Barnaamijkeennii suugaanta Arbacada iyo dhugasho.
Maansadan waxa tiriyay Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Waxa uu si hufan u waaniyayaa gabadh Soomaaliyeed…. Laakiin waa mid gabdhaha oo dhan u taalla. Waxay la hadlaysaa guud ahaan hablaha ku sifoobay dhaqannada uu abwaanku ka dayrinayo. Waxay soo baxday October 2010. Wuxu yidhi:
Intaan xiisuhu ragaadin
Jacaylkuna raran cantuugin
Intaad rucubtiyo u eegtay
Rumaankiyo ubaxa deyrta
Ragguna kuu wada hanweynyey
Run baa lagu meel maraaye
Ha raygalin aayahaaga.
Wanaag ruuxii u jeeda
Waabay ruufada ha siinin
Dadkuna waa raasamaale
Riqiis yey kula ahaanin.
Xadkii raalliyo ha dhaafin
Xilkii hooyada ha riiqin
Khiyaaliga ha u raxlaynin
Baskaa roodhida dhigaaya
Ha fuulin sidii rakaabka
Rubbiyo beesadi ma goyso
Ruux nool sida xoolihiiye
hankaaga riyaal ha siisan.
sidii raha qayladaada
hadduu reeruhu ku tooso
waxaad rarataa habaare
karaahidu waa rasaase
cawrooy ka xishoo raxmaanka.
markaad rooshaan bislayso
haddaad rodol rodol u miisto
intaad ruqateed il-duufto
hadday jibbo kula rabbaasto
raqdaaduu haad cunaaye
rog rogo hadalkaan ku leeyey.
ha noqon riyo mala’awaala
ha noqon rudha iyo mid roorta
ha noqon rays iyo ris diida
ha noqon raas iyo rug seega
ha noqon rati heeryo daaqa
ha noqon midan cidi ku raynin
ha noqon ruush iyo maraykan
ha noqon rukunada iblayska
ha noqon ruugaamin booda
ha noqon sharafteed rukaasa
ruubaanada marin habaabay.
jacaylada roodhi kowda
jacaylada soo rucleeda
jacaylada soo riddee da
jacaylada raaf-dillaaca
jacaylada reer magaalka
intaasiba waa ma raagto.
ragguna waa wada raguune
inbaa raxan iyo libaaxa
inbaa riibiga la cayna
inbaa lafa-ruug ku caana
inbaa biqilkuun rifaysa
waxaa jira ceeb-rabbayste
hablaha rubad goyn yaqaane
ka hoyo roondada mirqaanka.
xanuunkii ruux-ma dhaafe
rooggii ha u dhigin casaaye
rooxaantii ladan wanjaaftay
barbaartay raad-gurtaaye
kolay ma-naxaa rasaysan
col-moog raaskaynu naalle
raadkaaga ka baaji dhiillo.
Rasmigu waa raas xalaala
Rarkiyo heeryada jacaylka
Reerkaaga lala sugaaye
Rugaha boodhka le ka dhawro .
Runiyo been lama maseeyo
Rafiiq dhabi waa xishoodka
Sidii ramadaan qof sooman
Dhawrsoonida sii raxayso
Kolay tahay raysma-gaadho
Asturo ruuneey jidhkaaga.
Mid dhaqankiisii ka rooray
Hidaha reer yurub la haysta
Surwaalkana hoos u riixay
Raamaaluhu yuu ku guursan .
hablaha sida roobla dhaca’a
shantaa faralkana rukuuca
iimaanyo iyo rogobna sheegtay
hablaha rucdigiyo nuxuusta
ruqseeyee samo ka doortay
safkaasaa rixin u fiican
geyaankuna wada rabaaye
kitaabka kuwaa la raaco.
Addoon rabbigii yaqaana
Raandhiis iyo aayatiin le
Rafaadkana kaa ilaasha
Kaa raaliya kuu riyaaqa
intaad raadiso ha waayin.
Da’ddii ana reestifaaga
Rabbaa oge waan ka weynay
Ka rooni darkaad I mooday
la yidhi doqon ririxanyootey
dhugmada sababuhu ka raaran
Ranjaan kula diidayaaye
Fadeexad adoon rabbaysan
Dhalleecadu yey ku raacin.