Abwaan Ibraahim Gadhle

Maanta oo arbaca ah waa barnaamijkii qaybta suugaanta.

Gabaygani waxa uu ku saabsan yahay dhibaatada xun

ee ay hablaheena u leeyihiin kareemooyinka la isku
caddeeyo (Bleaching creems) ee ka baddala midabka quruxda
badan ee maarriinka. Waxa uu abwaanku ku halqabsaday
Dr. C/shakuur Sheekh Cali (Jawhar) oo daraasad dheer
ku sameeyey halista caafimaad darro ee Creemadan u leeyihiin
dadka isticmaala. Wuxuu yidhi:-
Muran baa adduunyada ka jira amase maandhaafe
Marwo iyo ninkeedii maxaa maanta kala haysta!!
Maariin dhalaaliyo hablahaa madawga diidaaya
Ee wada maddiidee wejiga madhiyey diirkiisa
Maskax xumo kolbaa loo cabbaa mur iyo diibaaqe
Malab iyo nimaan kala aqoon midhaha waabayda
Isaguba kol buu Jowharoow dacar magaabshaaye
Haddii ay masiibada ogyiin mawdku daba joogo
Oo ay micnaha garanayaan mayn is mariyeene
Maxaa midabka dheehiyo hablii maanta kala haysta!!
Maaley qadhaadh iyo kuwaa morohda soo qooshtay
Sidi neef muqloobay lugaha kala maroorshaane
Maxaa kii murqaamiyo qof weyn maanta kala haysta !!