Q. 1aad. Dayr-fadal sheeko Jacayl.

 

Bogga Dhugasho Arbaca kasta kala soco sheekooyinka bukaan socodka caashaqa. Nasiib baad leedahay haddaad far soomaaliga akhrin karto, waxaad naga heli kartaan qisoonka jacaylka kuwo aaydan ka caajisaynin iyo waliba barnaamijyo aan maalmaha kale idiin hayno, sida; Sooyaalka suugaanta, soo jireenka taariikheed ee ummadda, cilmiga iyo aqoonta aadamiga IWM.

Waa sheeko jacayl xusuus iyo qiiro huwan, waa waayo waayo iyo wiil iyo gabadh isla koray, isla barbaaray, dabadeedna jacayl isla qaaday. Aad u dhugo tabaha nolaleed ee ay isla soo mareen.
Waxaan u mahadcelinaynaa Wll Cabdiraxmaan C. Cirro oo nala wadaagay sheekadan dareenka xambaarsan.

“Dayr fadal” kolka aan maqlo ayay igu soo dhacaan xusuuso waa hore gaamuray oo maskaxda ku daabacan, cimrigaygaa imminka soddonka baarka ka jaray ayaan dib u laabaa oo toddoba illaa i dhawr iyo toban mooyee inta kale waan tirtiraa. Dunida aan joogo ayaan hilmaamaa oo duni uu qiyaameheedii dhacay waa hore ayaan is-dhex taagaa, daaraha ii muuqda ayay bidhaantooodu qarsoontaa oo isku beddesha ban cidla ah. Waxa ayna isku beddelaan bankii caddaa ee ku dhammaada halka uu araggaagu ku idlaado. Isaga oo dooggu is qabsaday, dareemada, maadha, maaajeenta, ramaaska iyo boqolaal caws oo kala duwan wadhan yihiin, iyada oo tigaaddu laacayso, jidhaamaha teelteelka ahna ay xareeddu xarfanayso, udugga ka soo carfaya ubaxa iyo rayska dhulku soo butaacayo ayaa sanka rooraya. Codadka ay dhagtaydu maqlayso ayaa isku beddela ololka geela, baarqab doobyeya, nirgo olalaya, lo’ bunaaxinaysa, fardo dananaya, shimbiro heesaya oo luuq wacan isu gu jiibinaya, onkod iyo yeedha yalka ayay daryankooda maskaxdu iska turjumataa oo ay dhegaha sabab la’aan ugu soo tabisaa. Cirka ay qarisay dhededu ayaa ii noqda daruuro lakabyo ah oo isa saaran. Ama caways uu cirku saafi yahay oo ay xiddigu ilayska galalacsheen. Laxaha day, Ururtii sow taa ma aha, Awrkii cirka, Saxalkiyo Mariikhyada.
Sida ay xusuustu i bartay carruurnimo haddii aan ku noqdo waxaa i hor imaanaya wajiyadii aan ku garaadsaday iyo magacyadii ugu horraysay ee ay dhegtadu maqashay. Bananka walaalaha ah ee Xalxalis iyo Xaguuga ayaa ah magacyada ugu horreeya ee aan soo qabto. Wajiyda ay maskaxdu sawirto waxaa kow ka ah Canab, Ardo Magan, Cumar af-laawe, Qadan Ilka cas, Bulxan-qooqane iyo kuwa aanan sawiri karin oo magacyadoodii iyo falalkoodii aan si wacan u xasuusto.
Ardo Magan oo ahayd islaan cadho badan, kolka aan xusuusto qudhaydaa ayaa iska cadhooda oo farxadii yaraantii ayaan cadho ku laaqaa, cid walba oo cadho badanna iyadana ayay i soo xasuusisaa, magaceeda oo kale xitaa haddii aan maqlo maskaxdayda ayay ku soo dhacdaa. Qof kasta oo magacaa la yidhaahdo waxaan ka fishaa waa xanaaq badnaan uun, xitaa horay uma galgalo illaa aan dabeecaddiisa ka ogaado. Sidaas oo ay tahayna dareenkeeda waxaa ku lammaan raadadkii ugu horreeyey ee noloshayda. Waxa ay ahayd islaan uu ninkii ka dhintay, nin dambana ma aanay guursan ee waxa ay iska korsatay caruurteedii.
Mutulka hortiisa ayay ka samaysatay daarad wayn oo ay ku soo oodday oodo qalqallan oo u badan Xoday markii dambena noqday geedo, sandaqad yar ayay ka sii jeedisay ardaagii, waxa ayna ka furtay dukaan yar iyo makhaayad shaaha laga cabo la guna qayilo, habeennkii kolka ay noqotana ragga qaar baa kulaylka sandaqadda ka soo carara oo ardaaga fadhiista. Raggaas waxaa ka mid Aadan Jugle oo isagu degsiimada caan ka ah, waxa uu watay gaadhi Siisow ah, kolkolna waxaa lagu xaman jiray in uu islaanta isagu qabo.

Cumar iyo Canab waxa ay ahaayeen labada carruur ah ee ay u dhashay Kayse Colaad oo la sheegay in uu ku dhintay dagaalladii jabhadda. Cumar isku fil baannu ahayn Canabna laba gu’ ayay naga yarayd. Labadoodu aad ayay iskugu ekaayeen oo xitaa codadkooda la ma kala garan jirin. Ilkaha siman ee Canab ayaa ahayd halka kaliya ee lagu kala saari jiray waa dambe oo Cumar inta ay ciyaal is laayeen uu midi dhagax ku feedhay oo uu afka digada kaga dhigay, labada foolba wax ay ka jabeen gunta oo gummudka yar oo madoobaaday mooyee waxba kuma aanay hadhin dhoosha xitaa mid baa dacal jabnaa. Berigii dambe ayaannu u bixinnay Cumar-aflaawe.
Labadoodaba isku malcaamad ayaannu dhigan jirnay, Macallinku Cumar aad ayuu u nebcaa oo laba iinood buu lahaa; mid dammiin buu ahaa oo Alif iyo Ba’ ma kala saari jirin, midda kalena macallinka wuu la dagaallami jiray wuu na ku af-celin jiray. Maalin kaliya ma ahayn inta uu macallinku ul ku dhuftay oo inta uu booday bannaanka u baxay oo uu malcaamadda iyo macallinkaba soo shiiday. Canab iyadu aad bay uga dhaqan duwanayd Cumar. Xitaa kolka aan soo xasuusto anaa yaaba. labo qof oo sidooda isugu eg waligay ma aanan arag haddana labo qof oo ka kala dhaqan duwan ma aan arag. Iyada oo yar bay carruurta oo dhan Quraanka ugu sarraysay marka laga reebo walaakay Mukhtaar. Way maskax furnayd oo farxad badnayd. Way ciyaar badnayd oo sida badan gabdhaha ugu ma bixi jirin ee wiilasha ayay la qasan jirtay, shan gabdhood uun bay ahaayeen habluhu. afarta kale way is la fadhiisan jireen iyana dhanka ugu sokaysa ayay fadhiisan jirtay. Kolka nala fasaxo ayaannu bannaanka u yaaci jirnay oo ciyaari jirnay, geedkii aannu ka boodno ayay ka boodi jirtay, geedkii aannu fuulno inta ay naga soo dabo fuusho ayay laamaha naga sarreeya fanan jirtay. Sideeba jinsi bay gabadh ka ahayd ee dhaqanka wiil bay ka ahayd. Gabdhuhu waxay ku naanaysi jireen Canab-wiilo.
Aabbahay Rooble reer miyi buu ahaa oo nooma iman jirin marmar dhif ah mooyee. Hooyaday Xaawo Cabdi iyo aniga waxaa na seddexayn jiray walaakay Mukhtaar oo labo gu’ kor ii ga waynaa. Kolka ay Hooyo subaxdii naga toosinayso mutulka hurdada waan isku nabi jirnay ilaa ay marmarka qaar biyo qabow nagu shubto, kolkaas ayaannu inta aannu hambabarno soo boodi jirnay oo aannu duleedka ku soo kaaji jirnay, inta aannu fooldhaqanno oo gacmahana dhaqanno ilaa suxullada ayay canjeelo Hooyo noo keeni jirtay. Canjeelo lagu iidaamay subag, xoogaa sonkor ahna lagu daadiyey iyo labo koob oo qalin ah oo shaah bigaysihi ka buuxo noo keeni jirtay. Kolka aannu quraacanno inta aannu saliidaysanno ayaannu aadi jirnay malcaammadda. Jidka waxaannu iska sii raaci jirnay Cumar iyo Canab. Gurigooda isma aannu taagi jirin, ee qolqolka ayaan uga baaqi jirnay. Kolkaas ayaannu carruurtaa kale isku sii lug darsannaa. Cumar oo aan quraanka garanayn ayay Canab u marin jirtay, isna isaga oo gabgab leh indhana taagaya ayuu ka daba akhrin jiray, iyada qudheeda Mukhtaar baa u sii akhrin jiray. Kolka aannu malcaammadda u sii soconno waannu sii luudi jirnay marka laga reebo Canab oo xiiso u qabtay, socodka caga jiidka ah waxa aannu kaga nafisi jirnay amminta aannu looxyada diyaarsanayno, khaddana qasayno. Khadda waan jeclaa in aan riiqdo oo xitaa sabab la’aan ayaa Canab ugu riiqi jiray khadda, mid kale oo ay carruurtu sameysteen oo ay ka mashquuleen haddii aan arkana aniga iyo Cumar biyo ayaannu kaga dari jirnay, waxa ay ahayd amminta qudha ee aannu farxad dareenno.

Macallin Nuur wuu dabeecad kululaa, wuuna xanaaq inkaarraa, balse marmar ayuu sheekayn jiray oo qosolli jiray, marmarna ul madheedh ama dhuyac ah ayuu lalmin jiray xilliga subaxnimada ah.
Quraanka ma dhammayn, afartayadaa cid dhammmaysanayna ma jirto asii meel qumman waan ka gaadhnay, kol dambe aniga oo higgaadda garanaya ayaan iska akhristay inta aan ka haleelo. Muddo yar ka dib macallinkii wuxuu iska noqday bukaan aakhirkiina halkii ayuu ku dhintay. “ilaahay ha u naxriisto”.

Qadan waxa ay ahayd gabadh in door ah naga waynayd, quruxdeedu Dayrfadal oo dhan bay caan ka ahayd, doobka iyo barbaaartu warkeeda ayay hayn jireen, socodkeeda dabacsan iyo laafyaha jalaqsan kolka ay jac ka siinayso waa la la indho daraandari jiray, raadkeeda xitaa barbaartu way isku xujaysan jirtay “iyada ayaa halkaa martay, bal day sida ay addimmada isku dhaafinayso, waar dee kani wuu iska murmayaa miyaanu arkayn sida ay ciidda u diistay…!!” ma ay lahayn hilib culus oo ciidda diisi karaaya, culayska ay dhulka la diistay wuxuu ka yimid tallaabada miisaanka leh ee ay cutinayso iyo dhulka oo rays ah oo uu roob ku da’ay. Qolqolka gurigooda barbaarta la gama waayi jirin, kolkolna bannaanka ayay ciyaar ka tuman jireen. Mid ay yeesho, mid kale oo ay been ku dhegobarjayso, mid ay diidmo qayaxan ku tidhaahdo ayay ka dhigtay, Qudhaydu waan iska jeclaa Qadanta oo jacayl damac iima galin balse ammaantaa laga badbadiyey ayaan ku jeclaaday. Haddii ay Canab na aragto annaga oo ammaanayna gafuurka ayay taagi jirtay oo may jeclayn in lagu ag ammaano.

Waa inoo qaybaha kale…