Aadan Axmed dubbe (Gabay-xoog),

Jimce wanaagsan oo wacan.
Barnaamijkeennii suugaanta Jimcada toddobaadkan. Bogga dhugasho iyo gabay caan ah Allaha u raxmee Abwaan (Gabay-xoog).

Aadan Axmed dubbe (Gabay-xoog), Allaha u raxmee, Wuxuu ahaa abwaan wayn, oo ka mid ahaa abwaannada soomaaliyeed.
Waa raggii sayid Maxamed Cabdille Xasan, la sabantamay,  aadna ugu bogay sayidka, Cilmigiisa, deeqdiisa, halgankiisa, daacadnimadiisa iyo geesinimadiisa. Gabaygan wuxuu abwaanku ku qirayaa in sayidku Alle Soomaalida u soo saaray mar ay liidatay.

Wuxuu yidhi:-

Awal maanso waa taan dabroo, daayey waayaha’e
Ka da’weyni daandaansi, iyo diradirayntiiye
Waxa layga wada doonayaa, doogsintaan baraye
Aan daleeyo caawana qalbigu, way dikrinayaaye

Deggane Maxamedow waxaynu nahay, ul iyo diirkeede
Dadka kale ha joogee adaan, iga digtoonayne
Raggiinii dariiqada ka yimid, durug warkiisiiye

Dunjigiisba waan wada jeclaa, degaha Reer Nuure
Wixii duub leh deris baanu nahay, iyo Daraawiishe
Sayid Maxamed dooduu i yidhi iyo, daabbada uu keenay
Waa ii soo duceeyaye Allow, darejadiis raaji

Midna waqaan Ilaah ugu darraan, labada daaroode
Muslin oo dhan baa diiq ku jirey, jeeruu daahiraye
Awliyada dadaashuu carshiga, kula dekeeyaaye
Ninba wuxuu debnaha ugu hayiyo, daarka iyo laabta
Daniguu gartaa waxa qalbiga, kaga dahsoonaaye

Kun halaad nin subax soo didshoo, duul u yimid siiyey
Oo aanay duntaa iyo la noqon, dibi la loogaayo
Deeq nin ugu faanaa ma jiro, Dir iyo Daaroode

Nin la diini kama soo if bixin, duniyadeenneere
Dirir Ferenji baa ugu badnaa, dab iyo baaruude
Isagiiba dabaq buu ku riday, duhur dharaareede

Dabar iyo hogaan buu ku xidhay, duluflahoodiiye
Dangaraaradii bay dhegihii, wada dilaaceene
Dogoble iyo ka kici ceelashay, wada degmaysteene

Burco kama dabaaldego wixii, dabada gaabnaaye
Nimankuu la soo duulayoo, dab iyo reer siiyey
Diintii ka saar oo hadday, wada duloobeene
Doofaarradaasaa jihaad lagu deyaayaaye
Dadow dirira loo kala dilaac, labada daamoode

Afartaa da’da intaan ku dhigay, daw ma ku hagaajay
Ma daliil dhaqsaday sida wadaad, deelka ka higaadshay
Dig ma yeedhshay sida danab cir dhacay, ama gu’ duulduulay
Duufaan ma soo riday siddii, diiqalyada xoomir
Ma dalleeyey sida doonyahoo, qalamigii duubay
Shiraacaan darmaanka ugu xidhay dakhalka maw buuxshay
Deebaanka maw soo qabtoo, ma u dabayl raacshay

Jaajuus dariiqadi ka baydh, daahirkii Nabiye
Sayid Maxamed deeqduu baxshay, bilo ku doogeene
Waxa dararta laga maalayaa, deebluhuu dhaqaye

Waa niman diihaal lagu korshiyo, gaalo daallima’e
Dadna waxay ka doorteen kufriga, inay dillaalaane
Hala duulo nimankaasi waa, debendebyoobeene.