Maanta iyo barnaamijka Arbacada, waxaan ku soo qaadanaynaa suugaanta bulshada ay iskugu gudbiso dhaqankeeda dhaqaale iyo xogteeda luuqadeedba.
Dabac geela duunyiyo addool daaqsin iyo foofa
Oo meel duleedkaa nirgaha lagu dabraynaayo
Dacaroodka waligii ninkii dalawo raacaayay
Danci ma arag barigay arladu daahirka ahayde
Dunidiiba laga waa wixii darajo fiicnaaye,
__________________________________________
Damac adhiya dooxada jabtaa lagu dabbaalaaye
Dambarkooda dhalaygaa riyuhu dabisku maaxdaaye
Barqadii dareerkiyo mar baad duhurki maashaaye
Danci ma arag barigay arladu daahirka ahayde
Dunidiiba laga waa wixii daraja fiicnaaye,
___________________________________________
Dirir hooray dayr iyo gu’guu daadku jabiyaaye
Banka diiran daafaha qarrow wabiga diishiisa
Doogaadda meesigan haddii lagu dabbaalaayo
Daran-doorri caanaha sacay darisku qaataane
Dacni m arag barigay arladu daahirka ahayde
Dunidiiba laga waa wixii darajo fiicnaaye,
__________________________________________
Dikri culimo diin iyo xaq baa lagu dawoobaaye
Kuman diriqa kumanaan da’yara kuman duqeeyiina
Kuman doorran kuman duubleh oo daahir iyo caada
Kuman diirran kuman daalacdoo deelka baranaaya
Dar Ilaahay kuman dooni iyo kuman ducaynaaya
Kumanaan darsiga qaadanoo daarta imanaaya
Iyo kuman daloolkii horaa oo dugsiga jooga
Iyo kuman dareerini cilmiga kuman daliil sheega
Kumanaan daruuriga bannaan ugu dalaandoola
Kuman dawrki hore soo Xajiyay kuman danaynaaya
Damaashaadka barigii xadrada lagu dareeraayay
Dil ma joogin barigay arladu daahirka ahayde
Dannigii la galay maytidii lagu dambaabaayay
Dunidiiba laga waa wixii darajo fiicnaaye.
Xigasho-Af-guun.