Waxaan soo wacday abaha, waxaana u sheegay xaladeyda inay wanaagsan tahay. Ahayna qof deggan, kuna faraxsan nolashay gashay, sidoo kale waxan uga sheekayay reerka wanaagsan een la joogo, waxana u sheegay inanba helay ehel aad u macaan oo i soo dhaweeyey, abbe nolashan ka helay rerkan waa mid aad ii qancisay iina cajabisay, gabadhoodo kale ayey iga dhigten ayaan ku idhi, balse, abahay wuxuu iga war guraba ilana shekaysto marxaladahan soo maray, wuxuu markiidanbe dhahay abbe Alle ha ku xafido meel kastood joogtaba ee waxaan ku waydiinayaa abbe, arin adiga ku qusaysa arrintana abbe sida runta ah inaad uga hadashan kaa doonayaa, waligay been kuguma arkin Allana waa kuu dhaliyey inaad runta sheegto mantana adoo reer ah ayaad soo tagtay oo soo carartay. Abbe tolkii waan is qabsanay dood iyo hadal dheer oo nadhax maray hada waanu heshiinay wanuna is cafinay, balse abbe in lagu furaa sow madan rabin madaxaagana lagu siiyo, abbe ninkii ku qabay wuxuu dhahay gabadhii waan furayaa, balse inay uur iileedahay iyo in kale ayaan rabaa inaan cadeeyo ee iisheeg abbe uur ma leedhahay adoo ilahay ka baqaayo abbe waxna aan iga qarsanaynin laba gooraba waalagu furayaa.
Waan farxay markuu i dhahay “waa lagu futayaa” iina sheegay inay tolkay iyo abahay i tageereen odaygaygiina dhahay waan furayaa balse waxaan ugu jawaabay abahay sidan ” Abbe aniga waxaan isticmaali jiray kinini waana i sheegay odaygayga inan lahayn wax uur ah mana lihi abbe uur ee iga soo fura aan idiin duceeyee odayga anugu madoonayo waxaad iga reebteen qayrkay anigoo wax baranaya ayaad afka iga galiseen odaygaas abbe hanti wax ma sheegto aniga waan ogahay inuu lacag badan idin siiyey anna dahab iyo lacag aan kala soo tagay balse abbe aniga nolashan doonayo waxaan u hayana malahan madaxayga haysiiyo abbe aan i sasoo cafina waana u soo ducaynayaa inuu helo gabadh wanaagsan ee abbe.” Walalahay waan u xiisay dhamaan say ahayeen abbe igu wada salaan dhamaan dariska igu salan abbe saxiibadaydaan schoolka isla dhigan jirnayna u sheeg inan cafimaad qabo lanbarkaygana siiya hayla soo hadashee abbe.
Waxaa hadalkii loo sheegay tolkii odayga in aanan uur lahayn oo cafimaad qabo oon doonayo in la i soo furo oo qur ah, hadaan uurleehay is maan qariseen ee u sheega odayga ha i soo furee, balse odaygii marki loo sheegay inaan uur lahayn ayuu dhahay hadalkaas ma ahan mid runta ku qotomo gabadhaas inay uur ledahay ayaan filayaa aniga naftayda been ima sheegayso balse Allah ayaa wax kasta dalacanaayo oo garanaaya waxa jira balse aniga shakiga igu jira waa wax u yara eg runta iyo xaqiiqda haday sidaas tahay bal wakhti halaysiiyo aan ka fikiro arrinkan aniga dhaqso go’aanka furiinka kuma dagdagayee wana laga yeelay hadalkii odayga.
Aniga waxaan ka walwalayaa habeen iyo maalina hunqaaco joogta ah iyo uurka aan qarinayo een qaxootiga la joogo ifo, waxan qarinayaa uurta, gabadha aan la jogo ayaa i waydiisay sababta aan uurka u qarsanayo oo intan oo jeer oo la ila hadlayo ugu celinayo dadka inaan been u sheego, marka waxan dhahay aniga ma dhacayso inan ilmahan sheego waxaan doonayaa inaan cid u sheegin, gabadhii ayaa dhahday hadadan ruux u sheegaynin walacana sidan kuu hayo waa mid adiga ku dhibaysa. Waxan gabadhii u sheegay inaan doonayo inaan ilmahan korsado oonan doonaynin inaan cid kaalmo waydiisto, ilmahana hadii uu waynaado aan u sheegayo reerka inaan wiil u hayo. Balse, gabadhii ayaa i dhahday ilma maanta abbihii iyo reerkooda aad ka qarisay, waxaa hadhow lagu dhahaya waa garac ma ahan ilmo aan anaga dhalnay, marka maxaad dhibkaas iskugu soo jidaysaa hada maad runta sheegtid. Waa aan diiday hadalka gabadha waana ku gacansayray, waxaana horay loo dhahay “Qofkasta qumanihiisa Qoorta u suran.”
By: Zubeer Haybe