YAXYE YEEBAASH

Waxaan kuugu xidhayaa
Nafta xadhig jacayloo,
Waxaan kaaga xadayaa
Qalbi xaashi cada oo,
Magacaaga xulanbaan
Kuu xariiqayaayoo,
Hadba xaraf kolkaan qoro
Xamdibaan godlanayaa

Xiisahaan farraqayoo,
Hadba xidid burqanyaan
Xaddi dhaaf ku sabayaa
Xubintii i diiddaan
Hadba xoog ku jarayaa.

Xaradhaamintaydiyo
Waxaan kuu xodxodayaa
Marna kuu xammilayaa,
Ha xanaaq yaraysoo
Inagoon is xoorayn
Ama aan is xaganayn
Ha ku xaal dareentaan
Xubbiyeey isleeyee
Xalka maw badheedhbaa??

  Xigasho: Yaxye Yeebaash