Madaxwayne Cabdi maxamuud cumar/DDSI

Akhristayaal, baggeenan dhugasho waa mid si kastaba uga madaxbannaan arrimaha siyaasadeed iyo kuwa diineedba, balse waxaan idiin soo gudbinaynaa, qaybaha waxbarashada, taariikhda iyo dhaqanka. Waxaa kale oon maalmaha qaar soo gudbinaynaa, waxqabadka hoggaamiyaha aan u bogno isla markaana aan ka maarmiwayno ee ummaddiisa horumariyay. maanta oo isniin ah waxaan xoogaa ka soo qaadanaynaa waxqabadka ku oolka ah ee madaxwaynaha dawlad deegaanka soomaalida itoobbiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Kadibna waxaan ku xigsiinayanaa madaxwaynihii kale ee ku dayasho mudan, ama soomaali ha noqdo ama ajinabi kale ha noqdee.
Madaxwayne Cabdi maxamuud cumar wuxuu ku dhashay, gobalka jarar magaalada dhagaxbuur, wuxuu ku soo barbaaray isla magaaladaas, waxbarashada iskuulka wuxuu ku soo qaatay dhagaxbuur.

Cabdi Maxamuud Cumar waxuu hogaanka DDSI qabtay markii ugu horeysay sanadkii 2010. Wixii xilligaas ka dambeeyay madaxwaynuhu waxuu noqday hogaamiye caan ah oo ka tilmaaman hogaamiyayaasha geeska Afrika, waxuuna si kal iyo laab ah u kasbaday taageerada shacabka DDSI iyo weliba guud ahaan shucucuubaha kale ee dalka.

Waxqabadkiisa aan la soo koobi karin, waxaa ka mid ah.

Caalamka oo idil iyo gaar ahaan dalalka aan dariskna nahay ee geeska afrika, maanta waxaa si baahsan uga jira, Khilaaf iyo ismaandhaafyo salka ku haya qabyaalad, diimo iyo caqiidooyin kala duwan oo ay Bulshooyinku aaminsanyihiin. Haba kala darraadeene, waxyaabaha laga dhaxley ismaandhaafka arrimahan aan soo sheegnay, waxaa ka mid ah: Dagaalo sokeeye oo bulshada kala fogeeyey, isir naceyb & isir tir-tir, weerarro argagixisnimo oo joogta ah barakac & burbur bulsho, cudurro, abaaro, waxbarasho la’aan, dhaqaale darro iyo nidaam dowladnimo & kaladanbeyn la’aan. Ismaandhaafka ku saleysan kala duwanaanshaha caqiidooyinka diimeed iyo qowmiyadaha ama qabiilka ayuu guud ahaan ka badbaadey dalkeena Itoobiya, marka laga reebo shaqaaqooyin yar-yar oo mararka qaar ka dhacay deegaamo ka mid ah kuwa uu dalkan Federaalka Itoobiya ka koobanyahay een ahayn deegaanka Soomaalida.

Marka hore Ilaaheena Weyn ee waaxidka ah SWT, ayaa mahadda iska leh. Marka xiga, Maamulka suubban, habsami u socodka, cad-caddaanta, fir-fircoonida, feejignaanta, dadaalka, kartida, geesinimada, aragti dheerida, isku kalsoonida iyo hogaanka daacadda ah ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu deegaanka Soomaalida Itoobiya ka badbaadiyey masiibooyinkaa aan kor ku soo sheegey. Waxaa iyana Mahad, ammaan, bogaadin iyo hambalyo mudan siyaasadda ku saleysan, cadcaddaanta iyo Sinaanta qowmiyadaha ee Xisbiga talada dalka haya ee EPRDF oo ay bahwadaag yihiin xisbiga dimoqraadiga shacabka soomaalida itoobiya.

Madaxweyne Cabdi maxamuud cumar, intii uu hogaanka talada dowlad deegaanka soomaalida itoobiya hayey, dadaal dheer iyo wacyigalin ka dib wuxuu Madaxweynuhu ku guuleystey isku xidhka iyo mideynta bulshada qaybaheeda kala duwan iyo culimaa’u diinka u dhashey deegaanka si looga hortago, meeshana looga saaro fikradaha cidhiidhyoon ee ay aaminsanyihiin kooxaha xagjirka ah ee heer caalami ee ku soo gabada magaca diinta sharafta badan ee Islaamka. Dadaalkan dheer iyo ka hortagga fikradahaas cidhiidhiga ah ee xagjirnimo waa kuwo sidi la rabay suuragalay, guulo wax ku ool ahna laga gaadhay.

Deegaanka soomaalida itoobiya maanta waa meel ay usoo waxbarasho doontaan wiilal iyo gabdho dhalinyaro ah oo ka kala yimaada deegaanada kale ee dalka iyagoo ka faa’iideysanaya barnaamijyada is dhexgalka iyo aqoon iyo haqan is weydaarsiga. Waxa ay Qowmiyadaha kale aaminsanyihiin maanta in kuwo badan oo ka mid ah deegaanada uu ka koobanyahay federaalka itoobiya ay ka faa’iideysteen kuna xasileen geesinimada, fikirka iyo hogaanka caafimaadka qaba ee Madaxweyne Cabdi maxamuud Cumar oo ka badbaadiyey xeyndaabna uga noqdey dal-daloolo badan oo hadda ka hor ay colaado, falal argagixisnimo iyo fikrado xagjirnimo kaga iman jireen dalka. Tani waa Sababta ugu weyn ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku kasbadey kalsoonida inta badan shucuubta kala duwan ee dalkan federaalka ah ee itoobiya. Mudane Cabdi Maxamuud Cumar waa shaqsiga kaliya ee magaciisu wada gaadhey dhammaan deegaanada dalka itoobiya ka koobanyahay, iyadoo lagu wada xasuusto isbadalada horumarka dhankastaba ah iyo nabad-galyada wada saameysay dhammaan qowmiyadaha itoobiya, ee uu hirgaliyey muddadii uu talada deegaanka hayey. Madaxweyne Cabdi maxamuud wuxuu ku caanbaxay oo dhammaan dalweynaha itoobiya looga yaqaanaa: Gaashaanka birta ah (Iron Shield) oo dalku ka huwanyahey colaadaha iyo fikradaha cidhiidhiga ah ee xagjirnimo ee naafeeyey dalal badan oo ka mid ah kuwa caalamka gaar ahaan geeska Afrika. Gaashaan Bir ah oo kaga gudban halis uga soo tallaabi jirtey xadka ugu dheer ee ay Itoobiya la leedahay dalalka dariska ah oo uu qaarkood burburey nidaamkii dowladnimo iyo kala danbeyntiiba.

Dalka Soomaaliya ee aynu walaalaha iyo dariskaba nahay oo ka mid noqdey kuwa ku dhacey dabinka qaswadayaasha horboodaya fikradaha cidhiidhiga ah ee xagjirnimo ayaan ilaahey uga baryaynaa inuu nidaamkii dowladnimo, kala danbeyntii, karaamadii iyo nabad-galyo buuxda uu dib ugu soo celiyo.

Madaxweyne Cabdi maxamuud cumar waa nin daacad u ah dalkiisa & deegaankiisaba, isuna arka hogaamiyaha mid ka mid ah deegaanada ku bahoobey dalkan federaalka Itoobiya ee ku midoobey dastuur iyo nidaam ka dhexeeya oo loo wada simanyahey.

waa diyaaristii dhugasho.com
nagala soo xidhiidh 0254110600 ama +251913216423