Khaalid Cabdur-razaq Caskar
Khaalid Cabdur-razaq
Dhamaanba diimihii samaawiga ahaa ee Allah swc soo dajiyay waxayahaayeen kuwo kubaaqa oo iskuraacsan ahmiyadna siiya dabeecaddaha isunaxariishada, deeqsinimada, runta, amaanada iyo isa-saamaxa. Dhamaantoodbana waa dabeecado iyo akhlaaqiyaad ruuxda iyo nafta gayaysiiya raaxo, xasilooni iyo nabadgalyo. Waxa aan tiro yarayn baadhitaanada qiraya in ay dabeecadahani nafta ku leeyihiin raadad waxtarleh oo farxad ku abuurayaan qalbiga ruuxa sameeya iyo kalloo sameeyaba. Qormadeenana waxan wax kaga odhan doonaaNAXARIISTAiyo saamaynta ay ku ledahay nafta qofkagaar ahaan iyo guud ahaan bulshada.Naxariistu waa dareen iyo dabci uu hoygiisu yahay badhtamaha quluubta dadka naxariista, naxariista lama iibsado oo maaha alaab aad kasoo heli karto dukaamada iyo mac-macaanlayaasha, lama rahmo lisumana hadyeeyo, se waa dareen uu ilaahay ku abuuro qalbiga qofka uu doono, kana siibo wadnaha ruuxa uu doono, waa mid kamid ah magacyada iyo sifooyinka ilaahay kuwa ugu mudan, marka aynu eegnohabka loo tartiibiyay magacyada iyo sifooyinkaa ilaahay swc waxan arki karnaain magaca/sifada labaad uu yahayAR-RAXMAANoo waxa kahoreeya oo kaliya magaca u wayn magacyada ilaahay oo ahALLAH, taasi oo in baraysaahmiyadda wayn ee ay naxariistu ilaahay agtiisa ku leedahay. Ilaahay swc waxa uu naxariista u qaybiyay100 qaybood, hal qayb oo kamid ah ayuu ilaahay usoo dajiyay dhulka……………subxaanalaah bal u fiirso; halkaa qayb waa waxa aadmigu isugu naxariistaan, waa waxa ay aadmigu xayawaanka ugu naxariistaan, waa waxa ay xayawaanku dhexdooda isugu naxariistaan, halkaa qayb waa sababta ay hooyadu uhinqato, qalbigeeduna u ruxmo marka uu dhaqaaqo ama uu furmi gaadho qaydka ama xanjeerka ay ku xambaarsantahay ilmaheeda yar, waa waxa uu neefka xoolaha ahi addinkiisa kor ugu qaado marka uu nuujinayo ee uu jaqayo neefka yari. Rasuulkeenii Muxammad scw waxa uu ahaa tusaale wayn oo naxariista ah, ilaahay swc wuxu yidhi: laqad jaa’akum rasuulun min anfusikum caziizun calayhi maacanit-tum xariisun calaykum bilmu’miniin ara’uufun raxiim”.Haddaba; sideebaad cid ugu naxariisan kartaa, halkayse kabannaanyihiin fursadaha isu-naxariisashadu? ,·labada waalid oo ubadkoodau qalbu-furnaada, kalgacayl iyo farxad u muujiya, kabaahi tira waxay u baahanyihiin oo ka ilaaliya inay tarbiyadoodu leexsanto waxan odhan karnaa waa raxmad ay hooyada iyo aabuhu u hayaan ubadkooda.·Inaad ka dhawrsato dhibaataynta xayawaanaadka, gaar ahaan kuwa dab-joogta ah ee guryaha inagula nool sida bisadaha, taa badalkeedana aad quudiso oo waraabisaa waa raxmad. Nabiga scwwaxa lagasoo warinayaa axaadiis inagu boorinaysa u naxariisashada xayawaanka inoogana digaysa inaan dhibno, waxakamid ah xadiis laga wariyay rasuulkl sc oo macnihiisu yahay:“Qof dumar ah ayaa waxay naarta ku gashay bisad ay xidhay, may ahayn mid quudisay, manay sii dayn oo ay ka qudhaabato dhulkeeda!!”subxaanalaah!.·Caawinta dadka baahan oo aad kashaqaysaa waa naxariis.·Kaalmaynta dadka baahiyaha gaarka ah leh iyo u adeegidoodu waanaxariis.·Dadka waawayn ee aan lahayn awood ay waxwalba kufushadaan ooaad wax laqabataa waa naxariis.·Inaad waxtarto agoomaha, kafaala qaadato oo kafarxisaa waa naxariis.·Inaad booqato dadka buka oo aad wax u qabato niyaddana u dajisaa waa naxariis.·Waaninta iyo wax u sheegista qof kasta oo kaleexsamay cibaadad allaah waa naxariis waayo waxad uga baqaysaa cadaabka allaah.dhamaanba qodobadan aan kor kusoo xusnay iyo qaarkaloo badanba, waa kuwo ay diintenna suuban ee islaamku inagu adkaysay samayntooda iyadoo inoo sheegtay xasanaadka iyo faai’dada if iyo aakhiraba aan ka heli karno oo ay ugu wayntahay inaan hello naxariistaallaah“Isaga naxariista dhulka, samada halaydiinka naxariistee”- Xadiith.Raadadka naxariistu kuleedahay bulshada dhexdeeda:kusifoobidda iyo caado kadhigashada dabeecaddan qiimahabadan ee naxriistu, waxay qofka iyo bulshada ku yeelataa raadad lamahadiyo oo aan ka xusi karno:·Jacayl iyo iskuduubnaan ka abuuranta dadka dhexdooda, ilaa ay kanoqdaan jidh qudha, sidu inuu tilmaamayo xadiiskii caanka ahaa ee nebigu yidhi scw“Tusaalaha dadka mu’miniinta ah isjeclaysigooda isunaxariisashadooda iyo isu tudhidoodu waa sidii jidh qudha, hadii ay cabato oo ay xanuunsato xubin kamid ah ay dhamaanba jidhkuqaadi doono xummad iyo soo jeed”·Waxa soo baxa isu-naxariisashada kaddib bulsho isuwada naxariisata oo iskaalmayn badan.·Jiritaanka qoysaska iyo xidhiidhka qaraabada oo adkaada. Iyo raadad kale oo ilaahay swc kawada raali yahay.
W/Q: Khaalid Cabdirisaaq Maxamed ( Caskar )