Qeybtii 2-aad; Sheekadi iska kay ilow!

 

Jawaabtii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura ka soo dareeray. Naxdin anigii, anfariir baan qaaday, waxaan sheegana waan garan waayay, il-biriqsiyo yar markii aan aamusanaa, baa aniga oo hadalka gefgefaya, cabsina ay iga muuqato, waxaan iri “een…een, abaayo iga raali noqo, hadii aan wax qaldan ku dhahay ama talaabo qaldan ku dhaqaaqay, markaas bay iyada oo qarqareysa cod naxariis leh oo wadnaheyga gilgilay igu tiri “Ilaah indhaha kuuma siin inaad ku jeesjeesto, anigana iima tirin qalad aan galay, ee waa cibra qaadasho, inaan waxba arag oo aan meel aan u dhaqaaqo garaneyn waad aragtaa markaas baad qeylo dhegaha iiga jebineysa!”.

Markii ay intaasi afkeeda ka sii idlaanayeen, aniga waxaan lumiyay hadalkii, naxadintii i heysana kun jeer bay jibaarantay, wax aan sameeyo baan garan waayay, waxay igu noqtay arrin aanan filaneyn iyo anfariir, mar waxaan ku dheygagay quruxdeeda marna waxaan qalbiga iska dhahay “Alle adoo kale sidan kuma aadan wanaagsaneyn”.

Waxba yaanan hadalka kugu daalin’e, daqiiqado markii aan xaaladaas ku sugnaa, baan inta safaleeti jeebka iigu jiray la soo baxay, isku dayay inaan ilintii ka tirtiro, aniga oo dhahaya “waan ku baryayaa iga raali noqon sida xaalkaagu yahay iyo sidaan maleeyay waa laba kala fog”. balse mar Alaale markii aan Isheeda bidix ku bilaabay inaan ilinta ka tiro bay inta gacanteeda iska qabatay iska tuurtay.

“Abaayo ma qalad kale baan galay hadana” baan ku iri. “maya, qalad maadan gelin” ayay iigu jawaabtay. “oo maxaad waayahay’e gacanteeda isaga filiqday” baan hadana weydiiyay, intaa kadib bay ayada oo aad moodo inay waxooga degtay, isla markaana gacanteeda ilinta isaga tireysa igu tiri “Waxaan diidayaa inaan galo riyo maalmeed been ah, naxariistan oo kale weligey ma arag, mana doonayo inaan gudo galo wax ku kooban il-biriqsiyo”…