Soomaalida noocyadeeda qaab-nolaleed waxaa laga tilmaami karaa in ay u kala qaybsan yihiin;
Xoolo dhaqato (So’ maal)
Beeraley (Biyo maal)
Tumaal (Bir maal)
Xoolo dhaqatada
Soomaalida reer miyiga ah ee ku nool dhulalka oomanaha ah, ee waqooyiga, Bariga, goballada dhexe, koonfurta galbeed iyo galbeedka waa xoolo dhaqato reer guuraa u badan asal iyo eega la joogaba. Dhulalkan kala duwan een soo sheegnay, dadyawga soomaaliyeed ee ku kala nool, waa reer guuraa iyaga oo biyo iyo baad raadis ah ayay intaas oo masaafe isaga kala gudbaan sanadkiiba, waxayna u sii kala sahansadaan dhul daaqsimeed illaa dhul daaqsimeed kale si ay xoolahooda ugu soo barbixiyaan.
Soomaalida iyadoo badideeda wada xoolo dhaqata ah, ayay haddana ku sii kala caansan yihiin noocyada maysi ee la dhaqdo qaarkood. Goballada sida galbeedka soomaalida degta iyo goballada waqooyi waxay caan ku yihiin geela, goballada koonfureed siiba reer waameedka waxay caan ku yihiin lo’da, goballada dhexe iyo nugaasha illaa sool iyo cayn iyaguna waxay inta badan caan ku yihiin Nugulka. Hadba sida uu dhulku ugu kala habboon yahay ayay xooluhuna ugu kala badan yihiin goballada, waxaa dhacda in meel geela u roontahay, meella lo’da, meella adhiga, waxaana la helaa meelo carrasan ah oo xoolaha u wada roon ama seddexda maysi laba ka mid ah u roon. Waxa badanaa is raaca geela iyo adhiga oo ku noolaan kara meelaha biyahoodu dhaxdhaxaadka yihiin. Lo’da iyo ugaadha qaarkeed sida Biciidka iyagu waxay ku noolaan karaan oo kaliya meelaha biyo tarka ah.
Iyada oo ay bulshadu ku wada qanacsan tahay, mid walbiyo maysigiisa, haddana sida la isku wada raacsan yahay ama la wada aaminsan yahay, geelu waa maysiga ugu qiimaha wayn ee la isku tixgaliyo. Marka laga yimaado u dhaqashada caanaha, wuxuu geelu xoolaha kale dheer yahay rarashada taasi oo muhiimaddiisa sare u dhigtay. Geela caanihiisu waxaa lagu noolaan karaa cunno kale la’aanteed. Soomaalidu waa dadka kaliya ee adduun waynaha geela tixgalintiisa ugu mudan, maxaayeelay, soomaalidu awrta ma fuusho oo ma rukuubsato rarashada mooyeene, geela dhaddigna iskaba daa in ay fuulaane xitaa ma rartaan. Awrta soomaalidu way ku guuraan, oo aqalka iyo agabka, ruuxa xanuunsan, ruuxa waayeelay, carruurta aan socon karin iyo maqasha intaba way saaraan maalinta geeddiga la yahay, sidoo kalena way ku safradaan awrta oo raashinka iyo sonkorta iwm, baladka way kaga soo qaataan, balse waxaan dhacaynin in ay ku dagaallamaan ama ay ku oratamaan geela sida waddamada qaar.
Geela saantiisa oo iyana laga samaysan jiray kabo iyo xadhko, ayaa iyana ka mid ah faa’idooyinkiisa, balse intaan aan soo xusnay kaliya maaha waxa geela qiimaha u yeelay, se midda u cajiibsan waa geela oo dadka qiimihiisa lagu cabbiro, tusaale, marka nin la kala dilo, magtiisu waa boqol neef oo geel ah (100), dumarka magtooduna waa konton (50) neef oo geel ah.
Geela qiimigiisa iyo tixgalintiisa sare awgeed, wuxuu sahlayaa is dhexgalka bulshada iyo dhaqanka ee qabaa’ilka kala duwan. Sidaa darteed, kala guddoomidda;
-Magta
-Mawlaxada
-yaradka
-Gaadiid-ceshiga
-Irmaansiga
-Kala qoodhsiga awrta
Waxaasi oo dhan oo ku lug leh, intifaacsiga iyo xidhiidhka bulshada ayuu geelu madax dhig u yahay. Marka la yidhaahdo dhanka guurka wakhtigan la joogaba reer miyiga saldhiggiisa ugu horreeya ee uu guurku ku hirgalayo waa in geel laga guddoomaa horta hore, kadib ayuu xidid iyo qaraabo wanaag meesha ka dhalanayaa.
Si kastaba ha ahaatee, kala xadaysnaanta dhaqameed ee seddexda maysi loo kala xadeeyay, marka geelu joogo heerkaas aad soo aragtay, adhiguna wuxuu ku jiraa kaalin uu raggu ka faano oo wax hammi iyo xiiso ah uusan sida geela ugu qabin, waxaana si caado ah loogu tixgaliyaa in uu adhigu haweenka iyo carruurta uun khuseeyo, marka la yidhaahdo;
-Lismadiisa
-Qaliddiisa
-Raaciddiisa
-iyo dhaqaalihiisa guudba.
Aragtidan ama ha khaldanaato ama ha saxnaatee, waa aragti soojireen ah, oo ay soomaalidu ku soo dhaqmi jireen. Waxaad ka garan kartaa in adhigu dumarka ku shuqul leeyihiin marka soomaali ahaan laga hadlayo, suugaanta ummada. Bal u fiirso, xagga maahmaahyada ugu horrayn;-
_Geel xeradii waa gun iyo geed (Oo loola jeedo, geel xeradii waa rag iyo ra’yi)
_Adhi xeradiisu waa nur iyo naag ( Oo loola jeedo, adhi xeeradii waa haween iyo sano fiican).
Bal xagga gabayadana, waxaa la yidhi, waa baa madaxwayne soomaali ah, farriin u diray gabyaa caan ahaa oo miyiga joogay in uu magaalada ugu yimaado. Markii gabyaagii farriinta loo geeyay oo loo sheegay in uu madaxwaynuhu u yeedhayo, ayuu ma uusan aadin madaxwaynihiye, wuxuu u diray gabay uu ku muujinayo kuna faanayo in uu ka doorbiday geeliisa oo uu maalintii iska dhex jiifo inta uu magaalada iyo xumaanteeda soo aadi lahaa. Gabyaagaasi ayaa inta gabayga arartiisa ah wuxuu ku sheegayaa in xoolaha kale aysan geela u dhigmin, wuxuuna yidhi;-
Hadaan adhi mareegaha u xidho oy maqashu waynaato
Oon maydhan raaxsado waxaad man iyo caws mooddo
Oon maamulkiisii u galo maysi wuu yahaye
Waxay naago soo malax liseen maanku qaban waaye.
Waxaa kale oo jira, heesaha ay gabdhuhu adhiga ku daajiyaan ee “geeraar adhiga” loo yaqaanno, waxay gabdhuhu leeyihiin adhigaa geela ka fiican iyagoo leh sidan;
Markuu xagar cuno
Xag madheedh cuno
Xumba gibillow
Geel ma xoolaa?
Xoolo maahoo
Xalay fiidkii
Baa la soo xaday.
Sidoo kale waxaa haweenka lagu tixgaliyaa, inay ilaalintooda xil iska saaraan, xoolaha aan guriga ka dheerayn, sida;
-awrta
-Nirgaha guriga jooga
-Neefka jirran ee guriga jooga
-Neefka dhalay ee geela laga soo reebay.
XERRAADKA XOOLAHA
Waa xoolaha oo reerka laga raro, meelaha cidlada ahna looga xera dhigo, si ay qummaati ugu soo barbaxaan.
Geela marka uu xerraadka yahay waxaa la dhahaa (Harwayn)
Lo’du marka ay xerraadka tahay waxaa la dhahaa (Bulsho)
Adhiga marka uu xerraadka yahay waxaa la dhahaa (Adhi-xer)
Haddaba waa su’aale, geela yaa xerriya, adhiga yaa xerriya, lo’dase yaa xerriya, ma rag mise dumar, mise isku jir?
GEEL XERRAADKA (Harwaynka)
Marka geela reerka laga rarayo, waxaa reerka loo reebaa dhawr halaad oo irmaan la xulay ah, geela intiisa kalena waxaa xerriya rag dhallinyara ah oo yaryar iyo waawaynba isugu jira, dumarna waa ka mamnuuc yar iyo waynba in ay raacaan, laga yaabee hooyo waayeel ah oo caafimaad ahaan iyo caanaha geela u dan leh in mararka qaar lagu arko iyadoo geelasha harwaynkaa la socota, waase dhif dhif iyo dhurwaa dharaar ciyay iyadana.
LO’ XERRAADKA (Bulshada)
Inta badan lo’du waxay xerrataa xilliyada roobku saranseermo ee sanadu in ay xumaato laga cabsi qabo. Lo’da waxaa xerriya dad rag iyo dumarba isugu jira oo dhalliyaro ah, oo ama is yaqaanna ama aan is aqoonine wehel ahaan uun isugu lug daray. Sidaas awgeed, cayaaro rag iyo dumarba leh ayaa markastaa u suurawda in ay dheelaan lo’jirku, waana sababta “Bulsho” loogu magacaabay.
ADHI-XERTA
Adhigu wuxuu xerradaa oo kaliya xilliyada abaarta daran ay jirto, waxaana xerriya dumar waawayn iyo yaryar isugu jira, oo tira yar, iyada oo la eegayo nolasha maciishadeed ee inta adhiga xerrinaysa ku filaan karta iyo wakhtiga abaarta ah oo iyana ku xisaabtankeeda leh. Wakhtiga uu adhigu xerranayo adaygiisa awgeed, waligood uma suurtagali karto in ay bulsheeyaan oo ay helaan dad la cayaara, iyaga dhexdoodana sidoo kale uma suurtagasho in ay cayaaraan hadh iyo habeenba, taasina waxaa sababaysa xilliga uu adhigu xerrado oo ah xilli dad iyo duunyaba loo yaaban yahay abaar darteed.
Si kastaba ha ahaatee, adkaysiga nolaleed ee Alle ku mannaystay dhallinyarada aan wali guursan, ayaa mar walbaaba loo baxsan jiray, oo lagu ciil bixi jiray, iyaga oo ahaa quwadda koobaad ee xagga wax qabadka looga faa’idaysan jiray. Dhallinyaradu waxay ahaan jirtay, kuwa hawlaha ad adag lagaga nasan jiray, tusaale ahaanba;-
-Geeddi galinta cidda iyo raridda reerka
-Oodidda cidda
-Shubidda (Waraabinta xoolaha)
-Daajinta iyo dhaqaalaynta guud ee xoolaha
-Ceel qodidda
-Xerrinta xoolaha
-Difaacidda naf iyo maalba
-Sahaminta iyo saqaafaynta iwm.
Waxaas oo dhan ayay dhallinyarada reer miyiga ah u qaabbilsan yihiin illaa iyo hadda, wixi intaa ka soo hadhay ee reer dhaqashadii ah waa uun seddex, seddexdaana waxaa iska leh odayaasha oo dhallinta shaqo kuma laha, waana seddexdan;-
-Talada
-Farsamada
-Go’aaminta
Inta aan soo sheegnay ee ay dhallintu qabato oo dhan, waxay hoos imanayaan seddexdan hab ee odayaasha. Tusaale ahaan ila eeg;
Talada odayaasha;
_In la guuri iyo in la nagaan, (Iyagaa ka tashan)
_In la sahmin iyo in kale, (Odayaashaa ka tashan)
_In xoolaha iyo reerka la kala rari, oo ay xooluhu xerradaan iyo in kale, (Odayaashaa ka tashan)
Go’aaminta odayaasha
_Waa la guuri, waa la nagaan (odayaashaa go’aamin kadib dhallinyartaa hawsha la wareegi)
_Waa la sahmin, la sahmin maayo (Odayaashaa go’aamin, ficilka dhinyartaa la wareegi)
_Xoolaha waa la xerrin, la xerrin maayo (Odayaashaa go’aamin, falka dhallinyartaa leh).
XAGGA FARSAMAFA ODAYAASHA
_Ceelka meeshan ka qoda, dhallinyaroy
_Xoolaha sidan u ooda, dhallinyaroy
_Xoolaha meeshan baa u roone, meeshaa waa carra xune ka duwan, dhallinyaroy
_Habkaas u dagaallama, dhallinyaroy, iwm, Waxaas oo dhan waa farsamada xeeladeed ee odayaasha ficilkana waxaa fuliya dhallinyarada.
Waxaa haddaba jira farsamooyin odayaasha u gaar ah oo ficilkooda uun ku fulaya, oo aysan dhallintu shaqo ku lahayn, tusaale ahaanba;
-Qoridda weelasha
-Guditaanka carruurta
-Samaynta aqalka (Oo haweenka waawayn u gaar ah)
-Ka dhalinta dumarka (Oo haweenka waawayn u gaar ah)
-Sancaynta iyo buullaynta nabarrada
-Kabidda lafaha
-Dawaynta cudurrada
-Xallinta khilaafaadka
-Maquuninta ganaaxa
-Ergaynta
-Araaraynta (Dhaxdhaxaadinta laba dhinac oo dagaal ka dhexeeya)
Hawlahaas iyo hawlo la mid ah oo badan ayaa duqayda rag iyo dumarba leh, u gaar ah oo aan dhallinyarada lagu hallayn karin.
HAB U DHAQANKA GEEL-JIRAHA
Inkasta oo uu geelu ka hawl badan yahay xoolaha kaleeto, haddana wuu ka dheef badan yahay, sidaa darteedna, waxaa xerrin kara dhallinyaro rag ah oo koox ah, haddiiba la helayo mararka qaar.
Raggaas geel jiraha ah waxay u kala qaybsanaan jireen laba qaybood oo kala ah, madaxwayne iyo daba-dhoon.
MADAXWAYNAHA GEELA
Waa geeljiraha inta waawayn ee talada geela markaas hoggaaminaya, Shaqadoodu way sahmiyaan oo meelo fog fog bay geela ugu sahmiyaan, way saqaafeeyaan oo meelaha dhaw dhaw bay geela uga sii horreeyaan, Sidoo kale way daqaqamaan oo wixi reera ah ama wixi dad ah oo meelaha ka shanqadhaya ayay ku leexdaan, si ay uga soo xog waraystaan carrada in ay waraabe leedahay, in ay daw leedahay, in aad loo daggan yahay, in ay biyo leedahay iyo in ay baad leedahay iwm, waxaas oo dhan ayuu madaxwaynaha geelu u xilsaaran yahay. Sidoo kaleeto waxay awood u leeyihiin in ay iska shukaansi doontaan, oo reeraha meelaha ka dhaw gabdhahooda iskala soo sheekaystaan, in ay habeenkii guuraan oo cayaar gudaan, in ay caano la tagaan oo ay meelaha tuulooyinka ah u shaah doontaan, waxaas oo dhan ayay kuwa madaxwaynaha ah u madax bannaan yihiin.
DABA-DHOONKA GEELA
Daba-dhoonku waa kurayda yaryar, iyagu laguma halleeyo in ay geela ka dhex baxaan, kii isku daya in uu meelaha soo marmarana wuuba habaabi oo dhirta iyo hawdkuuba ku salali, marka daba-dhoonku shaqadiisu waa in uu geela maqallayda ah inta badan ku dhex jiro, sidoo kale alaabta geela loo wato ilaaliyo, sida;
-Dhiilka
-Maqaarka
-Gudinta
-Qallaca
-Dabarka ritiga habeenki geela lagaga dabro iwm.
Hab u dhaqanka geel jiraha
Way bulsheyn jireen iyaga oo aan wax dumar ah ku jirin, waxay lahaayeen cayaaro iyaga ragga ah u gaar ah oo aan looga baahnayn wax dumar ah. Maalintii inta badan waxay ku mashquuli jireen daajinta iyo ilaalinta geela, inta uu geelu xerada ka maqan yahay uma suurtagali jirin wax habayaraadee baashaal ah. Balse marka ay geela xerada ku hubsadaan habeenkii oo ay tiriyaan nabadna ay ku ogaadaan, ayay isugu imaan jireen meelaha bannaanka ah ee geela gorkiisa ah. waxayna cayaari jireen ciyaarahan sida;
-Golay taabadka
-Golay xoogga
-Lagdinta
-Jeeljeelka
-Xidilmaalmaynta
-Dheesha iwm.
Inta ay golaha jiifka ku sugayaan geela xigtiisa, waxay maaweelo ahaan ugu cawaysimi jireen, luuq dareen qurxoon ku ladhan tahay oo loo yaqaanno “Jiib”. Jiibtu waxaa ku luuqeyn jiray oo midhaha tirir jiray hal nin oo cod wayn, inta kalena way u jiibin jireen. Tusaale ahaan waxay dhahaan:-
_Rabbigaa run igu jeceloo
Ma rabo meelaan geel ka reemayn.
Q/r. Maxamed Sheekh Shaafici (Af-guun).