Tuducyo ka mid ah gabay wakhtigan ku habboonaa oo uu tiriyay Abwaan dhoodaan
• Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye
• Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doondoone
• Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe
• Dardarsiintu way u daran tahee, marin-daygaa u roone
• Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’a weyn tahaye
• War waa deeq Ilaah baxshiyo, doobir gooni ahe
• Sidii hees la darandooriyiyo, koox la dananaysa
• Durbaan muusig ima daahiyiyo, duul xafida wiige (week)
• Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasas loo tumo e
• Dusha iyo haddaan saari jiray, duuda guradeeda
• Daldalaadii horre haatan waa, inaan ka daayaaye
• Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye
Dirqi
