Waxaan u diyaarshay qado iyo cabitan, waxan usii dhigay fadhiga markuu soo tukaday ayan dhahay qabayso oo naso, kadib ayaa waxan wada cunay qadadi, markaas ayuu sii farxay, dhahayna macaaney waxanba islaha waligeed kulama cunayso cuno, balse waa ii farxad maanta qureecdaad ii samaysay farxadan ka qaday ragan la sheekeysanayey ayaa iga daremay oo waxan u sheegay in aan ku faraxsanahay guurkayga xaskayga oo ii samaysay cunadii koobad markasay idhahen waadba walantahee sowdigi qumanaa, ma cunay xaskaga kuu samaysaa ku farxaysaa, marka qaali wanku jeclahay xaskaygay ii nolow intu idhahay ayuu madaxa iga dhumiyey.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday #Guursadayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday. Qaytii kale waatan aqris wanagsan qaybta Q-9
Waxaan habeenkii siiyey casho macaan waanla shekaystay waxaana u sheegay inan ku faraxsanahay nolashaydana la wada qaadanayo, meel aan u socodo lahayn, odaygiina waxa uu ii aminay si wanagsan xaafaddana adaa u sareeya, amarkagana waan qadan waxaad i dhahdaa keena waanku keenayaa ayuu idhahay, waxaana manta kaa helay illaaa cawana waa wax ii gaar ah oon ku farxo nolasha qoyska waxa ugu farxad badan waa labada lamaane oo is ku faraxsan is aaminsan isna jecel, Alle hay kaadayo xaaskaygay ayuu idhahay, waan wada seexanay sidii caadada ahaydna subixi waxaan u diyaarshay waxa uu cuni lahaa oo cabilahaa waxaana uu subuxii iga tagay asagoo kolba i shuminayo oo i soo geerdaymoonayo oo leh macaan waxaanba kabaqayaa inaan ku wayo farxada aad i siisay hadan sidan u malaynayo inay farxadi kaa buuxdo kuma dileen habeenki xoogna wax kagama qaateen waan ka shalaytaysanahay ee igaraali ahoow.
Qadadi ayaan u sameyeey waxan u keenay fadhiga waa soo qabaystay waxaan wada cunay wadadii, marka dhamaynay ayuu i dhahay intuu gacanta i qabtay ina keen qolka jiifka waan kuu baahnahaye, waxaan rabaa inan wax ku soo siiyee, waan raacay waxa uu iga xiray indhaha waxa uuna ii xiray markas waxay ahayd anoo garanaynin, katiinad dahab ah oo qaali ah, iyo waliba farantiyadii iyo dhagdhagihii, wuxuuna i istajiyey muraayadii indhihii ayuu iga furay mise waaba anoo dahabaysan, Alla farxad wayna intan dhahay ayaan habsiiyey asagana waa uu ku farxay farxada iga muuqata iyo habsiinta wuxuuna ii sheegay in anan caawa wax casha ah samaynin oon magalada ka soo cashaynayno.
Maqribkii ayaan kacnay oon gaari qadanay waxaana tagnay hoteelkii ugu qaalisana cunooyinka markaas, waxaa naloo soo dhaweyey si anan waligay arag oo marti looso dhaweeyo, waxaa nala geeyey kuraas iyo miis noo gaar ah oon malaha is idhi mar hore ayaaba laga sii shaqeeyey casumaada iyo martiqaadkan, waxaan arkay shaqaalo badan oo kala ordayo dadka meesha wada fadhiya waa wada lammaane qofba qof ayuu wataa waxaa isku darsan ama isku mashquulsan malahan, waxaana dhahay xaajigaygii maxaa shaqaalahan waxaad mooda dad magacyadeena sii haystay oo casumaddeena la socdee. Wuxuuna ii shegay in saaka markuu iga baxay hoteelkan tagay oo uu u sheegay xaaskiisoo uu jecelyahay inuu marti qaadayo markasna laga qortay magacyadeena.
Sidagan ayaa naloogu adeegay waxaana naloo daaray heeso dabacsan iyo muusigo ananba arag dhawaaqeeda macanideeda iyo siday dareenka u qaadayso waxaan erayada heeska ka xasuustaa.
“Simaneey quruxdaada
Qof ku gaara la waayoo
Qotonkiyo socodkaagaa
Qof ku eegay qushuucyeey
Qotonkiyo socodkaagaa
Qofku gaara lawaayoo
Qosolkiyo hadalkaagaa
Nafta qiiro ku reeboo
Qowlka aad itidhaahdaa
Qalbigayga urooneey”
waxaan cunnay cunadii waxaana wada sheekaysanay sheeko dheer, wuxuuna ii shegay inuu iskaga soo guurayo qurbaha markana doonayo inuu ka shaqaysto magaaladan aan daganahay, wuxuuna igala tashatay sidan u arko, anna ma xuma ayaan dhahay, waa wax wanaagsan. Wuxu i dhahay gabadh yar ayaad tahay inaan kaatago on dhasha kugu baajiyo ma ahaan labasano ayaan waxa igayaalo oo dhan ku so dhamaysan dibada. waxaan meshan ka samaysan ganacsi xoogleh madaxna waad u noqonaysaa gacaliso maadaama aa tahay qof waxbaratay.
Halkaas haynoo joogto, Lasoco qaybta.
Zubeer Haybe.