Maxamud Cali Beenaley

Haweeney u dhaxday Maxamuud oo uu xilliga uu gabayga tirinayo dhaliilsanaa asii ubad badan u dhashay ayuu gabaygan u tiriyey.  Waano, canaan, caqli celin, cagajuglayn iyo ujeedooyin badan oo isku jira ayuu ku leeyahay. Wuxuu yidhi:
• Naagyahay wadnaha kuuma galin, waanadii hore’e
• Weedhaan qalbiga kuugu riday, walafku kaa qaadyee
• Wacdigaan ku faray waadigaan, wagare xaalayne

• Hadaan Weyne kaa qaban asaan, Waaxid kaa celinin
• Walaaliinta ubadkaaga waa, lagala weecdaaye
• Kaa waayay wiilkaaga ood, sidato waa noole

• Waayeel cirro leh weedh xun waa, lagala wabtaayee
• Kaa waayay inaad waalidkay, wax u lilaysaaye

• Wehel culimo kama maarmi karo, aniga oo weyne
• Kaa waayay waysada inaad, wali u qaadaaye

• Dhalinyaro walaanshayi hadaan, waabka soo galiyo
• Kaa waayay meel wacan inaad, wagac u siisaaye

• Xigta Weehad laga soo lisiyo, Waris dhanaankeeda
• Kaa waayay weel culan inaad, wax igu siisaayee

• Uskagaa wadara oogadaan, lala wildhaamayne
• Wajigaa la maydhaa markay, waabarkii tahayee
• Ma widhwidho jidhkaan lagu wadayn, weelka dhaashiga’e
• Kaa waayay weligay inaan, waana kuu bogo’e…

Xigasho/Doollo.com