Dhaman tolkayna waxay go’aansaden inay lacagta horta gudaan oo ninka siiyan si rerkan xididka ah lacagtoda u qatan ka dibna loo raadin lahaa gabadhii oo qudha, tolki waxay soo uririyeen lactii waxayna dheheen gabadhii hadii la helo lacagtini wataas walaydin siin hadiise la wayo ogada inan idinka idiin haysano mag taaso ah anaga gabadha idinkan idinku ogayn oo rerkan ka guur siday hantida idinka maqan idin gubayso ayay anagana noo gubaysaa gabadhaanada maqan ee hantidiini wataa halkaa idin taalee soo raadiya gabadhi ama raq ama ruux hadii kale ogaada maxkamad ayeynu isla tagayna intaysan xaajadu xumaan, maxkamadna gaarin aynu wax dhamaysano hadaad tihiin qolada gabadha naga qabtow, waxaad markasta dhahaysan hanti baa naga maqan ee hadaba cagadhigta labadii tol xaajadu kolba meel xun ayey ka martaa. Halkaas ayey inoo maraysay.
Muddo isbuuc ah markaan joogay dhooblay ayaa garigaan raaci lahaa noqday diyaar waxaana isku diyaarshay inaan galo gudaha keenya waxaana amin casar ah ka baxnay magalada dhooblay waxaana marnay jid wada siiga ah oo aan ku soconay muddo dhoowr saac ah, waxaan ahayn gariyaal badan qaar dad ayey wadeen sida kaan saranahay qaarna waxay wadeen sonkor ay gaynayeen Qaxootiga keenya ee dhadhaab. Amin habeen ah ayaan waxaan galnay xero ka mid ah xeryaha qoxootiga oo markaas laygu sheegay magaceeda Ifo, run ahantii waxaan ka aqaan malahan waligayna waad imaan ismalahayn waxaanse noqday qof dunidii ku sii balaadhanayso oo ay ku sii fidayso marba marka ka danbayso gawaaridii waxaa la istaajiyey meel, waxaana la dhahay dadkinan waad dagan kartan meelahaad kala seexan kartaan idinkaa garanayo aniga cid kama aqaan maxaan sameeyaa, qofkasta waxaa uu u dhaqaaqay dhan aniga kaliya ku haray gaariga agtisi, wiil rakaabka ka mid ahaa ayaa i arkay inan ahay qof anan cidi garanaynin oo meel uu aado garanla, waxaa dhacday inuu ilahadlo oo idhaho “walashay igarali ahow ma meelaad ku hoyataad garan ladahayna, maadku cusubtahayna Qaxootiga” markaas ayaan dhahay haa waanku cusbahay waligayna ma imaan halkan. Markaas ayuu dhahay, “Walalo aniga ayaa dagan oo reer iidagan yahay ina keen.”
Wiilkii waan raacay waxaana uu i geeyey xafadiisa run’ahaantii waxaa laysoo dhaweeyey siwanagsan oo heer sare ah, waxaana lay seexiyey qol kaliyey ah, daal badan kadib waan nafisay habeenkaas waxan soo kacay amin barqa ah oo dadku wada sheekaysanayo waxaan ka soo baxay guriga waxana ila hadashay gabadhii wiiilka uu qabay oo i dhahday walashay kaalay soo fariiso wan u tagay waa faristay wan cadayday waxayna ii keenty canjeero iyo beer siwanagsan loo diyaarshay, waxayna i dhahday meeshan waa gurigiinoo kalee hays martiyeyn walashay, siwanaagsan ayeyna ii soo dhaweyeen, waxaana reerkii maalintiiba noqday qof la qabsada oo waxaan habeenkiiba kariyey cashadii waxaana waxka qabtay waxkastoo aan kari karo wiilkii habeenkii i soo qaday ee gurigiisa i keenay ayaa i waraystay oo i dhahay walashay gabadh soomaaliyeed baa tahay, waana arkaa ma qaxootigaad ku egtahay mise waad na sii dhafsantahay? Anna waxaan dhahay, walaalow aniga waxan ahay sidad sheegtay walashaa oo kale aniga halkan inan jogo uma imaan duruuf ayaa reerkaanagii iga soo kaxaysay, nin ayey igu dareen iga wayn oo oday ah, anna wan ka soo cararay. Marka inan Nairobi tagaan doonaya mana aqaan wax cid ah oon ku dago ama meelan maro, intaan soo socday lacagtayda ayan isticmalayey, qofkaan wax waydisanayo ama garan i sii dhahaba waxan sinayey lacag inkastoon haystay melkasta oon adayo magaceeda balse mesha gariga laga raaco ayaan aqoon u lahayn marka hada waxaan kaa codsanayaa inaad waxkasta iga caawiso walalo.
“Walashay waxaad hada joogta waa qaxooti, waxaana u arkaa inaad aad u doonayso inaad aaddo casimada dalka keenya run ahaantii ma dhibyara tagitaanka halkaas waxana dalkan uu yahay mid isku socodkiisu adagyahay sharci hadadan lahayn marka sidaad ku tagi karta wa mid adag xataa adoo lacag lagaa qatay ayaa waxaa adag inaad tagto marka aniga waxaan ku dhahaya walashay halkan iska joog muddo oo aan kuu raadiyo meel sharci ka socdo waxad hanti haysato iska hayso balse sharci aanku jaro kadib tag nairobi ado haysta Dalku galka wadanka marka iska nafis oo waa gurigiinoo kale iskaga noolow waanku farxay markuu sidaas igula taliyey ina waaniyey waxaan helay garab aad u wanagsan waxana go’aansaday inan iskala joogo asaga ilaa iyo intan ka helayo sharciga waana la qabsaday ku noolanshaha qaxootiga.
Run’ahaantii qoyskaas farxadan ka helay ayaa ahayd mid i lowsiisay nolashaan ku soo jiray waan i laway fikirki iyo murugadii i haysay waxaan la hadlay hooyaday waxaan usheegay inan nabad qabo oon jogo keenyo safar aanso maray odhanna wan uga shekeyey lacagtan ka soo qatay odaygana wan ushegay waxaana ka codsaday rerkanagii inay iga furaan odayga oo madax bananidayda i siiyo hoyaday aad ayey iigu oyday waxayna ku faraxday la soo hadalkayga wayo nolal iyo geeri ayey miday igu tiriyaan garan wayeen hoyaday waano badan hooyo lacag wax ma sheegto hadad rabto in ninka lagaa furo maxad igu imanwaysay wa laga furi laha adon adin tahriib balse hooyo soo laabo lacagtaad qaadatay waxaa bixiyey tolka oo siinayo odaygii dahab intuu ku siyey eed latagtayna waa nooshegay xataa dahabka waan siinaynaa lacagtiisa haduu daldaba waana laga furi balse soo laabo oo gurigini imow hooyo aankuu duceeye balse hoyaday mana ku hadal celinin waxan dhahay wan imane horta madaxayga halayga siiyo wayahay abahaa ayaa maqan oo xaajadada ku maqan marku imado ayaan kula soo hadlaynaa hooyo ayaan ku kala tagnay hooyaday…
By; Zubeer Haybe.