Majaajillo qosol ah

Xaajigii; Aw kadleeye
Aw kadleeye; Haa
Xaajigi; Adaan kuu socdaye ii warran aw kadleeyow.
Aw kadleeye; Waanan kuu warramaynin, waayo waan ka socdaa.
Xaajigii: Kaalay dee aw kadleeye kalay. Aw kadleeye
Aw kadleeye: Waan kula hadlaye, maxaan ku idhaah.
Xaajigii: ii warran baan ku idhi, ii warran oo dee ii warran.
Aw kadleeye: Aadeerow carruurta aan wax u doontee, hayga waabin dantayda.
Xaajigii: Mayee kaalay dee aw kadleeye, aw kadleeye kaalay bal, kaalay dee aw kadleeye. Aw kadleeyow, waxaa la yidhi: “Nimaan war sugin, waranna waa ka ordaaye, ma waxaa tahay kii”.
Aw kadleeye: Waa kii miin ku xadaayoo,
Majarafaddayda afkeedana xabaashaada aan ku qodaayoo,
Wankaadii qorixiidna waslad aan ka cunaayoo
Wardiga aan u ridaa
In aadan inantaa gacan teeda
Waligaa qabanaynin
Wad aari yuu tawkin abawd!.
Xaajigii: Kaalay Aw kadleeyow. Dee istaaq furulla dhahoo, middaa ha i odhane.
Aw kadleeye: Kaw! ee maxaan kuu odhan waayay
Ilaahay waaxid sanaa
Dunidu waalli casaaa
Warshadi xiin badanaa
War ma ninkaagani wayn, wayn, wayn,
Ee kun kun kun haweena arkay
Miyaa inantaa yar, yar, yar,
Yaa isku soo kala waaxi.
Xaajigii: Ee waayo Aw kadleeyow!
Aw kadleeye: Ee waayo waad ka lambar wayn tahay!, waad ka lambar wayn tahay.
Xaajigii: War niman yahaw lama aragtan iyo lama maqashan eeg,
Oo ma karaasiillaan ahay
Ma karoolaan ahay
Hadi Ilaahay idamkiisa leeyahay
War ma isjiid baan ahay
War waad gaftaye hadalka!!!
Aw kadleeye: Adeer hadalka inaga daayoo,
Sidaa maahayn micnahaan uga jeedaye
Ilaah baan kugu dhaarshee,
Bal waxaad yeeshaa adeer
Horta bal kabaha imisaad ka qaadataa
Bal wax kaloo dhanba inaga daayoo, wax kaloo dhanba.
Xaajigii: Ma kabaha.
Kabaha waxaan qaataa
Kabahaygu ma waawayna
Waa lix iyo afartan qudha (46).
Aw kadleeye: Laa ilaaha, Illallaahu
Muxammadu Rasuulullaahi (scs)
Dee adeer lix bay gashataa
Soo indhuhu casaan mahayaan
Maxay ku noolaanaysaa
Miyaadan danqanaynin dee, waa ku see.
Xaajigii: Kabaha miyaan isla dhacaynaa
Dee maxaa inanta idhaha casaynaya.
Aw kadleeye: Dee way banjaraysaaye
Adeer waxaad yeeshaa
Wax kula lambar ah
Dee meelaha ka raadsoo, ii daa inanta.
Xaajigii: Aw kadleeyow hayga tagine, waxaan ku idhi
Arrintaadu ma waad ka wayn tahay umbay ahayd
Waa naxayoo waxaan mooday wax kale
Miyayna soomaalidu ku maahmaahin
(Dumarka ninkii dhali kara ayuun baa dhaqina kara)
Tii kalana miyaanu odhan
(Haween iyo naagi toona yaryaraysi ma leh).
Aw kadleeye: Bal arrintaa way jirtaaye
Waxad yeelaysaa, Anigu dee indhahaan isku qabanayaa
ama indhuhu ha casaadeen
ama ha banjartee,
Xaajigii: Ama ha banjarto hadday doonto.
Aw kadleeye: Waxaad yeelaysaa
Horta xaaji gabadhii wan ku siiyay
Waan ku siiyay.
Xaajigii: Dee marxabbiyo kuddoon, kuddoon.
Aw kadleeye: waan ku siiyay, waan ku siiyay.
Firiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiidh wiil ay gabadha isjeclaayeen oo firimbi garaacaya, umbaa ku soo dhax dhax dhacay.
Xaajigii: Maxaad na siisood na siisay!
Aw kadleeye: Maxaanu ku siinnoo naga soo dhax galay.
Wiilkii: Xaaji ma wax baa inaga dhintay,
Maxaa odaygii xabaal qodka ahaa ee aw kadleeye kula taagay?
Xaajigii: Aar naga tag waxbana nagama dhimane
Waar orad oo naga tag baanu ku nidhi, waar muxuu ahaa waxan.
Aw kadleeye: waar orad oo naga tag baa lagu yidhiye, naga tag, xaaji way naga soo dhex galeene.
Xaajigii: way naga soo dhex galeene aw kadleeyow, way naga soo dhex galeene.
Aw kadleeye: gabadhii waa sidaan kuu siiyay ee guddoon.
Wiilkii:
Adeerow shalaytoole
Dhurwaagii shuluggiisa
Shilinta looga sameeyay
Shawa geela ku laayiyo
Aarki shaashka lahaayee
Ina shaarubba kayte
Iyo shurunshuur baa ii yimidoo
I waydiiyay shiidki wacnaa
Iyo sharraxaaddi arooska
Oo shabeel baa guursanaya
Ina sheeka macaan iyo
Shinnidii malabley iyo
Shimbiraa galbinaayee
Waadigii shawa gaadhee
Waxba shaadir subxaanyo
Iyo shaayad ley dabangaalle
Sharabaadda abeeso
Shookolad feedha kaneeco
Shuquba saan laga jeexayoo
Kabihii shirshirriigga
Shaqalka loogu daruuriyo
Miyaadan keenin shaadhadh digaa?

Waar nagalatag xayawaanka shuraako lama nihine
Dee way na waydiiyeen
Waar nagala tag waxba laguma waydiinine

Waynaga soo dhex galeene aw kadleeye
Way naga soo dhexgaleene
Way na qaseene
Sidi aan gabadha kuu siiyay
Firiiiiiiiiiiiiidh!!!

Waar waa dhiidhe!!!

Aayagoo shirbinaayoo
Shafka reerka la yaaboo
Shaaracii dukaanka hortiisa
Shir ay noogu qabteen
Shiidkana way badiyaane
Kaalayoo bal u sheeg
Inaadan shaybana keenin
Bahalladu na kharriboo
Way na dilayaane!

Aar waxba u sheegi maynee naga tag
Oo dukaankaaga ma naqaanee naga tag
Oo naga shaqaysoo naga tag
Oo naga tag baanu ku nidhi

Xaaji.
Way naga soo dhax galeene
Xaaji, nin lacag lehna waa tahay, Waana lagugu qaylinayaaye, maad xidhid kan, maad iskaba xidhid.
Halkaasuu ku xukuman yahaye, way naga soo dhex galeene.
Way naga soo dhex galeene.
Gabadhi saw kaama guddoomin.

Habayntii Af-guun