Jacburkii Dhoodaan

Gabadha baaddiye joogtoo
Kaba maas bagagac bagagacleh
Oo baalashuud la yidhaahdo
Iyo baftada ii seddex qayda
Oo la boodeeyay dhawaan
Iyo baal-guduud caano boodho
Iyo gacmaha caag uga buuxo
Reerkoodu ku budoo
Is banaanadinaysa
Oo dhaxda buuran

Gabadhii balad joogta
Iyana waan badiyaaye
Aan wax kaaga bayaanshee
Basar iiga dhagayso

Iyadoo buufta ku haysoo
Bootar soo marsatay
Oo timaha buulka dhigtay
Oo buurtayoo kor u yuuqday
Oo dharki bawdada gaysay
Oo lugahoo dhan bannaysay
Oo badhi wayn isku yeeshay
Oo boorsadeedi yaraydna
Bidixdaa ka lulaysa

Goor cadkeeddu bas beeshay
Habeenkiina billawday
Intaad baasha ka raacday
Hoosta mawga yar baaqday
Laamigaa barbarkiisa
Ma bashkaaxin jirteen
Oo ma bashkaaxin jirteen
Brigeeto mallay
Biyo aad u qabow iyo
Abbow beeso ma mahaysaa
Barrigu waa kala baabe
Kolkaad joogto bartii
Bareegga maysugu taagay
Bidixda maega dagteen
Inti uu bixinaayay
Mawga qaadday biryeeti
Intaad baaqi sugaysay
Nin kaloy badh taqaanay
Baasha uun ma ka raacday
Bidhaanteedba ma wayday
Shaleemadii badhtankeeda
Oo dadku aad uga buuxa
Ma ka baadhay dabeeto
Ma kugu buuqeen dadkii
Kani waaba ku baas
Ma madaxuu ka bukaa
Ma baadi baa ka hallawday
Malaha waaba barwaatiye
Bootaalihii ma is jiidhay

Xigasho: wargeeska all somaliweyn.com