UGAASO BUTIYA

Taariikhda Ugaaso Butiya akhris wacan. Barnaamijka Isniinta ee bogga Dhugasho

Kuman-guuro hore ayaa ugaaso butiya oo reer Butiyaalo ahayd, magaceedana lagu maamusay magaalada, saygeeda oo ay weheliyeen saddex carruur ah oo ay isu dhaleen waxay ugaarsasho u aadeen dhul-webiyeedka u dhexeeya labada webi ee Maroodiga iyo Dharoor, oo waayadaas aad uga duwanaa sida maanta ay yihiin, oo kaymo dhireedyo, ugaadh iyo dugaagba jiq ka ahayeen.
Waxay xera-guul ka dhigteen hoorriyo ood ka sameysan oo dadka joogaa aaney is arki karin balse is maqli karaan.
Aroortii markii la soo kacay oo ay hammuuntirkoodii cunayaan ayaa ugaaso Butiya waxay ku tiri carruurteedii: 
Hooyo saaka waa idiin sheekeynaya ee i dhegeysta. Carruurteeda oo awalba jeclaa sheekada hooyadood ayaa dhegta u soo taagay. Waxay tiri: Shekdaan idinka iyo adoogiinba kama warqabtaan.
-Waxan ku dhashay magaalada Tooxin ee bari ina ka sii xigta, aabbahay waa boqorka magaaladaas, carruur keligay buu ka lahaa wuxu ahaa hooddaar, deeqsi u samafala danyarta dadkiisa, garsoorkana aad ugu dadaala.
Aabahay oo aad ii jeclaa wuxu ii diyaarin jiray in aan gadaashiisa talada la wareego, saas darteed ayuu wuxu ii qabtay barayaal i bara laamaha kala duwan ee aqoonta, waxa ka mid ahaa barayaashaas la taliyaha aabbahay oo ogeys ku ahaa arrimaha maamulka, aabbahayna si indha la’ uu ugu kalsoonaa, hase yeeshee qabay cudurka handabo haween. Ka dib dhimashadaii hooyaday aabbahay wuxu badsaday aadidda ugaarsashada kaymahaas labada webi u dhexeeyaa. Boqorkii oo maqn ayaa maalin lataliyaha oo casharkii ii dhigaya xaggayga gacmihiisa u soo taagay si uu ii maraaciyo. Anoo yaabban inta aan sara joogsaday ayaan u yeeray ilaaladii kuuddayda gaarka ii ahayd. Asagoo ii gooddiyaya ayuu wuxu yiri Waa ka qoomameyn doontaa oo waa og tahay in aabbahaa aniga i rumeysanayo oo si indho la’aan ah ii maqlayo, waxan u sheegayaa in jirriga magaaladu ay saf kaa galaan!
Way socotaa…