Tol ku faan

Barnaamijkeenii suugaanta ee Jimcaha ee golsho dhaqameedka Dhugasho, maanta waxaan ku soo qaadanaynaa gabay qabyaalad diid ah oo naga soo gaadhay mid ka mid ah akhristayaasha sharafta leh ee bogga dhugasho, hal-abuur Axmed Yuusuf Aadan (Axmed Aniis Jirde).

Asxaab iyo akhris wanaagsan

Tubta gabaygu leeyahan aqaan, tolidda maansada,e
In dhawaydse maan tirin tixaba, tanise waa baaq,e
Tabta aarkii dabooloo kalaan, taaha badiyaaye
Ogow taasna waxa iigu wacan, tamar xumaanteene
Mar hadaan talo la qaadanayn, waa tacab qasaar kale,e
Tolku waa waxaas lagu dhaqan yahee, laguna taamayo,e
Balse tawstu waxa ay tahoo, lagu tabaaloobay
Tabco inu nin nin kale dheeryuhuu, tusay garaadkiise
Tamar inuu ka roon yuhuu moodaaya iyo tiro ahaane
Turuq inuu ka weynyahuu is biday, amase taagtaba,e
Tiro waan hubaayoo ileen, toban ma gaadhnaba,e
Taladuba marbay roon tahoo, tumidda dhaantaaye
Tabaaladu ma fiicnee dadow, teedsha samihiinna
Oo tuura reer hebel anaa ka taban, taasi waa xumo,e
Talaabada horumarka lehiyo, toosa marinkiina
Tiigsada tacliintiyo cilmigu, waa tilmaamaha,e
Tubta hadalka aan soo tebiyay, waan tarraxayaaye
Tusmadaba rag bay waydaarisay, taaha reer hebel,e
Tusaalaha niman baa ku galay, talo xumaantaas,e
Tuugsi waa ka liitaa ninkii, talo ka yeeshaaye
Tafaraaruq weynba hubaal, laga tanaadaaye
Ma tashade ninkii ahbaa lagu yaqaan, tookha reernimo,e
Tusmeeyoo dadkaygow tabtaan, ula tacaalayno
Meel kastaba ha gaadhee ogow, tamari waa taashe
Allahayow adaa toosiyoo, taamna noqodsiiya
Tobankay taladu hoos martiyo, tixo ma garatada,e
ku tufnaye ALLOW noo ajiib , tawaab wa adiye

Curiye: Ahmed yusuf Adem (Ahmed aniiz jirdeh )