Cali Oday oo ku dardaarmaya gabay ayaa yidhi:

• Ninka ladanee laqanbaad ahayd, laabta galiyaaba
• Ninkuu malaha laafaalugtuu, liidasho u filiye

• Kol hadduu Lillaahida gudboo, kaa ladqabo diido
• Libta inaad kasoo qaadatoo, lagado mooyaane

• Wuxuu tiisii kaga laabmo oo, liiliyaan jirine
• Hala lumee lafihii gaar noqdaa, magac ku noolaane

• Cabdi Ladan kobtuu laaci, waa inuu ka laabtaaye
• Shantii kibirka layliga ugalay, waranka leefsiiya

• Lix meeshaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada
• Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha

• Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya duulaanka
• Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya