Waxay soo martay jid dheer iyo rafaad badam kolba askar ayaa istaajisa gaariga, waxayna dadka waydiisa sharciyada dalku-galka, waxayna ayadu tustaa warqad (kusug ah) oo dalku-galka lagu sii sugo, waxayna askartu kula hadlan afka dalka, balse waxbo kama taqaano oo way ka amustaa, taasna waxay u sahashay askarta inay lacag waydiistaan gabadha, balse wax kasta waxa fududaynayey Kondhogtaha (wadaha baska) waxayna amin maqrib ku dhow imatay magalada Nairobi ee caasmida Kenya, waxayna wiilkii ka codsatay inuu geeyo Hotel ay seexato Cawa kaliya, waana geyey hotelkii. Waxay habeenkii sexatay halkii, waxay malmo jogto halkas walacna la dhibtooto waxay is barteen gabdho ku Nolaa muddo dheer Nairobi waxayna gabdhihii ka cidsateen inay timaado gurigooda wana ka soo guurtay guriga waxayna imaday gurigii gabdhaha lahayeen.
Waxaa dhacday inay gabdhihii kala tashato xaladeeda walac ee sii xumanaysa waxayna gabdhihii wada arkeen gabadhan dahabka iyo lacagta ay wadato iyo ayaka lacag la’aanta haysa, waxayna go’aansadeen inay lacagtan wax uun ka helaan, waxaana Xaawo-luul la saaray maska ah inay ilmaha iska soo xaarto, waxay maalmo badan kula taliyaan inay iska soo xaarto ilmaha oo ay noqoto qof hantiday wadato ku shaqaysan karta, waxay markii danbe ay go’aansatay inay iska soo xaarto, balse intaysan iska soo xaarin inay u sharaxaan sida looga soo xarayo iyo dhibka ay ka mari karto ama intay dhawac noqon karto, waxayna u shegeen inay malmo yar noqonayso dhaawac oo kaliya sida looga sooxaarina tahay si wanagsan oon ayada dhib ku dhacaynin. Xaawo-luul fikir iyo isla hadal badan kadib waxay go’aansatay inay ilmaha soo xaadho, oo ay taasi tahay wax ayada u wanagsan, hadalka gabdhahana yahay wax aad ugu ifiyey mowqifkeedii ahaa inay hormar gaadho.
Odaygii xaaladiisa caafimaad aad ayey u xumatay waxa uu noqday qof markasta ka fikira Xaawo-luul waxa uu nolashiisa oodhan ku xiray jacayl uu u qaaday xaaskii sii hore ma tago goobaha ay iskugu imadaan dhamaan asxaabtiisa. Wuxuu noqday mid ku ekada masaajid agtiisa ah iyo guriguu ku aroostay Xaawo-luul. Wuxuu noqday qof ka soomay acfacadii. Tolkiisa iyo ciyaalkiisaba way ogyihiin xaladiisa inaysan fiicnayn oo uu isracshay gabadhiisii uu qabay, Balse wuxuu sidaas ahaadaba wuxuu noqday qof dhiniciisi dhulka u soo dhacay oo ku soo urursaday sariirta. Waxaa la geeyey hospitaal xanunka odayga soo ritay inuu sheego, balse Dhakhtarkii xanunka uu ku sheegay wuxuu noqday fikir iyo cuno la’aan, wuxuuna ehelkiisi u sheegay inuu odaygu nasto oo wax cuno.
Xaawo-luul waxaa sii qaday gabadh kamid ah gabdhihii, waxayna u sii qaadeen Hospitaalkii waxayna geeyeen goobtii ilmaha lagu soo xaadhi lahaa. Waxay inbadan ka sii fikiraysay Xaawo-luul waxa caafikaadkeeda ku iman kara waxa ka dhalan kara ilmaha ay xaarayso ninkii iyo reerkii ilmahan caloosha ku wado lahaa haday ogadaan sheekadan waxa ka dhalankara. waxay iswaydinaysay su’aalo badan oo katan badinayo nafteeda, waxayna gabadha wada markasta ku dhahdaa “Cabsida ikadaa is adkee anigaba dhowr jeer ayaan halkan iskaga soo xaaray ee isdaji cabsi malahan xanun badana malahan.” Dhaktarkii ayaa u yeeray Xaawo-luul waxayna gashay goobtii ilmaha lagaga xaarayey inta uusan goobta galinin ayuu la taliyey inay iskadayso ilmaheeda ay dilayso oo ay korsato duruufta ay u soo ridayso hadaysan ahayn mid daruuri ah, hadal badan kadib waa diday inay ilmaha daysato, wuxuna arkay inay gabadhan rabto inay xaadho ilmaha waana ka soo xaray ilmihii xalasha ahaa ee dhigeeda ahaa ayaa manta laga xaadhay…
By: Zubeer Haybe.