Barafka adduunka

 

Adduunka aan ku noolahay, qaaradda Atlaantica waa midda u ballaadhan sida Ameerika, 90% barafka adduunka meesha laga helo waa halkan. Caalamkan barafka ah, waa mid ballaadhan oo saxare ah, illaa iyo inta laga gaadhayo wakhti roobaadka. Xayawaanka ugu badan ee ku nool barafkaas dhaxdiisa waxaa ugu badan shimir badeedda, waxay u qaxaan xilligan barafka ah, illaa intay ka gaadhayaan badda. Badda Atlaantiga waxay hodan ku tahay noolaha kala duwan, ee ku xagaa baxa, wakhtiyada Barafka. Baddan waxay leedahay gabiyo boqollaal baac ah oo ay biyuhu duqeeyaan. Dhammaan meelaha barriga ah waxaa daboola barafka. Meelo illaa hal mayl hoos u qodan ayuu barafku buuxinayaa, barafkaana waxaa dajin kara oo kaliya roobabka xilliga.

Qaaradan Atlaantiga waa meesha ugu shimbiraha badan caalamka. Waxaad arkaysaa hal guuto oo shimbira ah oo illaa hal mayl wada socda. Waxayna u qadhaab tagaan illaa hal mayl oo badda gudaheeda ah.

Marka uu xagaagu billawdo, waxay baddu isku badashaa baraf fadhiistay, halkaasna waxaa socdaalkooda billaaba, dhammaan noolihi ku jiray badda ama ka ag dhawaa, iyagoo u qaxaya dhanka koonfureed ee Atlaaniga, si ay u helaan biyo diirran, illaa inta xagaaga laga baxayo ee ay ku laabanayaa meelahoodi.

Waxaa badda dhexdeeda ku qaxa kalluunka iyo nuguriga, waxaa sidoo kale barriga ku qaxa wixi baal leh iyo wixii luga ku socda. Iyagoo isku dhan u qaxaya oo koonfurta u wada socda.

Maxaayeelay, xayawaanada meesha ku nool, way kala duwan yihiin, waxaa ka mid ah kuwo daaqa ku nool, kuwo kalluumaysata ah iyo kuwo ugaadhsato ah, markaas oo kale waxaa ugu ayaan daran, kuwa daaqa ku nool iyo kuwa kalluunka ku nool, maxaayeelay barafka ayaan u saamaxayn in ay wax ay cunaan, balse waxaa fursad helay xayawaanka ugaadhsatada ah, kuwaas oo si dhib yar u heli kara nolal maalmeedkooda.

Marka ay shimbiruhu barafka awgii soo bad baxaan, inta ay socdaalkooda ku guda jiraan, ee ay wasaq jidhkooda ka dareemaan waxay barafka ugu galgashaan iyagoo ku nadiifinaya baarrimahooda.

Shimbiraha badan ee ka soo qaxa badaha Atlaantiga waxaa ka faa’idaysta shimbira-laayaha ku nool barriga ee bahda gorgorka ah.

Xagaaga oo dhan, buuraleyda Atlaantiga ma wada daboolayo barafku, oo waxaa laga helayaa meelo bannaan, halka buuraha qaarkoodka ay baraf isku badalayaan, inta ay roobabka gu’ga ka curanayaan.

Meela uu barafku ka bannaan yahay ayay iskugu ururaan shimbirahan, iyagoo markaas fursad u hela in ay is orgeeyaan, oo ay halkaas ku tarmaan. Ukumaha oo aan u adkaysan karin qabawga barafka, ayay labka iyo dhaddigu iska nasiyaan oo midkiba markiisa ku fadhiistaa si uu u diiriyo ukunta illaa inta ay dillaacayso.

Markaas kadib waxaa u billaawda dabaylihii qabowga iyo barafka ahaa ee xagaaga, waxayna iska dugsdaan dabayshaas iyaga oo isku cimidhsan oo is diiriniya.

Nasiib darro, Altaantigga waa caalamka meesha ugu hor barafoobaysa marka la gaadho xagaayada, iyadoo barafku bad iyo bariba uu wada daboolayo illaa inta laga gaadhayo wakhtiyada kulaylaha ah.

Shimbiruhu waxay haddana socdaal ay dib ugu laabanayaan billaabaan bil ka hore inta uusan xagaagu bixin