Aad ayey gabadhii ii qurxisay waxayna ii sartay cilaan aad u quruxsan waxalay xiray taaj waxa la garay saacadii galbiska waxa ii imaday habaryartay iyo gabdho ka socda dhanka dariskanaga waxay ii shegeen inay ii wehel yeelayaan waxaan anigu ahay qof aan markaa hadlaynin oo taladeediiba baahsantahay mana ooyi kari oo indhahayga ilmadii ka dhamaatay. waxay sheekaystaan dadkii arooska u imaday oo ay qoslaan farxadna muujiyaan anigu waxaan ku jiraa mowjad aad u muruga badan waxaana ka sii fikirayaa qofka lay wado ee laygu qasbay waxa aan kala kulmi doono iyo nolashaydu siday noqon doonto.
Waxaa la keenay gariyaal badan inkastoo anan gariyadaas tiro ahan garanaynin intay ahayeen hadana sawaxan koodu ma yareyn. waxaa lay saray gaari kuwa raaxada ah waxaana ila soo galay gabadha malxiisada ii ahayd iyo habaryartay. aniga waa lay mamulaya gacantaa lay qabanayaa waxan ahay qub sidii la rabo laga samaysanayo waxaana la billabay in nala wareejiyo magaalada kolba dhan kaga nimaano anakoo baabuur badan wadana hadana intaas hoonka baaburada yeerinayna aniga waxaan ahay wali qub oo mahadlo ma faraxsani meel la socdo ma eego dadka qayladooda xataa ma siinaayo dareenkayga balse nolashan aan galay ayaan ka fikirayaa sidaan uga bixi lahaa.
Waxaan soo garnay gurigaanagii oo malaha la rabay in aniga hooyaday ila yara dardaranto lana soo raciyana alaab aniga lay soo gaday iyo oodkicii arooska ama calob sidad u taqananba waxaan markii gurigana soo garnay irrida iga furtay gabar anan markaa garanaynin ciday ahayd iyo wajigeeda waxayna i qabatay garabka. buraanbur iyo qaylo ayaa laysku daray haweenki meesha joogay aniga waa lays ka kay wataa waxaan soo galay qol aan anigu seexan jiray oo hooyaday eedaday iyo habaryartay joogaan waxayna i dhaheen soo fariiso sarirtan dusheeda waan fariistay wana na loo kala banneeyey guriga intanaadii waalidka isku ahayd ma ahanee.
Hooyaday waxay i dhahday hadalkan “Hooyo guurku waa waxaan u wada joogno hadaynan dhiman, caawa waxaad tagaysaa guri aan kaaga ahayn, waxaad la dhaqmaysaa dad aadan waligaa arag oodan aqoon, hooyo dabeecadahaga ha noqdaan kuwo leh dulqaad iyo daganan leh, hooyo ninkan aad hada xaaskisa tahay ka dadaal u noqo nolal uu ku raxaysto oo uu ku dago, hooyo hadalkaga oo wanagsan ma ahee xumaantada yeysan ii imaan, hooyo noqo gabadha ka adkaata reerkeeda, hooyo waanku duceeyey oo waanu ku jecelnahay ee noqo baarriyadaan soo koroyee ii dhaga nuglayd, hooyo nolashada reernimo ha noqoto midaad ku faraxdoo ku noolaato inta nolashada ka dhiman, hooyo waxbo ha ooyin oo hays ciilkaambiyin nolashada meel wanagsan ayey gashee aabahaa walaalaha iyo waalidkaaba way kuu soo duceeyeen, hooyo iskaa wax u qabsoo noqo mid qoyskeeda ka adkaata.
Habaryarahay iyo eeddaday ayaa ayakuna hadalo dardaaran guri ah i soo jeediyey, waxayna inta badan igala hadlayeen inan ninkan ku qanco oo waxbo samaynin noqdana qof hada kadib odaygaas ma ahe meel kale aadin, waxay ka baqayaan inaan meel u baxsado ama nolashayda wax ku sameeyo, balse aniga nolashayda wax go’aan ah maysanba gaarin waxaan ka fikiraaya uun waa nolashan farxada aan lahayn een galay, balse wax kale nolashayda wali maysanba ka fikirin hoyaday iyo waalidkayna waxay ii shegayaan waxay ku dhacayan dhagagayga oo qura, balse qalbigayga uma daadagayaan waayo way i jujubayaan cid nolashayda wax iga waydiinaysa malahaan waxay rabto.
Waxaa la gaaray sacadii lay gayn lahaa gurigaygii, waxa i soo qabtay garbaha habaryartay iyo Eedaday oo i galbinaya, waxayna i saareen gaariga dadka madashaas arooska joogay waa ay wada mashxaradayeen, wayna buraanburayeen waxaana ku dhacnay dhanka iyo waddadii gurigaygu ahaa halkaas waxaa nagu sugayo dad farabadan oo ka qayb galayaasha arooska ahaa inkastoo anan dadkaaba danka lahayn farxaday dareemayaana anan anigu dareen sanayn hadana waxaaba ahaa qub iska socda oo layska wato.
Waxaan wareeg dheer markale ku soo galnahay goobaha magaaladu ugu bilic qurxoontahay, dadkuna ay wada joogaan waxaana inta badan dadku istagayeen waddada geesaheeda ayakoo eegayo gaariyada badnidooda iyo dhawaaqa ama sawaxanka dadka saaran gawaarida waxaa na horsocda marna gadaal naga maraya marna dhinac gaari kale oon malaha is iri waa kaloyanyo oo lacag lagu siiyey inuu duubo arooska iyo hadba meesha aan marayno, run ahaantii aroos wanaagiis waa uu ahaa arooska lay dhigay, balse horaa waxaa loo dhahay cunto aadan ku qanacsanayn cunisteeda, haday xataa lacag qaaliya ku fadhido, waxaa ka wanaagsan cunto aad ku qanacsantahay oo lacag yar.
Waxaan soo galnay gaariyadiina soo istageen gurigii aroosku ahaa oo laygu galbin lahaa ninka lay siyey dibada uu ka imaday waxa uu ahaa nin Alle maal u dhiibay dadka faraxsan ee durbaanka tumaayo waxaa ku jira ilmihiisa waawayn qaar aniga waa i dhali karaan, balse aniga maxaan sameeyaa calafka sidaas sameeyee, ciilku badanaa, calool xumadu waynaa, waxaan soo saaray cagta roog guduudan oon ku arki jiray in madaxwaynayaasha loo dhigo oo kaliya ama dadka la sharfaayo qaylada buraanburka mashxarada oo dadkii ugu yaqana mashxarada laysku keenay ayaa wada jooga, goobtaan waxaan soo socdo oo ubaxyo iyo wax birbirqayo laygu dadsho waxaan markii danbe soo gaaray halkay yaaleen kuraasta aanku fariisan lahayn aniga iyo ninkayga, waxaan salka saaray kursigii waxaana cabbaar la waday buraanburka waxaa istagay halmar dhawaqii oodhan waxaa la daaray laydhadh badan waxaan galnay amusnaan, waan naxay maxaa dhacay ayaan isdhahay ileen xajigayga ayaa soo galayo goobta oo guriga ku jiray waxaana la daaray heeskan oo halmar dagahayga qabsaday dadkoo dhanna ay carabka kuwada hayeen.
“Taan haween ka tusmaytaay
Nacab tabqaadoo
Talo kaama haboowdo
Guri kaama tasoobo
Tafan-toof iyo baahi
Midna kuma timaado
Rabi toogada xooga
Taaga kaama yaxuubsho
Tacabkaa ma qasaaro
#Xawa_Luul kama qasaaro”
Heeskaas ayaa dadkoo dhan kawada dhigay kuwa isku mashquulay oon cid iska taagan aysan jirin, waxa la soo dadaheeyo sidii ciyaalkii odaygayaga ayaa waxa la keenay agtayda kursiga igu xiga, waxaana aniga iska noqday qob meesha iska fadhiya maxaa dad meesha iskugu imaaday sawirkaas waxaad ka garan karta aroosyada dadka qaniga samaystaan sida madashaas tahay oo kale ayuu ahaa arooska.
Wax la ciyaaro oo la heeso waxaa la gaaray wakhtigii la jari lahaa keegga ama toortada arooska waxaana la daaray hees jawo dagan, waxaana labadasnadiba wada i maanay madashii uu yalay keegga oo markaas laga soo saray guriga gudihiisa waxa dhacday in markii iigu horaysay odayga uu qabtay gacantayda wuxuuna idhahay “Xabiibi keen gacanta aan si wada jir ah u jarnee keegga” aniga hadalkisa ma u dhigin dhag balse asaga qabsaday oo mindida u dhibay kadibna si wadajir ah ayaan ku jarnay kadib waxa uu galshay afka inyar oo keega ah anna sidoo kale waan u galshay ileen xaajo mudhuxdayee waxana markale la daaray hees kale oo midhihiisa aan ka xasuusto.
“Waxaan toos loo arkaynin
Anigu ma tibaaxayee
Waxaanse tiraabayaa
Tusmada reerkaa unkamay
Inuu taariikhda galay
Arooska taabagalay
Allow kii lagu tarmee
Farxadna lagu taransadee
Taagnaado allow kayeel
Allow ilahoow kayeel”
Indhahayga ayaa halmar waxaa ku soo istagay ilmo aan yarayn, balse waxaan ka baqay in ilmadaas wada arkaan bulsha waynta meesha iskugu timid waan celshaday oo uurka ayaan ka ooyey heesaha lay darayo madasha quruxdabadan iyo naftaydu siday u oynayso una dhibantahay ayaan isku mid ahayn, waxana la gaaray gaba gabadii arooska iyo sagootinkii dadka iyo anakoo arooska aha la sagootinayo qofkasta waxa uu la soo baxay moobeelkiisa waxana uu qatay sawir aniga iyo odaygii oo isla fadhina waxa qofkastaba doonaya waa inuu arooskan qaaliga ah dhigtay odaygaas una dhigay gabadhaas uu guursaday dhigo barta ay bulshadu ku kulmaan ee FB-ga waana dhacdaa in aadba arooskas ada aragteen oo hada aynan xasuusan waxaan dadkii dhahen halmar “Aroos lagamana raago Lagumana Raago” waxaana markii dadki wada daalay gabagabadina timaday nalagu sagootiyey hees aad u soo jiitay dadwaynihii waxayna dhahaysay heeska.
“Hadduu guur magac lahaa
Macniyo quruxdiis lahaa
Milgiyo hido raac lahaa
Jacaylka midoobay
Waxaatihiin laba mulkiyay
Ilaahala cash lahaa
Waxaa marageeda furay
Maamuuska idiin dhiciyo
Murtida suugaan laxulay
Waxaad mudateen aroos
Meeqaam sare loosharaxay
Taariikhdana meel ku qoran”
Waxaana wada galnay heeskaas oo socota qolka jiifka aniga iyo odaygaygii, Alla murugto waynaa ma aqalkan baa laygu cidlayni doonaa, dadki soo kan i macsalamaynaya.
Halkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. Lasoco qaybta 7-aad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
By Zubeer Haybe.
GUUR-SATAYEE MAXAAD UURKA U XAADHAY.