Q2-Jacaylkii Barni Seed

 

Seed Warfaa mood iyo nool weligii wax aan muruqiisa iyo maskaxdiisa ka soo shiilmin ma dhadhamin mana yeelan. Ooridiisa iyo ubadkiisu afarta xilli ee sannadkaba iyo goor walba waxaa ka muuqda daryeel iyo dufan. Isla markaas aqallo badan oo sharaf loo hayo habeenno badan dab lagama shido.

Waxaa u dareerta xayn yar oo adhi ah, wuuse og yahay si walba in uu uga nolol wanaagsan yahay qoysas kadin geel ah iyo tirooyin adhi ah dareersada. Muddadiiba mar buu qorigiisa Ustarka ah qaataa oo kaynta ka soo dishaa goodir, ama biciid, dibtaag ama cawl, amaba gorayo. Marnaba ubadkiisa oon dux leh uma waayo. Subagga gorayada ee urtiisa qoyska lagu yaso, Seed Warfaa wuxuu hubaa in ay tahay dawada ugu waxtarsan ee ubadkiisa cudurrada ka difaacda. Duumo, qaaxo, xiiqdheer, hargab iyo aafooyinka la midka ah ee ay carruurta tuuladu goor walba u daadato, qaarna u dhintaan, cudurradaasi isaga minankiisa ma soo galaan. Kaneecadu carruurtiisa in ay qaniinto iska daaye korkoodaba kuma joogsato.

Dadka beesha waxa kab maas ah cagta ugu jirta intooda badani waxay ka soo baxeen labada gacmood ee Seed Warfaa iyo inamadiisa uu ka ugu weyni gugan labaatan jirsadey. Kabatolennimadu ma aha xirfad uu dhaqaale kala soo baxo oo keliya, mana aha dhaqan awoow oo uu sii waday oo keliya, waxayse u tahay farshaxan iyo fannaannimo ay naftiisu caashaqday oo ku raaxaysato. Marka uu saan weyn oo agtiisa duuban marba sar uu calaamadiyey mindiil af badan kaga soo jeexo, uu sii jaangooyo una egaysiiyo raad qof, uu mid kale iyo mid saddexaad sidii si la mid ah u qaabeeyo dushana iskaga wada nabo, uu kabatoli iyo suun dhuuban qaato oo saddexdii sarood tolan ku wareejiyo, uu suuman yara balballaadhan sarihii uu isku dhisay dusha kaga xidho musbaarrana ugu qodbo, uu cidhib iyaduna dhawr sarood ah gunta dambe kaga fadhiisiyo, uu suundambeed gadaal kaga wareejiyo, uu sidii ilmo uu dhalay cabbaar marba dhaban ka daawado, uu Aji cagaag dilooday cagaha ugu jufo, farxadda iyo liibaanta uu ka helo ma jiraan wax kale oo uu ka helaa. Run ahaantii markaas lacagta uskagga leh ee loo soo taago kama fekero.

*

Waa duhur kulul oo ay qorraxdu iyada oo qaawan cirka badhtankiisa dangiigto. Geedku waa jinaw weyn oo cufan caleentuna aad u hadoodishay. Hooskiisa waxaa hadhac qabow ka sii dhigay ciidda rayska ah. Waa ciid ay roobab isdabajoog ahi nadiifiyeen. Barni Seed jirridda ayey dhabarka ku tiirisay, labada lugoodna rayska qabow ku kala bixisay. Geedka xiga waxaa hoganaysa xayntoodii. Dhabta waxaa u saaran duub maydhax ah oo ay xadhig ka soohayso. Cod ay raalli ka tahay ayey ku qaadaysaa heeso cayaareed cusub oo degmada laga tiriyey. Heesaha ay qaadayso iyo maydhaxda ay soohayso midna kuma baraarugsana oo waxay ku maqan tahay duni kale. Laba dareen oo cadaw isu ah ayaa nafteeda ku legdamaya. Wejigeeda ayuu dagaalkaasi ka muuqdaa. Mar way muunsoonaysaa marna qamuunyoonaysaa. Dhalanteed ay dhex mushaaxaysey waxaa ka dhabqiyey sagaal jir geedka gadaal ka soo galay.

– Ayaanle, waad naga nixisaye waa la isa soo muujiyaa.

– Adigu fulaysanidee maxaad ka baqaysaa?

– Ma waxaad ka timid tuulada?

– Haa.

– Yaa joogey?

– Dadkii joogi jirey.

– Makhaayaddii Guure ma tagtay

– Haa.

– Yaa joogey?

– Dee dadkii joogi jirey. Yaa kale ee joogi lahaa?

– Odaygii Xaaji Aadan ma joogey?

– Haa, wuu joogey.

– Cartan-Dheere ma joogey?

– Haa.

– Yaa kale ee joogey? Warsame Geeddi ma joogey?

– Haa, isaguna wuu joogey.

Laydh farxadeed baa martay. Intaas baa deeqday. Magacyada kale oo dhami waxay ahaayeen raadgadasho ee ka u dambeeya ayey u dan lahayd, Warsame Geeddi. Waa ay aamustay oo inta ay inankii la fadhiyey illawdey mar kale riyo macaan dib u gashay. Dhibic weyn oo biyo ah oo geedka ka soo dhacday ayey dhabanka iska tirtay, yarkuna wuxuu mooday in ay ooyayso oo illin iska bi’inayso. Wuu eegayaa dareenkeedana fahmayaa. Marar badan buu maqlay dadka oo iyada iyo Warsame hadal haya. Marar badan buu maqlay rag Warsame kula kaftamaya: “Barni haddii Alle kuu geeyo, iska ilaali boqnaheeda iyo baabbacooyinkeedu in ay ku taabtaan!” Hadalkaasi isaga qudhiisa ayuu saamayn daran ku yeeshay oo taabashada ilmo Seed Warfaa wuu iska ilaaliyaa.

Mar keliya ayey qoftii isbeddeshay. Muddo ayey dhaqaaq oo dhan joojisay oo dhulka horteeda ah ku dhaygagtay. Haddana isaga oo yarku arkaya ayey duushay oo dabayl noqotay. Wuu waayey. Meeday? Halkii ay fadhiday waa cidla bannaan! Qoftii ma jin bay noqotay mise xanfalay baa qaadday?!

Yarkii waxaa ku dhacay argaggax. Wuxuu damcay in uu cararo oo beesha u qayliyo. Laakiin haddana waa tan halkeedii fadhida. Sidii buu dareenka wejigeedu liibaan iyo murugo isugu milan yahay.

Barni Seed way og tahay jacaylka ay Warsame Geeddi u qabtaa in uu yahay mustaxiil. Waxay jeceshahay ilaa heerka nolosha iyo dhimashada, haddana ugama duwana iyada oo jeclaatay wax aan jirin. Waa ay diiddan tahay oo ka niyadxun tahay xukunka iyada oo aan dhalan la saaray.

Warsame Geeddi isagu caashaqa uu Barni Seed u qabo cid kale iska daaye naftiisa uma qirsana. Wuxuu isu arkaa nin shil ku dhacay. Dadka kale qudhoodu dhab ugalama hadlaan. In qoyska sumcadda xun la jeclaadaa wax dhab loo qaadan karo loogana hadli karo ma aha. Yarka waxaa kaftan lagu yidhaahdaa : ” Barni Seed haddii Alle kuu geeyo, iska ilaali calaacalaheeda iyo boqnaheedu in ay ku taabtaan, haddii kale weligaa fakhri iyo cirirnimo ka bixi maysid.” Haa, sidaas ayaa la wada rumaysan yahay, isaguna rumaysan yahay. In uuse boqno iyo baabbacooyin iska ilaaliyo wuxuu ka door bidayaa in aan sideedaba Alle u geyn. Fakhriga iyo cirirnimada looga digayo waxaa kala weyn sharaftiisa iyo sharafta tolka.

Sidaas oo ay tahay, jacaylka daran ee naftiisa buuxdhaafay dartii maskaxdiisa waxaa joogto ugu soo dhaca feker uu ka acuudu billaysto. Wuxuu ka fekeraa isaga oo guursadey Barni Seed, dabadeed carruurtiisa abtiyadood noqdeen kabatoleyaal. Markaas inta uu yaxyax la dhidido ayuu qosolgariiraa oo sheydaanka iska naara. Sababtaas ayuu dareenka naftiisa ugu garaabi la yahay. Sababtaas ayuu Barni uga garaabi la yahay. Tallaabo taariikhda iyo dhaqanka degaanka ku cusub oo ay Barni Seed ku dhiirratey isaga ayey hiil uga weydey. Dharaar cad inta ay isa soo hor taagtey ayey ku tidhi: “Waan og ahay inta aan ku jecel ahay in la’eg in aad i jeceshahay. Haddaba maynu danteenna garanno oo isguursanno?” Isaguna inta uu si yasid leh u dhugtay oo muunsooday ayuu iyada oo halkii taagan ka dhaqaaqay. Run ahaantii wuu ogaa in uu dadnimadiisa iyo dookhiisa yasayo. Wuu hubey dunida qof Barni Seed kala weyn oo uu ka jecel yahay in aanay jirin. Iyaduse habeenkii xigay oo dhan waa ay ooyaysey. Waxay la ooyaysey murugo iyo ciil isku jira. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Goortu waa casar dheere aad u kulul oo dunidu inta ay dhalaashay isu rogtay dhaandabaggaalle. Waxaa la maqlay mashxarad dheer, haddana dhawr xabbadood baa cirka loo riday. Dabadeed aqalkii reer Seed waxaa ka soo baxay nin doob ah oo aan tuulada laga aqoon. Waxaa ka soo daba baxday Barni oo dhar cusub gashan. Waa ay ooyaysaa. Kor iyo hoosba waa ay u ooyaysaa. Caloosha iyo indhahaba waa ay ka ooyaysaa. Ilaa saaka aqalkooda ayey ka dhex barooranaysey, imikase baroortii waa ay ka daashey oo waxaa ku hadhay hiinraag iyo illin dhabannada qulqulaysa. Tallaabada dirqi ayey ku qaadaysaa. Waaba la riixayaa. Dad door ah baa cabbaar sii gelbiyey. Dadka sagootiyey waxaa ku jira Ayaanle. Qunyar qunyar ayey tuulada uga durugtay. Waxay ku baxday xoog iyo xanuun la mid ah ka ay naftu jidhka kaga baxdo. Ninku wuu ka horreeyaa oo isagana waxaa gelbinaya laba nin oo kale.

Markii laga soo wada hadhay tuulada laguma soo noqon ee waxaa la istubay debedda. Waxaa la sii eegay labadoodii oo bari qumman afka ku sii haya. Ninka waxay ka dambaysaa dhawr tallaabo, mana wada hadlayaan. Ugu dambayn waxaa la sii arkayey iyaga oo bankii kululaa ku fogaaday, oo dhex galay dhaandabaggaalle, una egaaday laba laamood oo dhaadheer. Waxay noqdeen laba malluugood, dabadeed waa ay libdheen. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Degdeg ayey qorraxdii u dhacday, waxaana soo weydaaratay dhaxan daran oo aan mid la mid ah hore loo arag. Waa la wada qadhqadhay. Qof waliba inta uu gadhka iyo lawyada isgeliyey oo huga isku duubay ayuu keligii meel yaxoobsaday. Sidii loo dhammaa waa la aamusay. Shib. Qof mid kale la hadlayaa ma jiro. Qof waliba mugdiga ayuu ku dhaygagay. Qof walba waxaad mooddaa qallad aan wax ka qabasho lahayni in ay ku gooniyaysatey. Haddana qalladda dhacday waxa ay tahay iyo sida ay tahay la islama qeexi karo. Ma in Barni Seed la guursaday oo dhul kale lala aaday baa? Maya, maya, caqligal ma aha. Maxaan caqligal ahayn? Ma in aanay dhicin, mise in ay masiibo tahay? Maxaan dhicin, maxaase masiibo ah? Weydiimaha caloosha wareegayaa afka kama soo baxaan. Waxba la islama qirsana ee qof walba isaga ayey u gaar tahay, sidii uu jacaylkeedu qof walba gaarka ugu ahaa. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Dad badan baa isku raacay habeenkaasi in aanu dhaxan badnayn oo keliya ee xataa hebeennada kale ka dheeraa. Sida uu waagu u soo raagey waxaaba la moodey in aan qorrax dambe soo bixi doonin. Wadaadka masjidku maalintaas eedaankii salaadda makhrib iyo kii cishe labadaba wuu illaawey. Maalmo ka dib waaba la isku khilaafay labadaa salaadood in la tukadey iyo in kale. Galabtaas kulul naftii sida xoogga leh tuulada uga baxday dib uma ay soo noqon; naf baxday ma soo noqoto. Farxad, kaftan iyo qosol maalintaas baa tuulada ugu dambeysey. Indhihii badnaa ee aqalka sumcadda xun eegi jirey maalintaas baa meel ay wadajir u eegaan ugu dambeysey. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Guri haddii aan lagu noolayn wuu cimri degdegaa oo dhakhso u daataa. Mutulkii reer Seed Warfaa iyo cariishkii kabaha lagu toli jirey beryahan waxay u eg yihiin hambo duni la rogey ka soo hadhay. Doog baa ka baxay, waxaana gala bisadaha iyo bahalaha hoose. Waxaa laga hayaa oo keliya laba xasuusoos: shakhsiyaddii adkayd ee Seed Warfaa iyo quruxdii inantiisa.

Sidii Barni Seed loo guursadey dhulkii ay ku dhalatay kuma ay soo noqon. Waxaan jirin sabab ku soo celisa, waayo reer Seed oo dhami iyada ayey sannad keliya ka dambeeyeen oo way ka daba hayaameen. Odaygii iyo islaantii iyada ayey dhulka cusub la degeen. Halkaas ayuu Seed Warfaa ka sii waday xirfaddii uu jeclaa. Wuxuuse ka niyadxun yahay raggii uu dhalay oo diiday in ay la shaqeeyaan. Saddexdiiba waxay noqdeen askar. Umadduna beryahan hadhuubraac ayey baratay oo kabaha loo tolo waxay ka jeceshahay kuwa loo soo dhoofiyo. Sidaas darteed shaqadiisa maanta nafci badan kuma qabo. Labadii hablood ee Barni ka yaryaraa qudhoodu waxay galeen magaalo, waxa ay halkaa ku qabaanna Allaa og.

Dharaartii ay tuulada naftu ka baxday waxaa laga joogaa laba iyo toban sano. Ayaanle wuxuu baabuur kaga degey tuulo aanu u socon hayeeshee safarku la maray. Wuu sii qorshaystay in uu ku dego, wuxuuna sidaa xalwad iyo nacnac. Waa galab. Albaab loox ah oo ay saboolnimo ka muuqato ayuu garaacay. Waxaa ka furtay cunug qiyaastii kow iyo toban jir ah oo aad u qurux badan, aad u faraxsan, hayeeshee arradan. Waxay ku dhex jirtaa kurdad duug ah oo faraqyo leh. Wuxuu weydiiyey magaceeda, waxayna ugu sheegtay Ladan. “Furuq ku dil, maxay qurux la soo kacaysaa!”

Ayaanle gudaha waxaa ku qaabbishay haweeney iyaduna sida yarta u qurux badan una arradan. Waa Barni Seed oo shan dhal ah. Yartii albaaka furtay ayaa curad u ah.

Carruurtii iyo dhawr kale oo deriska ahi markiiba waxay ku degeen xalwaddii iyo nacnacii. Qayladoodu waxay aad u dhabqinaysaa sheekada Ayaanle iyo Barni. Markii ay lahayd: “Kaalaya abtigiin salaama”, dheg uma ay jalaqsiin. Wuxuu isweydiiyey sababta ay abti ugu sheegtay, ee ay tusaale ahaan adeer ugu sheegi weyday. Malaha mar haddii ay isku degaan ahaayeen waxay ka soo qaadday walaalkeed oo kale. Malaha dadka ninkeeda la degaanka ah ayey carruurta ugu sheegtaa adeer iyo eeddo.

Goor dambe oo ay godolkii hore ee iswaraysiga kala maaleen, iyada oo ay indhuhu ilmo godladeen waxay tidhi:

– Waxaan maqlay Warsame Geeddi weli ma guursan?

– Haa, weli ma guursan.

– Waxaan maqlay waxaa diidday ina Xaaji Aadan?

– Haa, labada tii yarayd.

– Taas aniga ayaa kun goor ka qurux badnaa kana karti badnaa.

– Haa, waa la wada ogaa in aad ka qurux badnayd si walbana uga dadnimo sarraysey.

– Laakiin waa ay iga nasabsanayd.

– Ma rumaysni in ay laba qof dhalashada ku kala nasabsan yihiin. Qof waliba waa waxa uu yahay qof ahaan iyo waxa uu kasbado.

– Waan ku fahmayaa waayo mutacallin baad noqotay, waxaase jira dhaqan adag.

– Waa dhaqan abaadey oo aan maskax iyo akhlaaq ku dhisnayn.

Cabbaar ayey kala aamuseen oo midba xasuusta dhan u daaqgeeyey. Wuu hubaa in ay ka fekerayso Warsame Geeddi , iyo waayo waayo . Isaguna wuxuu ka fekerayaa nacasnimada dhaqankii uu ku garaadsaday , iyo dulmigii reer Seed Warfaa lagu hayey , iyo jacaylkii Barni Seed ee maadda laga dhigtay , iyo sidii uu isaga ilaalin jirey taabashada boqnaha iyo baabbacooyinka reer Seed Warfaa . Qudhiisu tuuladii waxba iyada kagama dambayn oo waxaa la geeyey magaalo iyo waxbarasho . Markii uu qaangaadhey ayuu ogaadey waxaasi in uu ahaa dhaqan liita . Gabadhii ugu horraysey ee uu beelaha la haybsooco ka bartay ayuu ogaan boqnaheeda iyo baabbacooyinkeeda u taabtay si uu isaga daweeyo cudurkii iyo cuqdaddii isaga oo yar la geliyey . Booqashadan qudheedu waxay qayb ka tahay dadaal uu denbidhaaf ku raadinayo .

Goor dambe ayey maskaxda dib u soo dheelmiyeen , iyada ayaana tidhi :

  1. – Weligii wuxuu ii jeclaa sida aan jeclaa si la’eg, sababtaas baan uga samri la ahay. Waxaan rajaynayaa guur la’aantiisu in aanay nabsi ahayn.
    – Isaga oo ku jecel haddii uu ku guursan waayey waa u doqonnimo.
    – Qudhiisa dhaqanka ayaa dabray.
    – Haddii uu geesi yahay dhaqan gaboobay uma dabranaadeen.
    Waa ay ooydey ilaa wejigeedu dhidid iyo illin la qoyey. Isaguna wuxuu ugu celceliyey ereyo garwaaqsi iyo calool adaygsiin leh. Wax badan ayey iska waraysteen, gaar ahaan tuuladoodii, wax badan ayuuna uga warramay. Wuxuuse ka qariyey Warsame Geeddi in uu bukaan noqday. Haa, uma uu sheegin sidii iyada loo guursadey ninkaasi in uu noqday qof maahsan oo aan la garanayn xiskiisu in uu dhan yahay iyo in uu dhiman yahay. Mooyi sababta uu taas uga qariyey. Malaha wuxuu diiddanaa sawirka ay xasuusta ka daawanayso in uu ka jeexjeexo.
    Markii uu Barni ka soo baxay Ayaanle aqalka hortiisa wuxuu ku sii maray yaryarkeedii iyo kuwo kale oo wada ciyaaraya. Wuxuu ka fekeray aayahooda iyo dhaqankoodu in uu ka duwanaan doono kii ay Barni Seed iyo Warsame Geeddi ku dhex barbaareen, jawaabse uma helin. Socdaalkiisii ayuu sii watay isaga oo leh: “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”
    Ibraahin Yuusuf Axmed
    E-Mail: Ibraahinhawd@hotmail.com