Q. 1aad Sheeko yaableh oo jacayl-miyanad ii daremahayn

 

 

❤❤❤❤miyanad ii daremahayn ❤❤

Aad baan u rabaa macquulna maaha inaan ka run sheego dareenkayga.
waxaanse Alle uga mahadnaqaa inaan goob kaliya ku wada noolney oo aan mar walba arko alxm aragiisaa iga badan. shaydaanka 10 jeer ka naar Alla qurux badanidaa baan hoosta ka idhaa. Waa runtay oo Allihii sameeyay meel xun uma samayn. tolow isana miyuu i jecelyahay muxu sidaa naxariista leh iigu salaamaa muxuu hoos ugu hadlaa oo ii eegaa, lkn kolleyba saa lay hayo looma hayo. Waayo dheh, anuu in yar maba awoodo inaan saasoo dhan u salaamo oo aan u eego. Xitaa salaanta kama qaadi karo waan dhidid naxaa waxaan ku sigtaa inaan dhaco habeenkii dhaxanba ii disha saan dibada u joogjoogo si aan u arko markuu soo hoynayo. hooyadey baa ila yaabta naa naga soo seexo. Alla may ogaato dareenka beerkayga jiifa wey ila sugi lahayde.

Caawa waa jimce habeen nolosheyda baabiisey anoo siidi caadadu ahayd dibada u sii fadhiya ayaan mar qudha ka war helay gaadhig aad u qurux badan oo laygu hor jaray. waxaaba ka soo dagay hebelkaygii aan jeclaa iyo inan geenyo ah oo anad quruxda indhaha ku hayn kareyn oo si layaab leh u labisan naxay oo ku dhawadey inaan qayliyo haddana naftii u waalatey qofka aan ogeyn ayaan ku qanciyey waa ehelkiisa. Salaan la igu dhaaf in yar ka dib baan is hayn waayey gurigii soo galay. inan walaashii ah baan waydiyey, cida ay inantani ahayd. Waa ereygii xiiskayga baddalee, waxay ii sheegtay inantani iney tahay xaaska walakeed. Yaa!!! xaasaaa!!! waa mari aan meel aan joogaba garan wayey. waxaan galay qolkeygii, waxaan xasuusta in aan gariirayay oo cagaha aan ka tagnaan la’aa. Waxaa igu xigtey anoo cisbitaal aala oo dawooyin igu xidhan yiin. hooyadey way naxsantahay indhahan kala qaaday way igu soo durugtay. hooyo maxaa ku helay, sidee lagu qabtay! ayey ii waydiisay. Yaa u sheega hoyadey waxa i haysta. waxba ayaan ku af-gobaadsadey. dhawr cisho hadii lay baxnaaniyey waan cafimaadey ka dib baa guriga lay keenay.

Dhibkalaa ii billawday isla habeenkii guriga ley keenay. jaceylkaygii baa ii yimid. agteyduu fadhiistey. hooyaa u shekaynasa. anna waan baxaadagayaa, waan jiifi kari laayahay. wanagsanaa cod macaanaa daganaa oo hadal yaqaan sanaa. Ma xamili karayo ee yaa iga saara. Waan oyaa ilmo aan celin kari layahay, waanan qarinayaa, maxaad ii amanaanasa, maxaad u sheegaysaa inaan qof wacan ahay, maxaad ii soo eegaysaa, sow ma xasuusatid inaad i niyad jabisay, oo aad adigu sabab u tahay xanuunkeyga iga bax haddanan ku helayn. aan murugadeyda isaga noolaadee. habeenkii hurdo maanan is arag, sidi baan u qatanoo cuntana waanu is dayney.

Alle waase siduu doonaba yeelee, aroortiiba war aan aad ugu farxay baan maqlay.
walaashey oo iga weyn oo ah ta khadka noo xareysey ayaa ii sheegtay in visa dii nala siyay
oo aanu soo diyaar garowno, 2 cisho gudahood waan farxay waayo maadaama aan jaceylkaygu suurogal ahayn inaan ka dheerado aragiisa jacayl abuurka leh waan ku faraxsanaa.
sidii baan ku baxney aniyo hooyadey nolal kale ayaan sameystay, walise jacaylkiisi baa si waalli ah ii haya nin kastoon la sheekaysto waan nacaa. waayo sidiisi u hadli maayo una labisan maayo umana cod macana waan eryaa mid kaste, wlhi heer baan gadhey aan sawirkiisa intaan làabta gashado aan hal saac oo dhan aan ku dul ooyo. kuma hamiyo inaan guursado waayo niyad ba ma hayo 5 sanno ayaa laga joogaa intaanan arag haddana qof maalin walba aan arko ayaad moodda.
maalin khamiisa anoo aad u daallan oo shaqo ka soo baxay baan dariiqa kula kulmay gabadh aan saxiib dhow nahay, salaan iyo kaftan ka dib, waxay ii sheegtay in wiil ina adeerkeeda ah oo daggan waddanka Canada uu ku wareeriyay inan wanagsan i bar, Deedna ay aniga ila jeclatay oo aay i rabtay ilaa shalay. ana ismaba dhibine sidii caadada ii ahayd baan ugu jawaabay, sxb sowdiga xaladayda og inaan ninba niyad u hayn iga daa yaan kugu ceebayn inanka aad ina adeerka tihiine. Wey diiday oo way i baridey, xitaa waxay ii soo gadhey inaan hadaan doono eryo balse aan iyada uun ka reebo. waayahay baan iska idhi madaama aan daallanaa oo aanan kareyn taagnidaa. Numberkaygii bey soo siisey anoo hurda buu mumber dhowr goor i soo garacay. Kumaan celin waayo waan daallanaa hadal maan kareyn. iyadii baa i soo garaacdey sxb dee telfanka qabo waa ku sidee bay igu tiri. haye baan ku idhi waan qabtey cod kii u horeyay een maqlaa. wuxuu ahaa; asalaamu caleykum walaaal! aaaaaa waxa ii dareemi kara oo kaliya qof wax jecladay markiiba waan soo turey inuu isagii yahay. haddana shaki baa igaley shayadaankaan iska naaray kamaan qadi salaantii. hellow hellow buu laba goor ku celiyey sidii qof hurdo ka soo boodey baan ku naxay show inaan maqleyn buu moday waan maqlayaa toos ma jawaabi karo hadalkaan dhuuxayaa hee baan si hoosa u idhi.

Waan ku salamay wll buu igu iri, hadeer waan aqoonsadey inuu isagii yahay, waan ooyey oohin aan joojin kari wayay. wàan hadli kari waayey codkii baan u badalay si aanu ii fahmin isaguse imaba filayo, anase shakisanoo moodaya inuu i garanaayo. waxaan ka codsadey inuu igu soo celiyo. haye buu idhi waan baxadagay. sxbtey baan wacay wey iga qaban waydey. dhulkaa i qadi wayey, waan sugi wayay inantii isagii baan ku celiyey, hadal bilow baan is idhi waan wadi kari wayey. Oohintii badneyd baa hadalkii igu xidhay qasab baan iskaga soo saaray.barasho wcn baan ku iri. Been baan u sheegay, magac kalaan u shègtay si àan u hubsado isnamagaciisi oo saddexan buu ii sheegay. Waaba jacaylkaygii aan riyada kula noolaa aragagax baa ii dhammaadey ❤❤❤❤ qoraal idinkuma sheegi karo maalintaa wixii igu dhacay.

Tariikhdiisa buu iiga shekeeyay sidan buu ilaa hadlayaa. Wll anuu xaas baan soo marey wax caruura iimey dhalin waanu kala tagney maadaama aanan anu markii hore dooran hooyadey baa igu qasabtay ina abtidey ruma ayay ahayd waanu is af-garan wayney imika saddex sano bilaa xaas baan ahaa.

Waxaan dagdag u waydiyey inuu waligii qof jecladay. Haa buu igu yiri waligay mar baan inan jeclaadey inantiise waan waayey Addis ababa ayaanu wada joogney. waxaan iska sawirtay inay inantaasi aniga tahay, waan iska farxay aax qalbiga ii dagay, waan garan waayay si aan wax kale u weydiiyo. Waan ka aamusay. haye adigana buu igu idhi; waan gariiray saan wax ugu sheegaan garan waayey. Haye ii sheeg buu igu yidhi; haddana, anoo wali amusaan buu si kadisa igu yiri heblaayo waa magaceygii runtaa. Yaab waan naxay yaa u sheegay, waan ku dhigay telkii wuu igu soo celiyey, kamaan qaban dhawr goor buu igu soo celiyey. mar danbaan ka qabtey.

Sidan buu igu idhi walaal iga raali ahow haddaad iga xanaaqdey, walaal aan kuu waayo sheegte plz hayga cadhoon. Haye baan dagdag ugu iri. wuxuu ku billaabay, wlll waxaan dagganaa Addis dhoof sugaan ahaa, maadaama abtigey qofka na kaxaynaya ahaa waanu ixitiraami jirey, agoona waanu ahayn oo abtigey baa illaa yaraantii gacanta nagu hayay, waxaanu wada socney laba hablood oo uu abtigay dhalay. markii aan Addis ababa nimi buu isna yimi si uu noo soo arko. Abtigay maadaama inantiisu inan qurux badan ahayd wuxuu ka baqay inay nin iska raacdo, hooyaday buu kala tashadey, inuu isku kaya dhiso hooyana wey ku faraxdey markiiba ana lay sheegay anna maadaama aanan wax xidhiidha lahayn waan aqbalay. ina abtiday annagoo bil is qabna bey hooyadood. nagala guurtey guri gaara bay kiraysteen. gurigayagiina waxaa nala soo galay inan iyo hoyadeed inantu boqorad bay ahayd, markiiba waxa igu dhacay jacayl tuuga ah, aad baan u jeclaaday. habase ahaate suuragal ma ahayn inaan soo bandhigo sababo badan awgood, ta kowaad xaas baan qabay ta kale guriga aanu ku noolayn wuu yaraa oo meel jaanisa oo xataa ereyo caadiya isku weydiina may jirin, hooyaday iyo hooyadeed wey joogaan anu indhaha ka ilaashada inantii aan jeclaa buu khadkeedi u soo baxay wey tagtay waan xanuunsadey xanuun aan ka qadey fikirka jacaylkaygii iga dhooftey. waxaa wali afkayga ka dhadhama macaanka sabayad ay cisho iyadoo dubaysa aan kula kaftamay gaariyeey sabayadaada udgoonkeeda isoo jiitee wax iga sii laba midh bay isku kay laabtay. Hadayna naftu iga baxayn waan diidi laha inaan cunto danbe ka daba cuno.
Alla macanaydaa oo qofkaad jeceshay wixiisu wanaagsanaa. Alle wll xaalad xun baan galay buu si diciifa u yidhi.

Sheekadii aan ku noqdee ina abtiday baan niyad u waayey waaban xiiseyn wayey, inantii aakhirkii waan ku kala tagney. Imika waa kaligey Canada ayaan joogaa waan shaqeeyaa. maalin dhaweyd baan aroos tagay aroosaddu waxay la magac ahayd inantii aan jeclaa deedna magaceedi oo xuruuf laga sameeyay baa miis lagu sharaxay waan qiirodey jacaylkaygi baan xasuustay. wiil baan weydiyey halka laga helo xarfahan wuu ii sheegay waan soo iibsadey, imika qolkayga way ku sharaxan yiin qofkastaa i weydiiya. Waan daawadaa habeen kasta waan la hadlaa xarfaha waan dhunkadaa mararka qaar waan ku dul ooyaa ii jawaabaan ku idhaah ilama hadlaan tiro kuma sheegi karo inta qof ee aan weydiyey qof garta waan wayey qalbigeygaase garanaya, intuu qoslay buu hadalkii raciyey; hadda wakhtigaa aan kaaga sheekaynayo 5 sano ayaa laga joogaa.

Waan faraxay, mar qudha, maan hadal intuu sheekada ii waday, cagahaa i kabuudyoodey madama aan si xun iskugu fadhiyey.
waxaan u holladey inaan hadlo, mase awoodin. Waxaan si hoosa ugu idhi…

Sheekadan cajiibka ah waa inoo qaybeheeda kale ee hadhay.