Waxaan cunnay cunadii, waxaana wada sheekaysanay sheeko dheer, wuxuu ii shegay inuu iskaga soo guurayo qurbaha markana doonayo inuu ka shaqaysto magaaladan dagganahay. wuxuu igala tashatay sidaan u arko, anna ma xuma ayan dhahay, waa wax wanaagsan wuxuu i dhahay gabadh yar ayaa tahay inaan kaatago oon dhasha kugu baajiyo ma ahaan labasano ayaan waxa iga yaalo oo dhan ku soo dhamaysan dibada waxan meeshan ka samaysan ganacsi xoogleh madaxna waad u noqonaysa gacaliso maadaama tahay qof wax baratay.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday Guursadayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday Qaytii kale aqris wanaagsan.
Waxaan inbadan sheekaysano oon meeshii joogno waxa u soo dhacay telefoon, waa ka qabtay waxaana uu dhahay Xaaji Cali ii waran, ma imaatayna, ka warran Dubay see lagu ahaa, reerki sowma wanaagsanayn, aniga waan kuu wanagsanahay, aniga iyo xaaskayga ayaa caawa wada cashaynayna oo hotel joogna, waan ku imaan berri subax inshaa Allah, iska naso caawa. Waxbo ma waydiin aniga nalse asagaa si farxad leh iigu sheegay; “Gacaliso waa saaxiibkay oo aan qurbaha wada jognay, Dubay ayuu maalmo joogay haddu ka imaday, waa aynigayga inuu guursado ayuu doonayaa markan adiga ku helay ayaan wanaaggaaga u sheegay iyo sida wanaagsan ee waddankeena looga helayo gabdho wanagsan oo aqoon leh oo da’yar.
Waxaan dhahay ma haduu doonaya inuu guursado. Markaas ayuu i dhahay haa laakiin saax hore waalahaa ciyaal badan ayey u dhashay waana wa waynadeen oo waa awoow ilmahu awoowga u yahay ayaaba wax yar kadib guursan doona, marka waddankuu rabaa inuu iska dagoo iskaga gacansado intuu reer ka samaysto halkan. Waa nin wanaagsan oo shaqo badan. Waxaan aad uga murgay nolasha gabdhaha yaryar ee loo tashanaayo Alla maxaa gabadh badan sidaas lagu guursaday nolashooda ay gashay qabyo. Waan wada baxanay waxaana aadnay gurigii waxa uu i sii marshay dhawr carwo oo waawayn, wuxuuna iiga gaday dhar waxaan uga bahday igana anfacay, wuxuuna iishegay inuu aad iga helay nolashiisana ay aniga aad iga heshay iina sii jeclaanayso wuxuuna iga codsaday inaan garabkiisa ahaado markasta.
Waagi waa baryey, waxaana siyey qureec, waana iga baxay asagoo ii sheegay inuu maanta aadayo ninki ay saxibka ahayeen ee uu xalay la hadlayey waana soo qada doonan ayuu i dhahay wixii howl ii taalay ayaan iska dhamaystay waxa uu ii i maday duhurkii waan wada qadaynay, markaan wada qadaynay, ayuu guriga galay wuxuuna soo qaday bac qurux badan oo wax ku jira aanba isdhahay maxay ahayen waxaas bacdan sidan u qurxoon ku jira anoo naftayda la hadlayo ayuu i dhahay macaanto waxaan doonayaa inan hadyad yar ku gudoonsiiyo waan ku jecahay aad. Waxuu bacdii ka soo saaray laba Sad oo Dahab ah oo aad u qurxoon waan farxay waxaana siiyey hab aad ayuu ugu qancay habsiintayda run ahaantii labada sad waxay ahayen kuwo aad u qurxoon wuxuu ii sheegay inuu ninkii u sheegay marku Dubay joogay inuu laba sad oo dahab ah u soo gado lacagtana uu siiyey markuu jogay dubay.
Wuxuu i dhahay aad ayaan kuu jeclahay hadyadahan yaryar ha u qadan inaan maankaaga ku gadanayo ama aan kugu soo jiidanayo balse aniga xaaskaygaa tahay waxkasta xaaskaygiiyey waxaan kuu sinayaa hantidayda waa hantidada aniga haday ii suuragasho waxan doonayo waxan doonayaa inaan waxkasto ood iga codsato aan ku siiyo xaaskaygiyey Alle ha ku xafido adoo ilma ii dhalayna Alle haykaa tuso xaaskaygiiyey. Run ahaantii farxad ayaa ka muuqatay waana sugi la aa inuu arko ilmo u dhashay oo yarankiisa ah.
Holkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybaha kale.
By Zubeer Haybe.