Maansada Tahriib waa erayadii Abwaan Axmed C/laahi
(Axmed Fartaag)……..
(Axmed Fartaag)……..
Waxa aad ka tagaysaa tii aad u dhalatoo
Waxa aad tagaysaa tukaloon lagaa rabin.
Waxa aad tagaysaa tukaloon lagaa rabin.
Waxa aad ka tagaysaa tii aad lahaydoo.
Waxa aad tagaysaa tukaloo rag leeyahay.
Waxa aad tagaysaa tukaloo rag leeyahay.
Ninka tiisii soo qubay Yurub kuma tisqaadoo
Qofka tagay dadkiisii mid kalena wax kuma taro.
Qofka tagay dadkiisii mid kalena wax kuma taro.
Meel aan lagaa tabin meel aan laguu tudhin.
Tolimiyo walaal jirin cidi kaa tix galinayn.
Tolimiyo walaal jirin cidi kaa tix galinayn.
Tiisuu hagaajee tacab gali dhulkaagoo.
Adna taada meel mari tamartaada muune.
Adna taada meel mari tamartaada muune.
Nafta lama tigraaroo halis laguma tuuree.
Dhalinyaro kuwii tagay sawkii tukuu cunay.
Dhalinyaro kuwii tagay sawkii tukuu cunay.
Taraabilis kuwii galay toban tobanka loo xidhay.
Intoo dhabi lagu taxay waatii la soo tumay.
Intoo dhabi lagu taxay waatii la soo tumay.
Halkii aad ka timid iyo tiinii ku laabtoo.
Tani inama qaadee taga baa la soo yidhi.
Tani inama qaadee taga baa la soo yidhi.
Tabaalaha qurbaha yaal tiro laguma koobee.
Talyaanigu dhibkuu baday iska tuure fooqyada.
Talyaanigu dhibkuu baday iska tuure fooqyada.
Xabsi loo taxaabiyo tarxeelkii Sacuudiga.
Tabta Yamani leeday tacdiga carbeed arag.
Tabta Yamani leeday tacdiga carbeed arag.
Waa lays tilmaamaa aan talo ku siiyeee.
Tan waxaad ka waydana taa kama helayside.
Tan waxaad ka waydana taa kama helayside.
Waxba hays tukhaan,tukhin bada haysku tuurine.
Ha tahriibin ee joog ,tanaad adigu leedeee.
Ha tahriibin ee joog ,tanaad adigu leedeee.
Xigasho: http://arabsiyoweb.blogspot.com