midnimo
u adeegaha dhalinyarta somaaliyeed
geeraaro aad u macaan oo aad ka bogan doontaan
dharka la yska saariyo
hadaad dhereka uun eegto
ama aad dhalaal beena
iyo dhedo ku soo guurto
sidii dhidar xabaalah qodaa
ceeb u dhacaysaaye
dheg haweenku leeyahay
midaan eebe kala dheegin
oo waliba dheeraadka dumar
qiimo lagu dheehay
oo sidig dhabeelaan waxbadan
dhuungalow xigaye
ha yeeshee dhambaalkaan furfiuray
waa midaan dhaax hore joogsadaye
bal dhagayso dheegow murtidu dhaxal dad weeyaane
dhexda soohan dherekiyo laxaadka
dhaayihiyo luulka
timo labada dheeg iyo garbaha
dhab u mushaaxayaay
ama dhabanka dheehiyo wejiga
dhalanka loo uumay
sanqaroorka aad dhool curtiyo
dhabiga moodaysid
dhaayaha ku yaaliyo indhahan
dhab u hilaacaaya
sidii dhaal banaanoo
ilaah dhalan ka soo saaray
dhegta loo sar gooyiyo
markay dhoosha kala qaado
ama luqunta dheehooy s
sidii geenyo lagu dhaabay
dhaldhalaaka quruxdeedaa
daruuru dhinaca ka moodaaye
waa ruux dhamaysoo ku daray
weilba dhiidhiye
dhaayaha jaleeciyo
dadkay dhaygag galisaaye
dhugashada kalgacal
maalintraan dhacashada eegay
dhaxantii i qabataa
qalbigu dheeliyaa weliye
dharaartaan xasuustana
wakhtigu waa igu dhalanteede
dheeldheeligaan qabo nin ogi
ima dhaliileene
dhalxash iyo sidii yabaq ka baxay
dhinacyadii hawdka
dhaan nageeye uu xalay heliyo
dhibic laxaad weyn
anigoo hurdada laga dhergiyo
dhagi ka soo toosay
aan dharabka waagii baryiyo
dhaayo kulansiiyay
ama dhaan haraadloo qabiyo
dhuluu ka soo muuqday
ma ogtahay indhuhu
kaama dhargaan inay ku daawadaane
waxaad tahay qof dayn lagu dhaloo waliba dhawrsanoo
dhal magaalo adigaa ah iyo tii wax loo dhigaye
waxaad tahay insaan
lagu dhintoo lagu dhibaatoodaaye
waxaad tahay dhabeel
tii u mdan dheg iyo maamuuse
mana lihdi dhaliil kolay
ku tahay dheehashiyo muuqa
ragbaa dhaqayo foofsada
intuu dhuuniguw galaye
habeen dhaxana duulbaa
yaqaan dhuumashada jaane
dhidib loo yagleeiyo
hadaad xilo ku dheeraato
asaan calaf ku dhaafshiyo
wakhtigu mawd ku dhaxa joojin
waa dhudi nagaysiyo
labaray dhaqasho xoolaadee
dhadhabkaan hurdadad
boodayaa dheelalawga lehe
hadaba dhinac yadaydaan
dayaa dheehashada muuqe
dhaqaaq joogsi gaygaa
khalqigu igu dhaliilaaye
dheecaanka sooreed iyo
marbaan dheefta qaab sadaye
haduu dhugato qabo
geelu waa golongol dhuubtaaye
Dhaaxuu ku taamaye
Cilmi bay dhacan ka saareene
Aniguna Dhirbaaxadaan
jacayl waw u dhutinayaane
Dhaga awdmay dhaantada ruuxdiyo
dharab la loolaaye
Dhalinyaro dhismaha luuqdiyo
dhaqan goobeed sheegtay
Ama duul is dhalay oo
wax badan dhoof ku kala baday
Dharaartaanu kulanaa
kal gacal nalagu dheehaaye
Inkastoo ay mudada dhaawacdo
waan dhur sugayaye
Dhimashada horteed
Waa rugtaan heeryadii dhigaye
Waxaa Gabaygan tiriyay Cilmi Boodhari