Q. 3aad ee Sheekadii dayr-fadal.

 
Mid walba waxaan ku soo xasuustaa Canab balse kama helo farxaddii aan iyada ka heli jiray, ma laha sheeka wacnaantii ay iyadu lahayd, sidii ay u qosol wacnayd ma aha hablahani. Haddana, mid walba waxaan isku dayaa in aan ka raadiyo hal dabeecad oo ay Canab ka midaysan yihiin ma se ka helo waxaan ka ahayn masayr badnaanta. Haa, Canab ayaa i bartay in ay dumarku masayraan, dabcan iyadu ba ma aanay ogayn in ay tahay hinaas balse waxay ka ahayd dhaqan dumarnimo oo la socday abuurkeeda. Iyada ka dhab bay ahayd laakiin, hablahan Hargaysi aniga uun bay i waaleen. Baryihii dambe waan is ka daayey haasaawe iyo geddiis ba waxa aanna go’aansaday in aan Dayrfadal fasax aado. Cidda aan u xiisay ma ay ahayn dayrfadal, danta aan ka leeyahana ma ay ahayn booqasho ee waxay ahayd in aan Canab soo arko kuna soo qanciyo in aan jeclahay haddii ay macquul tahayna aan kolkaas ba is guursanno.
Galabnimo ayaan Hargaysa ka carraabay oo gaadhi Dhayne ah oo Gaashaama u socda dhegta qabsaday. Habeenkii oo dhan waxaan sii guurayna ba waxaa sii guurayno, maalinkii dambe gaadhiigu wuxuu sii dhex guurguuranayey banka Tuuyo. Kolkaasuu xiisuhu igu sii karaa. Hadda qudheeda tabtaas ayaan ahay oo meel ban ah haddii aan arkaba xusuustaa iyo xiisahaa isku lammaaan baan la muraaqoodaa. Goor ay waaberigii tahay baannu Gaashaamo soo galnay. Isma aan taagin wax badan ee iyadana galabnimadii xigtay baan ka carraabay oo jihada waqooyi bari baan afka saaray. Haa, waa kan bankii aan ku dhashay, waa Xaguuga. Waa kan ay noloshaydu ba ka soo bilaabantay. Goor ay gabal dhicii ay ahayd baan Dayr fadal is dhextaagay. Waa halkii aan u socday, daqiiqaddii ba waxaa is beddelay dareenkayga, xitaa da’dayda ayaa is beddeshay oo waxaan tagay halkii aan siddeed sano ka hor joogay. Gurigayagii ayaan tagay oo inta aan hooyo iyo soo salaamay hooyadeed oo ay haysay ayaan ka soo cararay. Aniga oo aan u warramin ayaan soo booday oo makhaayaddii Ardo Magan waa canab hooyadeede tagay. Inta aan koob shaah ah ka dalbaday baan midh sigaar ah shitay. Gabadh baa shaaha ii keentay. Kolkay i soo ag joogsatay ba uduggeedaa i saaqay. Waa inan jalaqsan oo jidh iyo joog ba leh. Wajigeeda ma garanayn oo mugdi bay ahayd. Inta ay shaahii ii dhigtay bay sii jeedsatay. Alla sii socod wacnaydaa..!! Raarta dambe waxaa ku qayilaya laba nin. Mid baan sheekadiisa dhagaystay, kolkii uu hadlay ee aan arkay in uu af la’ yahayba waa Cumar-aflaawe. Markii aan shaahii dhammaystay baan damcay in aan lacagtii siiyo. Gudaha ayaan ugu galay, Tiriig baa u shidnaa waxaana u baxayey hees uu qaado Xasan Aadan. Waa isla heestii aan Qadan ku illaaway.
“Halalacdiyo muuqii Indhuhu
Waxay u haysteen
Dayaxoo hoggiisii
Ka soo baxay hal baarkeed
Shucaaacoo higsanayey
Ma aday hortaagnaa
Hiyigana udgoon kaan
Haqalka ula sarakacay
Ay moodday himiladu
Foora hiimsahiimsaa
Hawd iyo ka yimid bari…”

Kolkii aan galayba inta ay dhoollacaddaysay oo qoorta dadabtay ayay soo istaagtay. Markaas baan gartay in ay Canab tahay. Kolkii ay i aqoonsatayba way igu soo boodday “Alla’ waa Nuur Rooble. .” Markaas baan is illaaway goor aan isku duubayba. Iyaduna dhabankeeda ayay saartay laabtayda sida in ay dhagaysanayso boodboodka wadnahayga, labada gacmoodna waxay ku lalisay garbahayga, kolkaas baa la i saaqay iyada la igu laaqay. In cabbaar ah haddii aan isku duubnayn ba waannu isa sii daynay, haddana aniga oo haadaya ayaan ku noqdaa. In muddo ah kadib ayaannu is xaal warasannay, waxa aanna u sheegtay in aan ka soo tagay gurigii oo aan u soo noqonayo. Iyana way iga aqbashay.
Goortii aan soo noqoday ba waxaan u imid iyada oo fadhi wanaagsan noo sii gogoshay, falaasad shaah ah oo gingimanna iyo labo bilaalena badhtama dhigtay. Waxay ahayd goor cawaysin hore ah, dhaxantii lagu yaqiin Dayrfadal ee aan u soo hamuumay waxaan kaga diirsaday sheeko wanaaggeedii. Xiisaha sheekadeedu wuxuu ila noqday labo ruux oo iminka is bartay, hase yeeshee, taa liddigeed waxaannu is naqaannay illaa dhallaannimo, dabcan ruuxdayada ayaa isku lammaaansanayd. Intii aannan warkayaga ka geyoon bay Dayrfadal warkeedii i siisay. Anna kolkaasaan ku jilbeebiyey xiisaha aan u hayey, jabkii aan ka soo maray iyo sida ay iigu dheerayd. Sidoo kale intaa in le’eg ayay iga tirsanaysey. Isla habeenkaas ayuu soo maaxday caashaqii dhallaannimo, xusuusihii yaraannimo iyo xiisihii carruurnimo. Habeenkaa si wuxuu ii ahaa habeen ku astaysay caashaq. Shaw malaa’igta jacaylka ayaa xilligii ku sugnayd bankii Xaguuga. Waxaannu go’aansannay in aan isla todobaadkaa ba isla baxno oo aannu Burco aadno. Maalinkii Khamiista ayaannu ballanta ka dhigannay isla maalinkaa ayay Ardo Seed oo Burco safar u aadday ka imaan doontaa. Goor ay ku dhawday waaberigii ayaannu kala tagnay oo jidhkayagu kala dheeraaday quluubtayduse isku hadheen iyada oo qalbiga ku reebtay raad caashaq. Xilligaas ayuu soo hoyday Cumar-aflaawe anna aan sii dhaafay inta aannu isa sallaannay. Nin iska laab wanaagsan buu ahaaye isna wuxuu noo ballan qaaday in uu na caawin doono. Waligay ba nin ka gobsan ma aanan arag…!

Subaxnimadii aannu tagaynay ayaan hooyaday ka soo qaatay lacag xoogaa ah iyo in an watay inta aan isku daray ayaan u tagay Canab. Iyada oo safarka isku diyaarisay ayaan u tagay, wakhti ba naga ma aannu khasaarine waxaannu u tagnay Dukaan ka kaliya ee ku yaal Dayrfadal. Waxaa haysta gabadh illaa da’da soddomeeyaha ah oo aad u duruufaysay, laba canugna wadata inta aannu ka adeegannay ayaan dhaafay. Mar aan la kaftamay ayay qososhay balse wajigeeda waxaa ka muuqday dhirbaaxooyinka waayaha iyo wahanka. Goor dambe oo aannu jidka sii soconnay ayay Canab ii sheegtay in uu qofkaasi ahaa Qadan. Haa, waa Qadantii quruxda lagu xaman jiray. Waa tii uu guursaday Bulxan-qooqane inta uu ka dhalay canug ayaa dib looga guuriyey.
Gaashamo ayaannu barqannimadii lug ku tagnay oo gaadhigii Burco u rarnaa dheegga qabsannay. Kolkii ay Gaashaamo naga qarsoontay ayaan maanka u sheegay in aan milkiyey Canab. Burco markii aan tagnay ba waa tii mid adeerkeed ahi na kala dheereeyey. Ma dheereyn dharaartii aan Burco inta imid ay iga raacday mar labaad. Waxay ahayd saddex sano dabadeed markii aaannu is helnay oo is hanannay.

Hadda waxaannu deggannahay Toronto meel Kanada ku taal. Canab iyo aniga waxaa na wehliya labada carruur ah ee uu Eebbe naga beeray. Waa dhul noo daran oo caashaqa u daran, waxaan ka jeclaan lahaa bankii aannu ku dhalannay in ay carruurtayaduna ku barbaaraan. Waxaan ka jeclaan lahaa in aannu degenaanno Burcadii la igaga reebay ee aan haddana iska helnay. Carruurtayada ka ugu wayn iyada ayaa walaalkeedii gobta ahaa ugu magac dartay. Kaasaannu ka haysannaa xusuustii Dayrfadal. Heesihii Xasan Aadan qudhooda kolka aannu wadajir u dhagaysanno waxaan tagnaa yaraannimo iyo waayadii aannu xaabada soo wada guri jirnay iyo habeenkii dambe ee aannu isla baxnay. Ilaahay ha u gargaaro Xasan Aadan iyo inta caashaqa xusuusta u ah.

Cabdiraxmaan C. Cirro.