True Love Sheeko jacel oo dhab ah part 2

November 12, 2007 at 1:25 am | Posted in True Love | 39 Comments

Sheeko run ah oo ku dhacday wiil iyo gabar Soomaliyeed oo Kunoolaa Wadanka Somali Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Taariikhudu Markey Aheed 23/7/97

Axmed Wali Iyo Idiris oo walaalkiisa ah waxaa ubiloodey nolal iyo jawi wanaagsan ooAh mid kafiican Nolashoodii hore waxaana ubiloodey nolal cusub iyo jawi cusub Kaasi ah mid ay keentey Gabadha Seyruuq ah oo Aheed Gabdhii sidada qiimaha leh

Isugu xilqaantey sidii ay uugu garaari laheed reerkaani masaakiinta ah aana cidna umaqneyn ceelna uqodnay runtii seyruuq waxaa labaayey howsha ay qabtey dadkii

Jiraanka lahaa reerkaani Seyruuq oo lagu ogaa Gabar islaweynin badan iyo kibir badan waxaan caadatey gabdhaani in aya tahay gabar wanaagsan maadama ay dadku Arkeen dadaalkii ay ugashey Axmed Wali iyo reerkooda oo dhan waxaana cadaatey in ay seyruuq tahay gabar taaqana qadarinta iyo ugagaarka dadyowga dhibaatesyan Markii ay Biloodey waxaa aad iyo aad uugu wada riyaaqay dadkii oo dhan Axmed Waxaa lagaga Dhigey Masuulka uugu sareeya Baqaarka jaamac idiris oo ahaa seyruuq Abaheed waxaana aad iyo aad uula dhacey sidada qiiimaha leh wiilkaani uu markasta wataa shaqadiisa oo kaliya waxauuna markastaa Jaamac idirs ka caawiyaa dhanka

Xisaabka Iyo waxa soogali baqaarka & waxa soogalaaba waxaan intaasi usiidheraa Asgoo walaalkiisa keeney in uu baanka udhigaa alaabta bagaashka ah iyo Waxii kaloo

Ay uugaga baahdaan Baqaarka Waxuuna Lacaga soo Celshaa maalin kadib asgoo wadaa lacagtii uu alaabta kuqaatey waxuuna laharaa lacagata faa iidada uleeyahay

Waxuuna celshaa waxii lagu lahaa Reerkii waxaa usiisayadey Nolal wanaagsan ilaaheyna waa uu lagarab galey maadama ay ah haayeen dayoow Nadiif ah oo hadana Daacad ahaa Dhankastaana kuwanaagsan Lakiin Axmed Wali Waxuu jaceyl uqaadey

Seyruuq Aqristoow waxaad ogataa Jaceylka in uu asiiba Maskiin iyo faqiir xataa uusan aqoon kan ayaa taajir ah kan ayaa faqiir ah, runtii waxuuna abaaraa cidkasta malaha

Maskiin Malaha Taajir malaha Faqri Axmed xataa waxaa isbadal midabkiisi waxauu u ekaadey Carab awala waa cadaa lakiin daruuf baa haysatey hadana uu kabaxey,,

Daruuftii hesyatey Lakiin waxaa kusoo siyaadey Maalinba maalinka kadanbesyaa Jaceylka Seyruuq xataa haduu arko seyruuq oo nin latagaan in uu kamaseyro

Taasi oo ay keeni kartaa Jaceylka Dhabta ah ee uu uqabo intaasi Seyruuq ah Waxaana uu maalin maalamaha kamid ah usheegey Malintaasoo ay Aheed maalinta Logaga Magac Darey Maalintii Jaceylka Aduunka Ayuu Waxuu usoo iibshey Hadiyado

Qaali Card Iyo Waxyaabo kaloo farabadan asgoo uugu geeyey hoyaga ay dagneed .

Waxuu Abaarey gurigii maalinkaasi Nasiib Wanaag waa ay xanuunsaned seyruuq ,oo waxaey iska Jiiftey qolkeeda jiifka ah Waxuuna Yire miyaadan ogeyn in maanta Tahay Maalinta Jacaylka Aduunka oo ay tahay maalin faraxad ah Waxuuna Yire

Maanta Waxaan Rabaa in aan kusheego Arimo farabadan oo aan rabo in aad iila ogaato Waxaan rabaa in aan kusuheego Jaceylka aan kuuqabo meesha uu gaarsiisan

Yahay Iyo in aan ahay naf kujecel Miyaadan Ogeyn macaaney Runtii Waxaan ahay Shaqsi aad iyo aad kuu jecel Rabana in uu kusoo bandhi Arinkeyga haduu sax Yahay iyo haduu qalad yahayba macaaney maxaad igaaga Oranesyaa Waxeyna tire Seyruuq

Waxaad ogataa Jaceylka in uu yahay shey qaali ah waadna ijeclaan kartaa Lakiin Hadaada iisheegatana maaha arinkaasi mid qaladan waana saxantahay markastaana Anigaana kusoo siin doono Jawaab ku kaafisaa Waxey noqon doontaa mid kukaafisa Waxey noqon doontaa mid aan kukaafin iska Sugo walaala Jawaabtaasi Waqti Dhow Ama Waqti Fog Arinkaasi Muxuu noqon doonaa ayuu maskaxdiisa iska Yire.

Axmed Wali Asgoo Qashuucsan ayuu waxauu aadey Shaqadiisii caadiga aheed asgoo aanan Niyad wanaagsan uheyn shaqda Waxaan si dhab ah udhaawacey Jaceylka seyruq

Aydoo wali kusugan Guriga ayaa waxaa loosheegey in guur dhow Lasiin doono wiil Abtigeed dhaley oo Kayimid Qurbaha gaar ahaan uk Wiilkaasi Lakiin maahaha Wiil

Maskaxdiisu Tahay Caadi Dadka yaqaana ay yiraahden waa nin jir oo xaga maskaxda

aana wanagsan aydiina Markii loosheegey arinkaasi Waxey tire abe aniga dooni maayo nin kaad sheegesyaa waana aqaan Yuusuf Yare Waa nin jiran mana doonayo waxaan rabaa in aniga dooqeyga ah oo aan soo xushay halkaasi waxauu kaheli karaa Axmed wali jaanis Farabadan Seyruuq aydoo Caresyan ay kasoo baxdey gurigoodii waxaey aadey Habalo ay saxiibo Yahiin oo maalinkaasi lahaa Aroos Waxeyan markii meeshii

Arooska Tagtey Loosheegey in wiilka Maskiinka ah oo Jaceyl Jaceylkiisa ,

Wax laqabto maadama Wiilkaasi Yahay wiil aad iyo aad udabeecad wanagsan Runtiina ah wiil karti badan Iyo dadnimo aysana waxa la aanata kunacin maadama nin rag ah uu

Yahay Ayna Ogaato arinkaasi Wuxuu waqtiga is guraba waxaa lasoo gaaray balantii.Waxaana Durabdiaba uu niyadiisa gashtey Axmad wali in aysan Seyruuq asan diidi Dooni Arinkiisa Kusaabsan Waxuuna Yimid markuu soo dhamesytey Shaqadiisa

Gurigii Seyruuq Waxaana loosheegey in ay maanata aadey Xalfad Aroos Ah aana ka fogeyn Xaafada Dhaxdeeda Waxaana loo tilmaamey guriga ay joogtey waxuuna aaydey

Markii Gurigiisa Waxuu galey is diyaarin iyo is qurux waxuuna abarey gurigii ay joogtey Seyruuq Waxaana maalinkaasi Cidii aragtaa aysan idhihi karin wiilkaani waa Axmed Wali quruxda Iyo Labiska kamuuqda ileen dadku haduu helo dhaqaali waxuu yeeshaa Mid qurxuuun oo aan kiisii hor aheyn ileen Dhaqaalahu waa balaayo aanan la ogeyn.

Hadada Markuu meeshii tagey Waxaa indhahiisu ay qabteen Seyruuq oo maalinkaasi Fadhisay meel gays ah waxaana meeshii gabdhihii wadada joogey ay hal wadada eegen wiilkaani quruxada iyo haybada ay kamuuqato maalinkaasi aan lamalesyan karin

waxuuna salaan uugu dhaqaayey seyruuq oo yire maxaa dhacaey maanta wajigaagii kama muuqato farxadii logaaga Bartay sidee bay wax ujiraan macaaney maxaa kuugu

Soosiyaadey oo dhib ah waxaan diyaar kuugula ahay waxa kastoo kuugu soo siyaado

in aan kuula qeysado macaanto waxaan karaabaa in aad iisheegto waxii jiraa oo arinkaasi kusaab san macaaney Waxaan rabaa in aan ugaado kagudub taasi Waxaan kaloo rabaa in aan iisheegto Arimaheynii kusaabsaan Codsigii Qaali ahaa ee aan kusoo

Bandhitey macaaney runtii aniga waxaan kuugu qabaa kalsooni aad iyo aad uweyn Waxaan rabaa in aad Arinkaasi uun igaaga Aqabasho hana is oran wiilkaani waa Faqri oo Wax mahesyto Mana Awoodo Jaceylkaa Waxaad ogata Markastaana in aan ahay nin rag ah oo jaceyl kuna Hami qabaa Guurkaagaga ama Rabaa in uu kuula qeybsado Nalasha Waan hadaan Arinkaasi Helaayo Marka Waxeyna Tire Waan kaa sheegayaa

Axmed Wali in aan kaa aqbaley Go aankii ahaa Jaceylka aniga aan Ahay Ruux Kujecel Waxaad Ogtaa Arinkaasi Hadii aan Dan Iyo Xaajo kaa laheyn kuma aana Geeyen Baqaarka Abaheyna Marka Waxaad Arinkaasi oo dhan usamey jaceylka Macaanoow Kuna Seexo kuna soo kac arinkaasi waxaadna Ogataa Haduu aabahey ogaado Arinkaani Maxaa dhici kara waxaa dhici kartaa wax kasto in uu sameeyo abahey ,

Marka Madoonaayo in ay ogaadan Arinkaasi Reerkeena Macnoow Adiga iska Ilaali macane Arinkaasi Yeesana Cidna ogaan arinkeena Waxaan inoo balan ah Maxaa dhici Doono Haduu Ogaado Jaamac Idiris Jaceylka Gabdhiisa Iyo wiilkaani Shaqaalaha Muxuusa Sameyn Doonaa Arinkaasi Haduu Dhaco Maxaasa Lagudboon

Hadiisa uu ugaado Arinkaasi Jaamac idiris Muxuu kusameyn Doonaa Wiilka Maskiinka

Ah Lasco …………….Cid Alaale Ciidii ubaahan in aan Talooyin kusaabsan Jaceylka Ama Talacelin Ah

Waxey igagala soo Xiriire Karaan Ciwaanada Hoos kuqoran Talooyinkaagana Waan soo Dhaweynayaa Aqristoow Lasoco Taasi Lakiin Lasoco Taladaada Hanoqto Mid kusaabsan Arimaha Bulashada Yeysan Noqon Mid ah Siyasada Lakiin hadii ay Tahay Taladaada Arimaha Jaceylka Waan soo Dhaweynaa Talana soo Weydiiso Ciise Yare

Waxii Fariin ahna Waxaad iigugu Soo Hagaajin Kartaa Ciwaanadeyda Ama Waxii Talo Iyo Tusaalo ah Waxaad iigu soo Hagaajin Kartaa Hadii aad Qaladaada Aragtaana Ka Raali Ahaada Aqristayaasha Qiimaha Iyo Qaayaha Lahoow …….