Geeraar (Af-guun)

 

Maanta oo Arbaca ah waa barnaamijeenii aad nooga barateen ee godka suugaanta geeraar aad waxbadan ka fahmaysaan. akhris wacan oo wanaagsan.

-Allawyaa gabadh waanshoo

-Waligeedi ka doontoo

-Walaadeedi ka qaadoo

-Waajibkeedi marsiiyoo

-Wiilashay badinaysiyo

-Waxtarkeeda ogaada,,,
-Allawyaa walcankeen iyo

-Waalidkeenna ogaadoo

-Walbahaarka ka dhawroo

-Wacaashooda dhagaystoo

-Ducaday wadayaan iyo

-Waxtarkooda ogaada,,,
-Allawyaa waddankeenna

-Warawgiisa ogaadoo

-Wabiyaasha abuurtoo

-Waangaabkiisa u jeexoo

-Waagadii ka baxdaa iyo

-Waxtarkiisa ogaada,,,
-Allayaa wabax geeloo

-Waadigii ka imaadoo

-Waddadiisi ka leexdoo

-Wancaddeeyaha hawdkiyo

-Washaqaarka cunaaya

-Wabshadii ku dabbaaloo

-Waabka geeda u seexdoo

-Waxtarkiisa ogaada,,,
-Allawyaa waraskeenna

-Wayaakooyinka foofay

-Witirow adhigeenna

-Waylaheenniyo xaynta

-Waraabawga dhurwaa

-Iyo weerka shabeelka

-Wedeehyaa ka yidhaahdoo

-Waxtarkooda ogaada,,,
-Allawyaa wacyigeenna

-Dhaqankeena wanaagsan

-Warjeefooyinka maantiyo

-Wasanwaaska ka dhawroo

-Wadar oogu istaagoo

-Waxtarkiisa ogaada.

(Af-guun).