Maxamud Cali Beenaley

 

Haweeney u dhaxday Maxamuud oo uu xilliga uu gabay tirinayo dhaliilsanaa asii ubad badan u dhashay ayuu gabaygan u tiriyey. Waano, canaan, caqli celin, cagajuglayn iyo ujeedooyin badan oo isku jira ayuu ka leeyahay. Wuxuu yidhi:

Naagyahay wadnaha kuuma galin, waanadii hore ee
Weedhaan qalbiga kuugu riday, walafku kaa qaadyee
Wacdigaan ku faray waadigaan, wagare xaalayne

Hadaan Weyne kaa qaban asaan, Waaxid kaa celinin
Walaaliinta ubadkaaga waa, lagala weecdaayee
Kaa waayay wiilkaaga ood, sidato waa noole

Waayeel cirro leh weedh xun waa, lagala wabtaayee
Kaa waayay inaad waalidkay, wax u lilaysaaye elaysaaye

Wehel culimo kama maarmi karo, aniga oo weyne
Kaa waayay waysada inaad, wali u qaadaaye

Dhalinyaro walaanshay hadaan, waabka soo galiyo
Kaa waayay meel wacan inaad, wagac u siisaaye

Xigta Weehad laga soo lisiyo, Waris dhanaankeeda
Kaa waayay weel culan inaad, wax igu siisaayee

Usgagaa wadara oogadaan, lala wildhaamayne
Wajigaa la maydhaa markay, waabarkii tahayee
Ma widh-widho jidhkaan lagu wadayn, weelka dhaashiga e
Kaa waayay weligay inaan, waana kuu bogo ee …