Run’ahaantii qoyskaas farxadan ka helay ayaa ahayd mid i lowsiisay nolashaan ku soo jiray waan i laway fikirki iyo murugadii i haysay waxaan la hadlay hooyaday waxaan usheegay inan nabad qabo oon jogo keenyo safar aanso maray odhanna wan uga shekeyey lacagtan ka soo qatay odaygana wan ushegay waxaana ka codsaday rerkanagii inay iga furaan odayga oo madax bananidayda i siiyo hoyaday aad ayey iigu oyday waxayna ku faraxday la soo hadalkayga wayo nolal iyo geeri ayey miday igu tiriyaan garan wayeen hoyaday waano badan hooyo lacag wax ma sheegto hadad rabto in ninka lagaa furo maxad igu imanwaysay wa laga furi laha adon adin tahriib balse hooyo soo laabo lacagtaad qaadatay waxaa bixiyey tolka oo siinayo odaygii dahab intuu ku siyey eed latagtayna waa nooshegay xataa dahabka waan siinaynaa lacagtiisa haduu daldaba waana laga furi balse soo laabo oo gurigini imow hooyo aankuu duceeye balse hoyaday mana ku hadal celinin waxan dhahay wan imane horta madaxayga halayga siiyo wayahay abahaa ayaa maqan oo xaajadada ku maqan marku imado ayaan kula soo hadlaynaa hooyo ayaan ku kala tagnay hooyaday.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday Guursadayee Maxaad…
Abahay, tolkaygii iyo walibo taggay oo ah reerihii i qabay waxsy hooyaday u wada sheegtay in aan soo halday oon nabad qabo jogana Kenya meeshaan ka jogase aanan u sheegin, markaas ayaa abahay dhahay away lanbarkay kaa soo wacday aan wacee balse aniga wan iska damiyey si aan layba soo wicin oon lay radin ama hadalo lay oran naftaydana aysanba uga fikirin wax kasto ka iman kara halkaas ama wanaag ama xumaanba aniga waan ku faraxsanahay nolashan ka soo fogaday balse nolashan cusub enan dhaqan iyo nolal ahanba garanaynin ayaan ad uga baqayaa ee kenya iiga hirayso ninkii i qabay ayaa hoyaday iyo dhamanba tolkay intuu u i maday dhahay aniga hanti hay celinina ee gabadha i soo celiya haday mar soo hadashay oo nabad qabto hanti waa la helaa gabadha wax kastoo rabto waansiinaya ee ii soo celsha oo ii keena xataa hadday dhoof rabto waan dhoofsanaya balse hoyaday ayaa dhahday walalow wax ma kuu shegaa gabadhayda mar ayaan ayadoo i diidaysa oo igu dul oynaysa diiday hadalkeeda haddana maba xuma aan ku soo celshee away ma gabadha anan manta meshay jogto garanaynin ee ila so hadashay oo quraan ku dhaha wan ku soo celin tasi waxan u arka mid an been kugu sheegayo.
Odaygii i qabay wuxu tolkii u wada sheegay inuusan hanti rabin balse dhaqashada gabadha oo qura rabo wuxuu dhahay aniga kenya aadaya oo ii fududahay aadisteda maadaama an haysto basaboor ajanabi ah ee i siiya lanbarka gabadha hala dhaho oo rerkan danyarta ah lacag ayaan mar kalse siinaya gabadha halaykeeno, gabadh wanagsan ayey ahayd wax laga maarmi karo ma ahan ee waxaana tolkiisii wada noqday tol ila afgartay hadalka xajigooda waxayna hadalkii ula imadeen hadalkii subixii danbe oo ay dhaheen gabadhan donanayna ee ogada lacagtana wa cafis markaad ayey tolkii kale hadalkii ka xanaqeen intanba gabadha abaheed iyo hoyadeed la garin oo dhaheen idinka markii horaba laha hantiday naga dhacday gabadhiinan idinka rabnaa oo ma donayno wax kale hantidii keena waxaadna u haysaten gabadha hantida inay tolkeed la ogaayeen lana qaybsaden balse hadda waxaad ka dontan gabadhaas malahan waydinka tagtay waana idin nacday, markii horana waxaad ku gursateen juujuub ee hadalkay dhahday hoyadeed ka waraysta hoyadeed ayaa hadashay oo dhahday gabadhayda waxay doonaysaa inaad furto ood iska cafiso waxay kala tagtayna tolkeed iyo aabaheed kala xaajoo gabadhayda maanta adiga halkaas ka riday haddaan walidkeed ahayna waxaan fahmi waayey markii horee balse hadda qasab iyo gardaduub ma jiree soo fur gabadha.
Waxaa talo ku cadaatay odaygii wuxuuna dhahay; “Haday gabadhii sas idinku dhahday bal aan aniga ninkeeda ahee aan is maqalno oon la hadlo markaas wax ayan oranayaa, balse, hadalkan aad ii shegaysaan ma garaysanayo hadda waayo uma arko inuu yahay mid ay Xaawo-Luul dhahday”. Waa hagaag hadaadan nagu kalsonayn hoo la hadal, ayaan ku idhi. Suu yidhi; “Oo maba dhacayee”. inuu kuu dhacase la gartaye la hadal ayaan ku dhahay, balse walbahaar iyo walaac ayaa ku dhashay wuxuu garan waayey wuxuu sameeyo Alla haddaan guurkanba ka fiirsan lahaa oonan gabadha jacayl iyo nolal la wadaagi lahayn miyaan sidan oodhan ahan lahaa Alla addunyadu wajiyo badana ayuu ku hadaaqay, odaygii wuxuu markasta la dooda naftiisa wuxuu ka go’ay hurdo wuxuuna noqday nin anan gam’ayninoo kaligiis sheekaysanayo oo doodayo, ciyaalkisi tolkisii waa arkeen odayga kurbada ku soo kuududsatay sikastoo u waaniyeena waxuu dhaha iska dayo wa wax Alle ii qorayee xataa tolku waxay dhaheen aan gabadh kale kuu doono balse waa diiday guur danbe iyo aniga halkaas ayaan guurba ku joojiyey ayuu dhahay odaygii murugadu ku soo dhamatay kaligiis.
Aniga waxaan reerka iskala joogo waxa wiilki ii sii qaday meel badiya ah wuxuuna ii soo gooyey sharciga dalka kenya ee loo yaqoono (Kamaandhada), balse waxaan markaas qaatay waraaq la dhaho (Kusug) oo intaan kamaandhada soo bixin la sii haysto laguna mari karo jidka iyo meelaha ay askartu fadhiisato inkastoo u bahantahay inuu warqadan wato qof afka (Ksawahiliga) yaqaan inuu wato haddana Alle waa ii dhibyareeyay oo laba sakin ayaan ku soo qaatay balse waxa markaan ka soo labtay baadiyihii galay xanuun aad u wayn waxan noqday inan xata biyaha agtayda yaal anan soo qadan kari wayo. Waan hunqacayaa waxaan leeyahay lalabo lafaha dhan ayaa i xanunayo aniga dhan ayaa culays iyo cajis dareemaya waxaan garan waayey waxa igu dhacay reerkaan la joogayna waxay idhaheen malaba biyoodka waxa kugu dhacay ma kaneecaa ku cuntay balse waxan garan wayey waxan u maleeyo waxan xataa ma fahmayo calamadahan waxay yihiin waxaan aniga iyo gabadhaan gurigeeda jognay subixii adnay Cisbitaal waxaana layga qaday dhiga guud oodhan kadida iyo saxarada wase dhigayga kadiday laga wayey wax xanun ah xata egfashin laygama helin, waxaase dhakhtarkii ii sheegay inaan leeyahay uur wuxuuna ii soo shegay inan uur leeyahay oon ahay qof uur sida…
By Zubeer Haybe.