Maxamuud Axmed Cali waxa uu ku dhashay gobolka Togdheer, degmada Burco
hilaad ahaan kala guurkii labadii qarni ee tegey (dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad). Waxa uu Maxamuud waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay magaalada Berbera dugsi ku yaalley oo wax lagu bari jirey arday isugu jirtey Carab iyo Hindi. Waxa uu ka mid ahaa arday fara-ku-tiris ah oo soomaali ah oo dugsigaas loo oggolaaday. Sannadkii 1919-kii waxa waxbarasho loogu diray waddanka Suudaan, waxanu tacliintiisa ka bilaabay magaalada Khartuum kulliyad lagu baran jirey macallinnimada oo loo yaqaanney Bakhta Al-Ruda. Dhammaadkii tobanlihii 1920-aadkii ayaa Maxamuud Axmed Cali ka soo laabtay waxbarashadaas.
Markii uu Maxamuud Axmed Cali waxbarshada Suudaan ka soo laabtay, waxa uu noqday shaqaale dawladeed. Waxa uu Maxamuud ku baraarugsanaa ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, waxanu ka dheregsanaa oo fahansanaa khilaafka dhex yaallaa soomaalida iyo maamulayaashii gumaysiga. Sidaas darteed, waxa uu ka fekerey in ubadka soomaalidu ay helaan waxbarasho ka duwan taas fashilantay ee gaaladu hormuudka u ahayd. Waxa uu isku taxalujiyey in gumaysigu taageero u fidiyo rugihii waxbarashada ee soomaalida oo ahaa malcamadihii qur’aanka, si la isugu soo taago oo ubadka loogu oggolaado in ay ka qayb qaataan barashada aqoonta kale ee caadiga ah oo Maxamuud Axmed Cali uu gadh-wadeen ka ahaa. Waxa uu Maxamuud Axmed Cali la noolaa dadkiisa, waxanu hiil u ahaa, una taagnaa sii horumarintiisa. Waxa uu daba joogey dedaalkii soo taxnaa ee Sh. Yuusuf Kownayn ee Alif wax maleh, Ba’ hoos taalle ama Alif la’ kor-dhabey, Alif la’ hoos-dhebey, Alif laa godey, waxanu ku qanacsanaa in hore halkaas looga sii heetiyo oo tallaabo kale la sii ruqaansado.
Maxamuud Axmed Cali waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u koray in uu aqoon ku ababiyo ubadka soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa goobihii waxbarashada lagu siin lahaa ee la isugu keeni lahaa marka ay malcamadaha ka soo aflaxaan. Maxamuud waxa uu geli jirey safarro dhaadheer si uu u soo ururiyo carruur waxbarashadaas ka qayb qaadata. Waxa uu kaxaysan jirey rakuub (awr la fuulo) ama faras, waxanu dhex mari jirey dhulka daaqsinka ah ee beelaha xoolo dhaqatada reer guuraaga ah ee soomaalida. Waxa uu weydiisan jirey in ay 20 ama 10 ama 5 wiil ku daraan, si uu u geeyo goobaha waxbarashada. Inta badan waa lagu diidi jirey arrintaas, meelaha qaarna waxa uu kala kulmi jirey or iyo canbaarayn. Dadku waxa ay uga biya-diidayeen waxbarashada casriga ah, waxa ay ka dareen qabeen dugsiyadii bilowga ahaa ee gumaystuhu hor kuutinayey, hase yeeshee Maxamuud Axmed Cali waxa uu aqoonsanaa, una muuqatey baahida loo qabey in la abuuro waxbarasho maaddi ah oo la jaanqaadi karta diinta iyo dhaqanka ummadda oo aan ahayn taas laga wayiigayey ee baaderiyeysnayd.
Maxamuud Axmed Cali Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid yahay tiirarka waaweyn ee sooyaalka ummadda, waxanu macagiisu buuxinayaa oo lagu soo baadi-sooci karaa tilmaansi-ahaan nuxurka ereyadii Alle ha u naxariistee C/laahi Qarshe
: Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
Waxa uu Maxamuud ahaa aasaasihii iyo hirgeliyihii waxbarashada casriga ah, waxanu ahaa macallinkii suurta geliyey in ay tacliin qaataan oo wax bartaan, aflaxaanna koox ahaan in badan oo ka mid ah qalinleydii ugu horreysey ee soomaalida.
Xigasho/Farshaxan.com