Murugo dagaal, duqaydu maxay ka dheheen

Waxaa la yidhi “Colaadi waa tay carruuri og tahaye”, dhibaatada uu nafluhu kala kulmo colaadaha Waxaa ka mid ah;

1. Musiibo dabiici
2. Dhiillo deegaan
3. Gablan iyo geeri
4. khasaaro nolaleed
5. Dambi Alle

Murugada ay colaaddu keento, ayaa ka hadlisa rag waawayn, kadibna waxay hadalladoodaas noqdeen cashiro aan lagu dhaqmin oo la daayacay. Maxay dheheen!

 

Intaad caano iyo wiil tahaa lala cabsoodaaye
Wax calaacal kuma yaal hadii caydh lagaa dhigo’e (Qamaan bulxan).

Sidi gabadh nin gaya aabbaheed guunya kaga qaatay
Oo geeri lama xeeliyee galangal loo saaray
Oo geesigii qabi jiriyo gabannadii wayday
Xalay gadhkaan la yuururay intaad gama’sanaydeene (Timacadde).

Cadwa nimanka yaalaan hurdada, caafimaad ladine
Cowbaartii Xamar looga caag, calafki dheefeede
Carradaynu joognana waa, caabuq lagu reebye (Maxamed Cumar Dage).

Suxullada unbaan labada low, sudhan alleylkiiye
Surmadaan ku kuududay tan iyo, saaca waaberiye
Surkii baygu jabay foorarkaan, seben u yeellaaye (Sayid maxamed).

Dhiilaabayey xalay miyaan, dhagidi soo booday
Ma dhabeyti dhawr baan hurdada, dhinacyaduu diiday
Gogoshii la ii dhigay miyaan, dhan isu weydaarshay
Sidii qalanjo dhaawacan miyaan, dhiraha laynaayey
Sidii naag ninkeedii dhintoo reer, ka dhaxal meertay
Ma dhulkaan shan baac qoday, Cabdow dhalasho waa yaabe (Cabdi gahaydh)