Waa barnaamijkeenii Isniinta iyo Bulshada.
Dirqi baa ugu jawaabay: ‘Tol iyo xididba waan nahaye. Wax Allaale wixii aad ku bogsanayso waan yeelaynaa, ee ha naga tallaabsan”.
Burgal: “Waa haddii laydinka helo.” Halkaas ayay ku joogtay.
Markay arrini halkaa marayso, ayaa baabuurtii hay’adda oo calamo dhaadheer babinasa sheedda uga soo bidhaantay. Maarsan-Waa baa yidhi: ‘War Tolow, waxaas ma hayadihii baa, mise waa aroos magaalo ka yimid?.
Burgal baa candatabay: ‘Alla ka weyn bal eega waxaa qammadi iyo jawaano saaran, raashin bay noo sidaan.’
Marsan-Waa baa yidhi: ‘Burgal, cadhadha iska baabii, oo soo dhowee hay’adda.’
Burgal oo hoosta ka farxay ayaa hay’adii go’a u lulay. Markay istaageenna wuxuu ku salaamay: ‘Komestay? How are you? Ma barideen? Waar ma noo timaadeen. Waan idin sugayney. Alleylehe aad baan idinku baahnayn.’
Hay’addii oo magaceeda la yidhaahdo Irbad-Weyn ayaa hadalkeedii ku billowday: ‘Waan idiin nimide, Bal xaaladdiina ka warrama?.
Dan-i-Tidhi ayaa u dul maray: ‘Haddaan wax idinka taabto, dhibaatada deegaanka ka jirta, dad iyo xoolaba way naga wada jiifaan, aadna waan u liidanaa, haddaad wax inoo qabanaysaan ood noo soo gurmateen.’
Hay’addii Irbad-Weyn ayaa su’aashay: ‘Idinku dadkiina iyo xoolihiina buka horta wax ma ka qabateen oo ma daaweeyseen intii tamartiina ah?
Waxaa u jawaabay Dirqi isagoo leh: ‘Waan ka qabannay. Ugu horreyntii odayadii jilbaha ka fadhiistay, luguhuna barareen, xabasuud baanu wada marinay. Haweenkii dabarka iyo moxogga iyo xanjaadka ka bukayna, tiiraa intaan u tunnay wada waraabinnay, carruurtii jadeecadda haysay biyo qabow baan ku wada maydhnay, kuwii Xiiqdheertii haysayna waa kuwaan caanihii dameeraha aan hadda u sidno, geeli cashiyeyna, hal cudurkii dilay baan ku daaweynaynaayoo toban dheri oo fuud ah baa u qaboobaya oon ku shubaynaa mar dhaw.’
Hay’addii Irbad-Weyn ayaa waxay tidhi: ‘Aad baad u dadaasheene. Daawooyinkan aad dadka iyo xoolahaba kula tacaalaysaan, ma waayo aragnimaad u lahaydeen, mise cilmi-baadhis baad ku hesheen?
Dirqi wuxuu ugu jawaabay: ‘Waa taxane oday laga soo gaadh ah oo dad horaan ka maqallay, wayna jiri jirtey in sida wax lagu daaweeyo, Ilaah baa daawo hayee.’
Hay’addii baa tidhi: ‘Intaad saa u rafaadayseen, magaalada miyaad daawo casri ah u doonataan? Farmashi kastay ka buuxdaa, mise aqoon darraa idinka haysa?
Dan-i-Tidhi baa yidhi: ‘Afkiina caano lagu qabaye, maanan garan waayine, Waan fara madha nahay, oo wax lacag ah iyo kiishadayadu way is daayeen, gacantana kuma hayno.
Hay’addii baa tidhi: ‘Oo maxaad xoolihiina wax uga iibin waydeen, sow iyaguba lacag maaha, Sow ta Soomaaliduna ku maahmaahda: Geel waa geel, wixii gooyana waa geel.’
Dan-i-Tidhi baa ku jawaabay: ‘Magiciin bi’i waaye, idinkuba nala taliyoo neefka kolka gegada la geeyo lacagta uu gooyo, haddii, marka daawadii loogu tala galay laga gado, reerkana arrad beel looga gooyo, lagana cagaag tiro, intii ka soo hadhay haddaanay goynaynin meeshiisii neef kale oo beddela, sow xerada ka bixintiisa qasaare maaha? Maxaan taransannay?
Hay’addii baa tidhi: ‘Ma saasaad weliba khasaare u arkaysaan? Waxaan idiin tusaaleynaynaa: Tii oo ay idiin daaweyn lahayd saddex neef ama afar neef ood u iibisaan, haddaad ka laxa jecelooteen, sow lagama yaabo in daawo la’aani idinka dhammayso dadkiyo xoolahaba oo aad ku caydhowdaan, dibna aad u qoomameysaan?
Maarsan-Waa wuxuu hay’adda ugu jawaabay: ‘War nabad ah laydiin sii. Horta wixii Ilaahay dilayo way dhimanayaan dad iyo xooloba. Si kasta oo loo daaweeyee, wixii ajashoodu baaqi tahayna way noolaanayaan, daawo iska daayoo, haddaan biyoba lagu saydhin. Ilaahay isagaa na abuuray oo wuu na caydhtayn karaa, oo ma diidanin. Hase ahaatee anagu gacantayada isku caydhtayn mayno, dadkana axan seejin mayno. Haddaadse sidaa noogu soo gurmateen, idinkama aanan siisan. Malaha, wax kalaad nooga jeeddaane, raalli naga ahaada, oo aan is deyno.
Hay’addii baa u jawaabtay: ‘Walaalayaal ha naga didina. Waxba isla waayi maynee. Bal caruurtii bugtay na soo tusa si daawo loo siiyo. Maarsan waa baa yidhi: ‘Taasi waan idinka yeellay, haddaad wax nagu taraysaan ood noo daaweyneysaan.
Dabeed markay is raaceen ayuu Dirqi ku yidhi: ‘Bal aqalka soo gala, carruurtii waa wada sakaraad. Intaan ka maqnayn baa looga sii darayoo, indhahay wada rogeene.’
Dabeedna hay’addii baa tidhi: ‘Waxba ha welwelina, Ilaahay baa inoo bogsiin, anaguna waanu ku dadaali. Hase yeeshee, xumaddoodu heerkul aad u ba’an bay joogtaaye, irbadda qandhada ayaan degdeg ula dhacayna.
Kii ugu horreeyey: Aaa, Aaa. Dirqi: ‘War carruurta xanuunkii baa jiidhkii ka dhammeeye, meel laga mudo malehe, seedhaha ha ku goynina irbadda.
Dabeedna waxaa loo dhaafay kuwii xiiqdheertu haysay. Quxu, quxu. Markaasaa la soo dul joogsaday carruurtii oo qufaca isu jiibinaysa. Dabeedna intaa la baadhay ayaa la liqsiiyey dawooyin kala duduwan oo odayadu fahmi waayeen.
Markay hay’addii carruurtii ka lug baxday ayay haddana xaggaa geela u gudbeen. Ha yeeshee, markuu geelu baabuurtii arkay ayuu didmo kaynta jiidhay. Markaasuu Maarsan-Waa intuu cadha furka tuuray ayuu hay’addii ku yidhi: ‘Waar balaayadan guuxaysa ee aad wadataan aamusiiya, geelaa ka didaya oo soo dhaadhaca oo kaalaya daaweeya geela.
Dabeedna markii geeli la xasilliyey ayaa irbad sarabad le’eg lala dhex qaaday. Dabeedna markay hawli dhammaatay ayay hay’adda tidhi: ‘Caawa tuuladaan agtiinna ah ayaan u hooyanaynaaye. Markuu waabaryo, na soo war geliya siday dadka iyo duunyaduba u daawa qaateen.’
Dabeedna markuu waagii dillaacay, ayuu Maarsan-Waa oo Hadhuub caana ah sida hay’addii ku kalaahay. Salaan kaddib wuxuu yidhi: ‘Waar geeli xalay buu raamsi iskala wada hor jeestay, saakana wuu wada ruqaansaday. Kuwii bukayna ooddii bay daaqeen, illeen caafimaadku waa cajiibe.’
Intaanay hay’addii u jawaabin waxaa si kedis ah u soo garab joogsaday Dirqi oo kildhi weyn oo shaah ah iyo labaatan saydheere (koobab) la ordaaya oo ku yidhi. ‘Waar hooya oo isku kululeeya, gabadano xun baa xalay dhacaysey.’
Dabeedna hay’addii baa tidhi: ‘Waad mahad san tahay, horta shaaha dhigoo bal carruurtii ka warran?’ ‘Waar afkeygaad kala baxdeene, carruurtii xalay aad bay u il sanaayeen, qandhadiina way doorsadeen. Finankiina shax bay kor uga soo yidhaahdeen. Ilaahay mahadii saakana way soo kuudkuududsadeen wayna daqaqamayeen.’
Intaanay hay’addii jawaabin, haddana waxaa soo joogsaday Dan-i-Tidhi oo orgac yar isku soo celiyey (soo qalay), oo xeedho hilib ah waalwaalaya waxaanu yidhi: ‘Waar qadoodi baad ahaydeene, hooya cadka yar nafta ku waabiya.’ ‘Waanu kaa guddoonnay. Kixdii iyo ilmihii siday isla ahaayeen?’ Bay hay’addii weydiisay.
Dan-i-Tidhi baa u celiyey: ‘Waar kix warkeed ina daa. Dhallaankiina, horta riiraxyo way ka tegtay, qufac daayoo hindhisana maleh. Halkay shalay hurdo ku daateene, ilaa hadda way khuurinayaan.’
‘Dhammaantiin war farxad leh baad sheegteen’ ayay hay’addii tidhi, ‘haddaba murti iyo ballan aan ku kala tagno.’ Maarsan-Waa bay farxadi ka keentay sida tan: ‘Waar xalay baad nagu dul qaddeenoo caawa tegi maysaanoo anaga idinka qabsannay oo waan idiin loogayna.’ Dabeedna hay’addii baa tidhi: ‘Maarsan-Waayow, hawlahaa badan oo wakhtiyo tirsan baan ku shaqaynaaye, aynu ballanno.’ Odayadii baa, ‘waayahay’, yidhi.
‘Yididiilo wanaagsan waa muuqataa. Kol haddaad garateen inay dawadu fa’iido leedahay, waa taad ka laxa jeclaanayseen inaad dawo neef u iibisaane. Marka uu qof dhinto intaad xoolo badan raacin lahaydeen, inta uu noolyahay inaad daryeel u sameeysaan miyaanay idinla haboonayn?’
Maarsan-Waa baa yidhi: ‘Alleylehe, arrintan way naga maqnayde, waanan u guuxnay. Dirqiyow, sidee bay adiguna kula tahay?’ Dirqi baa ku jawaabay: ‘Ma hadal baa ka dambeeya, waa hawraarsane.’
Hay’addii baa tidhi: ‘Dhibaatada deegaankiina aan wax ka wada qabane. Maxaad idikuna ku qaybi kartiin?
Dan-i-Tidhi, wuxuu yidhi: ‘Boqol caga-ku-joogta oo xoogga kamasaca ayaan bixinaynaa.’
Hay’addii baa waxay tidhi: ‘Markaad intaa bixisaan, waxay degaankiina u dhisi kartaa rug weyn oo caafimaad ah oo ka kooban bukaan socod iyo farmashi camiran. Anaguna waxaan idinku caawinaynaa barasho aqooneed iyo farsamo. Waxaanu rajaynaynaa idinkoo sii dadaalay in aan laba todobaad ka dib kulan labaad isugu soo noqonno ee sida iyo nabad gelyo.’
Nabadiino, idinkoo nabad ah anagoo nabad ah.’
Oo dooxa weyn ee Duduma-Legedna, waa dhoweyd buu saddex baabuur qalaamarogaye, shalayna wuu butaacay la lahaayeene, korka ka mara korka.
Dhammaad