Odaygaygii marka aanku jaray telafonka aad ayuu u murgay aad ayuuna isku lahadlay waxaana fikirkiisu noqday mid siibadanayo marba marka ka danbayso, waa isla shekaystaa, wa diday wax la cuno odhan, wana ka go’ay inuu tago goobihii uu adi jiray ee asxabtiisa la dada ahayd kula sheekaysan jiray waxa uu aha oday farxaan ah oo sheeko badan balse hada waxa uu marayaa afkii baa juuqda gabay, oo maba hadlayo hadaad salaanto waa ka radinayaa salaanta balse wax kale kuguma darsanayo. qolka aan ku aroos galnay ayuu seexda oo ku jiraa habeen iyo maalin dhamaan ciyaalkisii ayaa u imaday oo waxay garan wayeen abahood waxa sidan u sii galayo iyo murugto kawayn gabadha baxsatay ee maxa dhacay balse asaga odayga murug uga wayneed malahan gabadha baxsatay ee xaskiisa aha nolashiisaba aad ayuu u raacshay oo waxa uu u aminay gabadha si aad ah ilmaheedana xataa magacyaduu u baxsan laha waa diyaarsaday balse cid uma sheegin xataa xaskiisa baxsatay “Alla laba kala bariday kala warla’aa” dhamaan ubadku dhalay waa fahmi layihiin abahood waxa ku soo kordhay ee uu qarsanaayo.
Ubadkiisi ayaa isku tagay waxayna u tageen tolkay ka dhasheen waxay u shegeen marxalada uu ku jiro bahood waxay u cadeyeen in uusan ahayn abahoodii hore ma faraxsana mana ahan mid hadlayo ee waa qof uun duuduban oo kaligii qolka ku jira waxayna dhaheen abahanaga tankuma eeganayno ee tolkii gabadhu ka dhalatay haday war ka hayan wayba ka hayan oo wa isdhalen wana wax laysla ogyahay ee hanaloo geeyo anakaa wilashiisi ah oo la xajoonayne sidii ayey saneyen odayadi ka socday dhanka odayga xaajiga waxayna u tageen tolkay gabadha ka dhalatay oo uu ku jiro baheed waxayna sheekadu u dhacday sidan.
Waxaa hadalka qaatay oday wayn oo hadalka u furay odayadii gabadha ka dhalatay oo ayagu kurbo sas u waynba haynin balse ragan markasto gogol u dhigtanba xaadir ah oonan maqnayn iyo gabadha abaheed oo sidii wagii ka dhiiran mankiisa na wax ka guuxayaan ka duwan wixii hore ayaa jooga wuxuna dhaahay” hadda tihiin odayaashii tolka gabadha odaygii waa bastiis wilashiisa wawayn wakuwan ayaka xalka odayga abahood ah ka warbixin ee waxaan idinka codsanayna si naxariisleh waxaynu nahay xidid ee inaad gabadhi doontan ood gurigeeda ku soo celisaan si ay u dhaqato rerkeeda una noqdo rerkaas mid lagu aayo oo lagu masto hadana bal warbixin odayga ka cosota dhafoorkiisa aan ka dhagaysano wiilkiisa curad waakan ee” intaas ayuu odaygii kaga baxay balse hadalka waxaa qaatay wiikii uu dhalay odaygii waxaan uu dhahay sidan “Abahay waa dhibana waxuuna noqday qof anan hadlin sidi laydin shegayba idinku daalin mahayo hadalka balse waxa an aniga doonaya labo masalo mid uun inaad hadad tihiin rerka gabadha dhalay aad ka soo baxdaan masalada koobaad inaad gabadhii nookeentaan ama waa inaad hanti wixii naga kiin galay xata aroos iyo sooryo aad noo soo wada celisan xata gabadhina hantiday la tagtay haday ahayd lacag iyo dahab hadaba inaad soo wada celisaan markaasna waa laydinka siin dalqada abahay oo ana ka soo qadayo” waanka baxay hadalka.
Waxaa hadalka qaatay gabadha tolkeed oo ah tol isku duuban oo aadba modayso inayba hadalkoda ka sii diyaargaroben waxay oran lahayen aya waxay dhaheen sidan” horta dhamantiin wad mahadsantihin waxadna tihiin tol anan naga fogayn hadalada deelqafka leh ama xanafta watana walaga wanagsan yahay in madasha layskugu yeesho ama laysku dhaho waxanse idin dhahaya gabadha wanu idinsiinay wadna naga gursaten oo wadnaga dhaqanayseen waysa idinka tagtay oo waydinka maqnayd anaka iyo idinkaba hada wayso hadashay waxay jogta kenya mel ay kaga nooshahayna ciday u shegtay malahan xata hoyadeed unbay halmar la so hadashay cidkalena lamaysan hadal lanbarkay ka soo wacdayna wa mid dansan gabadhana waxay hoyaded ku wada hadlen abaheed ayaa inoo shegaya balse wilka uu dhalay odayga hadalka uu dhahay aya ahayn mid noo cuntamay oo aha inad gabadhi soo celisan si’ay rerkeda u dhaqato iyo inaad hantidi gashay noo soo wada celisaan xata sooryadi hadalkas nooma dhadhamin balse jawabtiisa waxbo hada kuma dagdagayo gabadh wa la kala guursan jiray wana laysku soo furi jiray balse waxa wiilkan ku dhawaqay aysa ah waxan ii cuntamin ee tolow hadaad isku rayi tihiin cadaysta odhaahdiina oo toosan” aniga hadalkayga halkaas ayan ku soo afjaray balse wanku soo labane waxaa idinku sii dari wax kale gabadha aabaheed oo asagana wax ka oran hadaladiina iyo waxa mankiisa ka guuxaayo ee dhagaysta.
Holkaas haynoo joogto sheekadeenii lamagac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. Lasoco qaybta 22-aad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
By: Zubeer Haybe.