Qeybtii 12-aad

Go’aankii kaligii talisnimada ku dhisnaa ee aabahay uu qaatay, waxa uu
aad u dhaawacay qalbigeyga, waxa uu na mugdi geliyay hamigii aan
tiigsanayay ee ahaa inaan mar un arko Istar oo oorideeda noqota. Si
kastaba go’aanka aabe igama uusan reebin inaan wadadeeda kusii taagnaado.
Subaxii xigay, ayaan aaday Istar, waxaana u sheegay kullankii aan wada
qaadanay aniga iyo dhaqtarka. aad ayay runtii u faraxday, kadibna waxaan
u kaxeeyay xaruntii dhaqtarka, markii aan geeyay oo uu arkay, nasiib
wanaagsan waxa uu ii sheegay in xaaladda indhaheeda wax laga qaban karo,
islamarkaana aan heesto muddo 20 maalmood ah inaan lacagta kusoo
diyaariyo si howsha loo guda galo, oo uu mudadaas wixii ka dambeeya dib
ugu laaban doono dalka uu sanad kasta ka yimaado ee Germany.
Intaa kadib inta Istar aqalkooda isaga soo celiyay, ayaan anna gurigeena
imid, waxaana kadib bilaabay inaan ka fekero waxa aan sameyn doono iyo
halka aan u baadi goobi doono lacagta $1000 ee loo baahan yahay. Feker
dheer kadib waxaa ii soo baxay oo xal iila muuqday inaan iibiyo mid ka
mid ah laba guri oo aan horey uga iibsaday magaalada Muqdisho, si aan
lacagta halkaasi kasoo baxda dhaqtarka u siiyo.
Arrintii ayaan kadib ku dhaqaaqay aniga oo aan cidna ogeysiin, waana ku
guuleystay inaan lacagtii helo oo aan iibiyo guriga muddo toddobaad
gudihiis ah.
Subax ay ahay Isniin, ayaa aniga oo isku diyaarinaya inaan kaxeeyo Istar
oo aan dhaqtarka aado, ayaa aabe ii yeeray, Waxaana uu igu yiri “haye
waxaan rabnaa inaan toddobaad kadib ka dhigno guurka adiga iyo Hani”,
aniga oo carro ay iga muuqato ayaansae aabahaya ugu jawaabay “aabe
horeyna waan kuugu sheegay haddana waan kuugu celinyaa, marnaba guurkaas
diyaar uma ahi”, intaa kadib aabahay aad ayuu u carooday, waxaana uu ku
siktay inuu ii gacan qaado, cabbaar ayuu iga aamusnaa, waxaana uu kadib
igu yiri “laba mid aday dan kuu tahay, inaad guurkaas ogolaato iyo in
aniga iyo adiga aan is deyno”, xaqiiqdii jawaabta s’aashaasi aad ayay
iigu adkaata,w axaana aabahy ku iri ” aabe aniga iyo adiga waxaan nahay
dad is dhalay iyo wiil iyo aabihii, arrintaas darteedna kuma kala go’i
karno, si kastaba diyaar uma ihi guurkaasi”.
In cabaar ah hadii uu aabahay aamusnaa ayuu igu yiri “marka horeba waan
ogaa inaad sidan oran doonto, hadaad dhiigeyga ahaan lahayd oo aan ku
dhali lahaa sidan maad sameyseen”, xaqiiqdii erayadaasi waxay noqdeen
falaar wadnaheyga ku dhacay, waxaana la yaabay waxa uu aabe ula jeeday
“hadaad dhiigeyga ahaan lahayd”, waxaan is wdyiiyay su’aalo ay ka mid
ahaayeen ” oo aabe kuma dhalin miyaa?, mise sidan oo dhan carro ayaa ka
keentay”, hadana waxaan is iri “carro haday jirto xitaaa hadaad wiilkeyga
ahaan lahayd ma ayadaa gaareysaa?”. Xaqiiqdii waxaan halkaasi ka qaaday
tuhun ku saabsan inaan ahay wiil uu dhalay.
Aniga ii ilinta ay iga qubaneyso ayaan aabe ka tagay, waxaana si deg deg
ah u galay qol ay hooyadey hurdeysay, intaan ka kiciyay, ayaan waxaan war
uga bilaabay “Hooyo, aniga, aabe ima dhalin miyaa?, ma aabe kale ayaan
lee yahay, mise labadiinaba ima dhalin”, hooyadey jawaabtii aan ka
sugayay waxa ay noqotay ilin mar qura kasoo hoobatay, ku dhowaad 30
daqiiqo oo aan war ka sugayayna waxaan xitaa ka waayay inay haa ama maya
i dhahdo, anoo sidaas u niyad jabsan ayaana isaga tagay.
Xaalad niyad xumo, ayaa halkaasi igaga bilaabaty, cabaar ayaan oohin la
fariistay deerka gurigeena, waxaanse go’aan ku gaaray in waxay doontaba
ha igu qaadatee aan helo xaqiiqda rasmiga ah ee dhalashadeyda.
Si kastaba qalbi xumadii aan subaxaasi qaaday igama reebin wax u
qabashada Istar iyo inaan caafimaad u helo indhaheeda, waxaana anoo
arrinkaasi ka talaab qaadaya aan horey usoo qaatay lacagtii indhaha loogu
fiiqi lahaa, kadibna intaan gurigooda tagay, ayaan soo kaxeeyay oo aan
geeyay xaruntii dhaqtarka, markaan u geeyay kadib ayuu yiri adiga
banaanka iska tag howl galka ayaan bilaabeynaa, “waa yahay” intaan dhahay
ayaan iska soo baxay, cabaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar
oo ilemeyneysa, kadibna waxaan ku iri “oo maxaa kugu dhacay”, “aniga ma
doonayo in indhaha la ii fiiqo” ayayna iigu jawaabtay, “oo maxaa dhacay
ayaan hadana ku iri “…