bil ayaa aan xaalad iswaa ah ku sugnaa. Hamayn madow oo nasiib madow oo jacaylkaygii madoobeeyay ayaa aad qoraal ii soo qortay. Ma rumaysan kolkii hore in aad adiga tahay qofka qoraalkan madoobi ka yimid. “Salaad kasta oo aan tukado waxaan Alle ka baryaa in uu iga dhaafo gefkii aan kaa galay. Walaal iska kay illow. Qof wanaagsan oo jacayl wanaagsani naga dhexeeyay ayaad ahayd. Jacaylkaasi waa uu dhammaaday oo dhowaan marwo ayaa aan noqonayaa. Qoyskayga ayaa nin aan qaraabo nahay igu daray. Sidan ma jeclayn ee waa amar xagga waalidka ka yimi oo aan aqbalaaddiisa ku khasbanahay. 17 Oktoobbar ayuu arooskaygu dhacayaa. In aan kugu casuumo waa aan jeclaa, balse ma suurogalayso. Nabadgalyo walaal. Mar kale waxa aan kugu la talinayaa in aad iska kay illowdo.” Sidan ayaa ay farriintaadu u qornayd. Alla naxariis daranidaa? Sidan qof u qallafsan kuguma ogayn. Alla beerka!
Hambalyo saaxiib. Caawa [oo aan qorayo sheekadan] waa aqal-galkaaga anna waa qalbi jabkeyga. Caawa laga bilaabo waxa aad noqoneysaa gabar guri leh. Marwo geesi leh. Waxa aad gabi ahaanba macsalaameyneysaa noloshi kelinimada. Iskaabulonimadu waa cadaab. Waxa aad galeysaa nolasha lammaanaha. Reernimadu waa janno. Xilligan wixii ka danbeeya waxa aad ka fekereysaa seygaada iyo gurigaada. Waxa aad yarayn doontaa isticmaalka baraha bulshada in kastoo aadan horayba ugu badneyn. Waxaa laguu gu wacayaa berri wixii ka dambeeya “xaaskii hebal”. Bilo kaddibna waxa aad noqon doontaa hebel hooyadii ama hebla hooyadeed. Jir ahaan, dabeecad ahaan, aragti ahaan waa aad is beddeli doontaa. Nolosha lammaanka ahi iyada ayaa saameynteeda wadata.
Jacaylkaagi ka sokoow, waxa aan ahay macallinkaagi. Waxa aan kuu rajeynayaa farxad, guri barwaaqo ah, ubad baarriyaal ah iyo sey kuu qaddariya sidi aan aniga kuu qaddarin jiray, kuu koolkooliya sidii aan kuu ballanqaadi jiray, wanaagna kuu fara sidii aan kuu sheegi jiray.
Kuma illaawayo. Waa ballan. Oo ma ku illaawi karaa? Waxa aad tahay Malaa’ig-duureed. Sidii ayaa aan weli kuu jeclahay kuuna jeclaan doonaa!
W/Q: Warsame Cumer Xussen “Shiidley”