Q-8 Sheekadeenii taxanaha ahayd ee guursatayee maxaad…

 

Waxaan wada xarbano oon is dagaalno anigana aan xagxagto oon la dagalo waxa uu ila dhacayey asagan dharbaaxyo iyo inuu gacmahayga iska qabto oo iska ilalsho xagtimaha inay wajiga ka gaarto waxaan aha gabadh aan awood badan ulahayn inay nin iska xoog celiso waana igaracay markii danbe inta uu soo qatay suunkiisa ayuu aad ila dhacay oo idhahay haygu kalifin wax kawayn inan kugu garaaco suunka, aniga ma baroonanaynin mana dhawaaqaynin, balse waxa marka danbe aan noqday qof tabar beelay oo dalay waayo malmo badan ayaan ahaa qof anan wax cunin oo oynayey waana iga rayey waxa uu doonayeyna waa uu iga dhamaystay.

Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday #Guursadayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday.

Waxaan noqday qof iska amusan oon cidna la hadlin, xataa odaygayga lama hadlo narku ila hadlo waxa uu doonayo ayaan u qabtaa, mala sheekaysto waxaa uu idhahaa maxaad u amusantahay oodan ila hadlaynin, aniga xaskaygaa tahay waxaadna ilaa hada tahay qofaan hadlin oo amusan marka walaley maxaa kugu dhacayna, aniga hadaba waxaan kuu sheegayaa inaad sidan iska badasho waayo aniga hadaan sidan kugu arko iska ka jir gacantayda kama baxsanaysid aniga waxaan doonayaa qof faraxsan oo shaqadeeda haysata, hada waxaad xaaskayga tahay muddo 6 bariya, bari waa todoba baxeena ee iskada sidan waanku digayaa aniga reerkiina waan aqaanaa waa reer wanaagsan inaan isku xumaano ma doonayo ee sidan isku dhaan.

Waxaa la garay subaxii waxaana loo diyaar garoobay todoba bixii, waxaana imaday dad badan oo labada dhinac ah hooyaday waa ii imaatay iyo habaryarahay walalahay gabdho ah balse yaryar waxaan bilabanay xalfada Shaash-saarkii waxaan muddo badan ku maqshuulsanayn shaash-saarka haweenka waxaa la cunay cunooy cunooyin fudud waaxaa markii danbe qol wada galnay hooyaday iyo habaryartay waxaana u shegay in ninkan idilay oo xoog wax igaga qaato habeenkasta mararka qaar uu suunkiisa igu garaaco hooyo habaryar waalidkay ayaad tihiin nolashayda saan kuma jiri karto ee igadaya nolashan waan idin baryayaa ninkan ma doonaye waxan donaya nolashayda inan sii wato waxbarashadayda barto hooyo i fahma waxan oyay inbadan balse maxan sameeya hoyaday habaryarahayba waa ii amusan yihiin waxaa igu soo dhacday heeskan.

“Dhulka xaab laga waayo
Dhulku xubin inga’ee
Dharab xididka qooyiyo
Xafif la’arki waayoo
Xuxubada ma dhaanee
Abaar xaaluf iyaaa
Xoolaha dhamaysana
Gabadh lama xumayee
Xishoodka hakatagin #Abbe
Xaragada ku dhimo #Hooyo
Intaat ani i xoortaan
Xolo hayga raacina”

Hooyaday iyo habaryahahayba waxkastoo aan u shegay nabaradaydoon tusay cid wax i dhahday malahan, waxaa ay dhaheen “Hooyo waa ninkaga wuxuu kugu garaacayo iskadaa nolasha uu kaa soo damco eed u diidayso iskadaa waayo waxa uu ku dilayaa ayaa ah inaad nolashaada u diidayso, hooyo dhaqo reerkaaga oo noqo qof furfuran oo reerkeeda ninkeda u roon nolashadu waxa ay raadiso ma arkee afka dheer ha buusinee gabadhyahay joog oo halkas ku ilmo dhal”.

Habaryartayna waxa ay i dhahday “Gabadhi waa gurigeeda waana waxa ugu qaalisan ee masuulka ka tahay ee mamusho waa nafteeda ninkeeda reerkeeda ee waxa ay hooyadaa kuu sheegayso qaado oo hays indho tirine oohinta badan iskadaa, waxan ku shegayno wanku dhalne fahan oo qaado waakan aad ku moodo habar sagaashan jir ah sidsad u oyeysay, quruxdada xataa waa badalantee, marka waxad samaysaa nolashada ka fikir iyo ilmahaga iyo reerkaga, aabahaa waad ogtahay nolashyuu kugu soo koriyey maanta noolal wanagsan ayuu ku keenay, waxa uu ku keenay nin wanagsan ee wax fahan gabadh yahay oo is daji waa hadal wayn ee fahan warka waalidkaa”.

Habeenkii waan iska shaqaystay, waxaana dareemay hadaan sidan sii ahaado inan nolashan ka sii baxaybin oon ku dhaganaan halkan, waxaan is waydiyey, sida aan meeshan kaga bixi karo inay tahay inaan nolashan la qabsado oon ku meel gaadho odayga, nolashaydana aan xalkeeda raadsado, waxaan sameyey inan subaxdiiba aniga intan kacay inan cuno u sameyey, oon waxkasto xafada howl ah qabtay, gabdhihi malxiisayasha ahaana dhahay u kadiya reerkayga anaa ku filan, way ku farxeen waxayna dhaheen waa wax wanagsan.

Odaygaygii oo jiifa ayaan waxkasto so sameyey, waxan u keenay qurecda marku soo kacay ee qabaystay, waxa u la yabay isbadalkan, wuxuuna idhahay macaney waxaadba noqotay qof kale maxaa kaa si ah, waad isbadashay manta waaba i farxad ee maxaa jira waan arka nolashada say tahee. waxan dhahay wax jira malahan hadaan ku kariyo cunada ma wax ayaa jira, aniga nolashayda waxay i shegtay inan guurka ku qanco oo aan nolashayda reernimo aan aqbalo waana garaystay waxkasta reerkaygana waan ka adkaan karaa ee wakaas waa u qurecday waxan u so baxshay dhar uu ku baxo waxa uuna baxay asago faraxsan.

Waxaan u diyaarshay qado iyo cabitan waxan u sii dhigay fadhiga, markuu soo tukaday ayaan dhahay, qabayso oo naso, kadib qadadina waan wada cunay, markaas ayuu sii farxay dhahayna “Macaaney waxanba islaha waligeed kulama cunayso cuno, balse waa ii farxad maanta qureecdaad ii samaysay farxadan ka qaday ragan la shaahenayey ayaa iga dareemay oo waxan u sheegay in aan ku faraxsanahay guurkayga xaskayga oo ii samaysay cunadii koobad markasay idhahen waadba walan tahe sowdigi qumana, ma cuno xaskaga kuu samaysaa ku farxaysaa?. marka qaali wanku jeclahay xaskaygay ii nolow inta igu dhahay ayuu madaxa iga dhumiyey.

Halkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday, Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybta 9-aad.
By Zubeer Haybe…